Abwaanka: Maxamed
Cabdiqaadir Daauud [Stanza].
Gabayga: Asluub.
Taariikhda: 2/2/2006.
F.G: Gabaygan
la magacbaxay asluub wuxuu la talinayaa ninka la yiraahda
Khadar Keyse Maxamuud
oo si
shixood-darro ah ugu gafay abwaanka weynee Soomaaliyeed,
Maxamuud Cabdullaahi Ciise [Singub]. Waa ciil iyo
caloolyoow inuu nin abwaannimo sheeganaya sidaas u dhaqmaa
dhabti. Gabaygan wuxuu kaloo la hadlayaa oo uu wanaagga ku
boorrinayaa suugaanyahannada iyo suxufiyiinta ninkaas ku
fikirka ah ee caadeystay shaqsi-dilka iyo afxummeynta
aqoonyahannada iyo abwaannada Soomaaliyeed kuwa ugu
qiimaha badan uguna Soomaalnimada jecel, ayagoon dhalliil
muuqata oo cad miiska golayaasha gorfeynta howlaha
gurracan marna soo dhigeynin balse qoraaladooda laga
dheehan karaya qof-necbeysi iyo qardoofo aan qiimo laheyn
aadna u qaawan. Gabaygu caay waa ka hufanyahay balse waa liishaan,
talo iyo tusaale miiggan oo mug iyo cuf leh.
Khadarow ilduuftaye, war
waad alaladeysaaye.
Halka laga agloolaan ku
bari, gabay asluubtiiye.
Waxaan ina-abtoow kugu
anqarin, eray wanaaggiiye.
Ilaahey hadduu kugu
anfoco, aad bal ugu fiirso.
Nin ogsoon siduu iilku
yahay, balo ma oogeene.
Aakhiro qabiil kuma
anfaco, nin iyo aashiiye.
Mar haddaad isyaannimo
is-badi, ama abwaan guuna.
Ublikeynta waa lagu
gubtaa, waa asqaran jaane.
Nimanyahow afmaal
gabidhacaa, waa ibtilo weyne.
Agab weeyo maansada war
waa, ubaxa deyreede.
Uruurshaa wanaajuu rabtaa,
alifka suugaane.
Aashaawad sow kuma
wacneyn, inaad ilaaleyso?
Absammiyo Marreexaan
dhammaan, ururta Daaroodka.
Isaaq iyo intey ehel
yihiin, uunka Gadabiirsi.
Abgaal iyo ideylkii
Hawiye, Noo akhribo guude.
Aadaas kuwaa lagu
suntiyey, unug hal weeyaane.
Soomaali idilkeed abtoow,
waa ilma-adeere.
Astaan lagu hirtaan
leennihiyo, udub dhaxtaalkiiye.
Bulshadeenna oon bey
qabtaa, uurxumna muushe.
Ma abeydin baa tahay
maxaad taa, uga ilduuftay?
Daarood Ismaaciil maxaad,
ugu agmeereysan?
Afweyniyo wuxuu aafo
dhigay, idil na saameeye.
Amba eelka waan kula
qabiyo, uumi iyo shiishe.
Maxaad eedda ani iigu
godi, waa aqlila'aane?
Idaajaa maxaad u afxumeyn,
waa Adiib qarane?
Yamyam maxaad unkaha, ey
u oran waa aftahan weyne?
Singub maxaad agnaannimo
u bidi, waa abwaan qarane?
Maxaad Cali Khaliif ugu
ab-abi, waa aqoonyahane?
Dhoodaan maxaad ugu
afnaqi, waa ileys baxaye?
Anaaniyad maxaad ugu
ikrimi, waa irdhiyo yaabe?
Nin abwaan la moodaa
jiroo, aafo fidiyaaye.
Afmaal lagu khasaaraa
batiyo, eed-kobciyayaale!
Ishkin weeyo maansada
af-wacan, waa irdhaban geele.
Aqoon iyo garaad bey
rabtaa, loo arrimiyaaye.
Afar-foollahaan garan
kareyn, yoolka adabeede.
Aqli-guran ilaaq-liidataa,
adhaxda goysaaye.
Arba iyo atoor laaqimaa,
oorshay dunidiiye.
Abris iyo af-leeb baa
kiciyo, kheyr ambiyayaale.
Abab iyo abwaan-qaran
waqood, aad u kala dheere.
Ishiqaadan doontide, war
waad ibitiqeysaaye.
Isaaq iyo Ogaadeen
haddaad, iin isugu dhiibto.
Arab iyo haddii
reer-Isaaq, laysku aaneysto.
Agah! Goorta ay wada
dhahaan, waa ilkacastiiye.
Asalkiyo inuu dhiiggu
quban, sow ma ogid jaalle?
Abraahiina eebo-cadyadii,
olol-mawaabshaane.
Waa raggi Amxaarada
anfiyey, ee unuunjaraye.
Aar nimaan aqoon baa
adeer, adhi ka waabshaaye.
Abeesaan waryaa daa ku
idhi, ood ku oraddaaye!
Haddii oogta-waabari
ideyl, laysku agabqaado.
Ninba aaladdiisiyo haddii,
buunka la afuufo.
Haddii uu afdhiigluhu
onkodo, oo ragna asiibo.
Inuu meydku ayaxaa ka
badan, sow ma ogid jaalle?
Ummaddeenna oon kala
eryaa, waa indhala'aane.
Nabad inaan abuurnaa ka
roon, colaan aloosnaaye.
Waa aragtidaan jaalle
qabo, kuna ogeysiine.
Dib u eeg tixdaad
aawishiyo, gabayga aafeysan!
Aaran iyo abaar
ina-abtoow, kala ilwaad roone.
Agan ubaxa buuxshaa ka
wacan, uuro iyo boore.
Uskagleey arraajaa u
daran, dumar abuurkiiye.
Haddii aad midnimo
aynabtaa, adiyo aashaa dhe.
Anshax-xumada beentaa ka
daran, hadal abwaaneede.
Ititibinta waanadu ka
weyn, mala'awaalkaase.
Dhillowyahanka oogada ku
yaal, waa alloowsahale.
Ififaaladaan kuu sawiray, ku
intifaac jaalle.
Gudcur kugu afuray waa
ibtilo, dayax-aguuggaase.
Sharaf kaa idlaataa ka
dhigan, duluc ammaahaase.
Waxaad aawileysiyo waxaan,
anigu eegaayo.
Waa dirir arooryiyo
cidhjiidh, kala aflaaqeene.
Inooseen dambiilaba ma
aha, caalamku ogsoone.
Abuukaate waa kuu na
yidhi, aragtidiisiiye.
Aytoloshku waa lagu ogaa,
waa utuna doone.
Waanadu abuurkaa ebyoo,
kana itaal roone.
Aqli-naaqusnimadaa wax
dheer, oododhacameede.
Afku-ceeblayaal waan
necbahay, abur-cantuuggaase.
Abwaannimoy Allaha kuu
raxmada, iilka lagu geeye.
Inaan aamusaa ila habboon,
gabayga awdaaye!
Ehelkoo colloobiyo Ableey,
laysku uurgooyo.
Asaay-qaad aroos lagu
baddalo, waa umula-dooxe.
Anaa adag anaa aarsan bey,
nimanki eedeene.
Adiguna isheedaad
leedahay, uunku kula yaabye.
Birta aad afeysiyo waxaad,
balo aglooleysa.
Af-libaax inaad gali
waaba, la arkaaye.
Afeef-hore markii la
askumaa, lagu adkeystaaye.
Alloow nabadda iil yaan
ku ridin, agab xariireede!
'Aabbaha suugaanta'