Waxaa Hooyo maryan lasooo Gudboonaadey Laba Arimood oo Kala ah In aysoo Celiso Filsan oo Caro oo ga baxadey Gurigoodii Iyo in yasan kusqasbin waxaysan Raali ka aheyn ,Filsan ayaa Waxaa baadi goobey Adeerkeed C/qaadir Asagoo Layaaban Arinka Cusub ee Kusoo Siyaadey Reerka Filsan ayaa waxaa lagusoo Celshey Gurigii Reerkoodada
Ayadoo Leh meeshaani Haduusan Joogin Cumar Walaalkey Lagama yaabo in aan joogo Waxaa Arkinii Layaabey Saciid oo moodada In ay gabdho iiqabto Jaceyl Baxaad weyn Runtii Waxaa oo niyadiisa Gashtey in uugabdho Xiriir kala Dhaxeeyo Cumar Aloow Nin aan waxa ogeyn Ha cadaabin.
Cumar oo yaaban Ayaa waxa uu bacadii Hadiyadaha Aheed Kaheley Waraaqo Si qaas ah uugu socdo Filsan kuwaasi oo ahaa ama uqurnaa Sidatan
From Nafwaxa Jecel
To Naflajacel Yahay ,
Filsaneey Waxaan hawadada kusoo Marenyaa
salaan Qaali aha salaan taasoo kamacaan badan Malabka shinada Kana Udgoon badan saxan saxada Roobka Runtii waxaan Maanta kuugu sooqorey Waraaqdaani kuugu sooqorey jaceylka aan kuuqabo Runtii waxaad Tahay Gabadhii iigu Horeysey Nolasheyda aan uqaado waxa Jaceyl ah Runtii intaan noolaa Dunidaani maanan Arag Quf aan jeclaado Marka waxaan kaadoona yaa Markaad Argto Waraaqaadni In aad Qalbigaaga iigaga baneyso Qeyb aan Dago Runtii
Macaaney Waxaan kaloo Hawadada kusoo Marenayaa Hees Qaali ah oo uuqaadey Fanaankii Weynaa Al ,Marxuun Cumar Dhuule Cali ,iladhuux Heestaasi Waxuuna ahaaa Quraalkeeda Heestani Sidatan.
xabadyahay waxaad tahay
xulashada haweenkii
xaqiiqdii mid kula mida
wali lama xambaarine
xuural cayn la moodii
xaragada u dhalataay
gacmaahaga xaada leh
markaan soo xasuustab
xadantoodayeey
xidigyahay anoo nool
xabaal baan dul aala
Waxaan Layaabey Markii aan arkey Waraaqdaasi Ayaan waxaan Niyadadeyda iska Iri Filsaneey waxaad Noqotey Qalanjadii uqeybsami weysey Muxiyadiin Iyo Saciid intaasi kadib markaan niyadada iskala Hadalay Waxaa isoo dhacay Telfoon intanan
soobaxin telfoonka ayaan waxaan Ogaadey in aysan aheyn Qufkale Aytahay Filsan ,durbadiiba waxay iigubiloowdey inteed joogtaa Cumaroow aad baan kuugu baahnaa Walaale Meelkasta oo aad joogti Waxaan rabaa in aad iitimaado Walaale.Durbadiiba Waxaan usiibaxay xafadii Filsan oo aan kafogeyn markaasi Halkii aan kusugnaa Markii aan galey Gurigaga ayaan waxaan Iridada Guriga Tagnaa Ader C/qaadir oo iisheegey in uu Baahan Yahay Aniga Kaligey uuna iigusugaayo Hotel shamoow iyo in aan utago Markaan Uqabto Filsan waxay dooneyso. Filsan baa itire Cumaroow Waxaad ogaataa waxwaliba oo kuugu Gaaro madaxeyga Karaali ahoow Walaale waxaan dareemi karaa Culayska
Lagusaarey.
Filsaneey idhageyso Waxaan kuhayaa Waraaqo muhiim ah oo Adiga kuquseeyo waxaan rabaa in aad ishamariso Markastoo aad jaanis Leedahay Walaale Yaa iigu kaadhiibey Waxaan usheegey in ayiigaga soo Raceen Alaabtii Hadiyada Aheed ee luugu Talagaley Filsan
unkeeney Saciid Waxeyna iigu jawaabtey Waayahay Laakiin Cumar Waxaan rabaa in aan kuulatashto. Maadama aan kuugu kalsoonahay Marna aad Tahay Walaalkeygii iigaga weynaa Runtii waxaan rabaa in aan kaala Tashto Arimo Farabadan Gurigeena Kuma wadahadli karo .
