Maryan Ismaaciil Maxamuud oo ah
hooyo Soomaaliyeed oo korsata shan carruura oo aqooma
ah ayaa 22/12/2005, lagu xukumay toban sano oo xarig
ah. Maryan waxaa lagu qabtay qaad, kaddib markuu nin
Soomaali ah oo qaad wata ugu yimid gurigeeda oo ku
yaallay xaafadda Deem ee magaalada Khartuum. Booliska
oo ninkaas ugaaranayay ayaana gacanta ku dhigay
hooyadan Soomaalida ah; sidaasi waxaa ii sheegtay
Hodan Iimaan Warsame oo ay Maryan xigto yihiin kuna
nool xaafadda Inqaas ee isla magaaladan, islamarkaana
arrimaheeda xog miiggan ka haysa. Maraan wax ka
weydiiyay bal in ay