Waxaan
usheegey in aad aadeyno Hadertaani oo aan labalan Sanahay Adeer C/qaadir uuna iigusugaayo Hotel .shamoow Waxaan soo aadney Aniga iyo Filsan Dhankii Hotelkii uu kusugnaa Adeer .C/qaadir Markii aan Galney Ayaa waxaa Cabaar ilakaftamay Saxiibkeygii Qaaliga ahaa ee Xasan kaafi oo iyire Waxaad labadeena iskutihiin Labadii Laiskugu Talagaley Runtii Sidada aydabecadina isku Fahan tahay. Waxaa Hadalkii Kajawaabey Filsan oo tire Mahadsanid Xasan
Kaafi Waxaan meeshii nagusugaayey Adeer C/qaadir Waxaan Hadalkii kubilaabey Miyaan kasoo daahey Adeer macaane waxuuna iigujwaabey Maya Adeer Waxaan Bilaamey Sheeko Wadajir ah Sadaxdeeni Hadalkiina waxaa Bilaabey Adeer oo Yire Cumaroow Marka waxaan Maanta Kuugu Yeerey Waxwalibo oo kuugu soogaarey
Filsan Madaxeeda In aad karaali Ahaato Qaladaadkii Dhacay Waxaana Maanta Diyaar u ahay in aan kaarali Galsho maadama aad Tahay Wiilkeygii oo kale Runtii maahid in aan Iloobi karno Aniga iyo Gabadheyda Filsan Waxaasa waxaana Keensadey Adiga Marka Adeer macaan Karaali ahoow Waxaan Ire Mahadsanid Adeer macaan Waa Laisku Leeyahay Taasi Hadertaani Tan labaad oo aan kaaleeyahay Waxay Tahay Filsan Aniga waxaan kuraacsanahay Waxaysan
Raali ka aheyn in aan laguqasbin Karin runtii waxay ayadu jeclaato mooyaani .
Hada waxaa Lagaarey Xiligii Ay ulaaban Laheed uk Waxaan uharey oo kaliya .Maalmo Yar uguyaraan Hal asbuuc oo kaliya Filsan baa lasoo boodey Aniga waxaan rabaa in aan siijoogo Halakaani
adeerbaa kujawaabey Ok hadaada Rabto waad sii joogi kartaa Cumaroow Waxaan karabaa in aad iiraacdo Shirkada Diyaarahda ee Kuukaay Ayaan ugu dhiibayaa Pasaporka Filsan Siloogu soo Saaro Viso Sadax Bilood oo Kale Anigu Magaran Karo waxay usiijeclaatey Durbadiiba Halkaani Waana uubaxay Adeer waxaa Goobtii Kuharey Filsan iyo Aniga Waxay igaaga Codsatey in aan Tuso Alaabtii Waraaqaha iigaga sooraacdey Alaabteeda iyo meesha Aykatimid Waraaqdaasi .?
Waxaan Furey Bashqadii Quruxda Badneed ee Loosoo dhiibey Filsan Durbadiiba Waxay Tire Waraaqdaani Quraalkeeda Adbuu Uqurxoon
Yahay Lakiin Nasiib wanaag aniga Aqrinta somaaliga waa uu idhibaa Lakiin Hadalka Maya Cumaroow Waxaan doonayaa in aad ii Aqriso
Adigoon Waxba iiga Qarin waxaan Bilaabey In aan Aqriyo Quraalkii Saciid uu usoo Qorey Filsan Markii aan bilaabey Ayaa Filsan Tire Runtii Waxaan Layaabey Quraalkaani Saciid uu iisooqorey Aniga waxaan moodaayey Wiil walaakeyga ah Lakiin Maxaa kudhacay
.
Waxaan hadlkii kubilaabey Runtii Filsaneey Waxaad Tahay Gabar aad iyo Ad uqurxoon Ninka Ragaana waa Uu kujeclaan karaa Marka
Qufka haduu uu kuushegtey Arintiisa Jaceylka Maxuma sidada Anigu
An aamin sanahay Waxaa lagaa doonayaa In aad Adiga Jawaabtiisa oo ah Mid uusan Qalbigiisa Dhaawac Gaarsiin
Karin in aad Diyaariso Maadama ninkaani Saciid ah Ubilaabey Jawi Nolal Cusub Maadama uukasoo baxay Nolashii Qaabta darneed ee isbaarada Runtii aniga waxaan oran karaa Waa wiil Ad uwanaagsan Maadama uu hadertaani usoo jeestey In uu bilaabo Nolal Cusub Marka Adigaa lagaa doonayaa
Runtii Filsan oo Dhakafaarsan oo Garan la waxay aysameyso ayaa waxaa ay usoo Dhaqaadey Dhankii Gurigooda Aniga Waxaan uugaga Harey Iridada Guriga meeshaani ayaan isku Macsalaameyn Waxaana Durbadiiba Igaga Horyimid saciid oo leh Cumar Filsan Aniga waxaan ujeclahay Sidhab ah Walaal Laakiin Jaceylka aan uqabo Runtii maaha Mid aaan kuguuleysan Doono Maxaa Yeeley Waxay noqotey Qalanjadii Qarniga ama Qalanjadii Noo Qeybsami Weysey Aniga Adiga Iyo
Muxiyadiin Mire Guushuna Waxay ubadan doontaa Sida aan Filaayo Adigaga Xagaaga Runtii Anigoo Layaaban Hadlka Saciid baan ku ire
Saciidoow Aniga Filsan waa Gabar somaliyeed oo walaashey ah Wax xiriir ah oo nagaga Dhaxeeyaana Majiraan Taasi Niyaadada Kasaar Hadii aad
jeceshahayna Runtii Cid kaahor istaagsana majirto Adiga uun umuuji Dadaalkaaga Aniga Cumar Ahaana Waxaan Buuq Iyo Burbaleyn aheyn oo iigaga Yimaada Ayadada Xageeda ayaa Maalinkastaa iheysta Walaal Aniga madoonaayo Gabdhaasi Walaashey ah in aan usheego Arinkaasi Taasoo ay iisii dheertahay Hanjabaad Joogto ah oo iigesto Maalinkastaa Walaalkeed Muxiyadiin Mire oo ah Ninka Aylarabto Hooyadeed Asaga iyo hooyo Maryana Waxay shakiweyn Kaqabaan Aniga Horaa waxaa looyire Aloow Hacadaabin Nin aan wax ogeyn Aniga Waxa Xiriir Walaalnimo uun mooyaani Mid Rasmi ah oo Jaceyl ah Nagma dhaxeeyaan Hadaada Iaamineyso Walaal Saciid .
Runtii Aniga Hadertaani Waxaan Adayaa Meel dan muhiim ah kaleeyahay Walaal Qeyr baa inoo balan ah Markaasi buulasoo boodey Cumaroow Walaale Ma Filsan baad kuula balan santahay Hotelkii Shamoow Marka Gabdhaasi Qufka Kaliya Raco ama ay usheegato Sirteeda Waa Adiga Saciid oo moodo in aan kaqrinaayo Ayaan usheegey meesha
aan usucdo Markaasi buu Yire Cumaroow Hadlakeyga Xumaan Ha urag Waankula Kaftamayaa ?
Waxaan gaarey halkii aan rabey oo aheed Suuqa Bakaaraha Waxaan Galey Baqaarkii aan danta kalahaa intaan kujirey Arinteydii Ayaa waxaa isoo Dhacay
Telfoon Markii aan Qabtey ayaa waxaa iilahadley
Saciid oo Yire Cumaroow Waxaa kuubaahan Filsan oo lahadal Filsan ayaa itire Cumaroow Waan kuubaahnaa Walaale hadaada joogto Meel dhow in aad iitimaado Aniga iyo Hooyo Maryan Markii ay intaasi iigu
Tire Filsan Ayaan Islahadley Aniga Kaligey Waayo hadaan Xafaada Tago Maxaa kadhici karo oo Buuq ah Waxaan soo Abaarey Halkii
Guriga Filsan ahaa Waxaa Ilaabkii igaaga Furey Hooyo Maryan oo Tire Cumaroow Wiilkeygiiyoow Raaligalin Waxaan kaa ornayaa Qaladkii Dhacay In aad karaali ahaato Adigoo aan ogahay Filsan Abaalkii aad ugashey Runtii oo ahaa Mid Qaali ah iyo kii Ad ugashey
Adeer C/qaadir Waxaadna Istaahishaa Markii aan ogaadey Xaqiiqda jirto Filsan Iyo Adiga In aad Tihiin Dad isdabeecad Fahmey Manadoonyo in aan idiin Kala jaro Maanta Lagabilaabo Gabadheyda Waa
Xur Qus aysan Raali ka aheyn Cid kuqasbi kartaana Majirto hooyo Ninkastaa oo dooqaaga ah Waad Guursan Kartaa ?
Meeshii Markii aan Kudhameysaneyn Waxay iidirsatey Waraaqo iyo Qalin ayadoo Itire waxaan kaadoonaaya in aad jawaab iigaga Qurto Hadlkii Walaakey
Saciid,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,,
Lasoco Qeybta 5 Shanaad Aqristoow Haduu alaha Awooda lahi ugulaado Maalmaha soo Socdo.
Fadlan Wixii friin Ah amaba tala ahba usoo dir-email. Qoraaga Sheekada.
NB: Qoraalkaan xaquuq Diisa Waxaa Leh Qoraaga Ku saxiixan Amar La,aana Lama daabacan Karo lamana Qaadan karo
Cumar Cabdi Xaashi
Kenya Nairobi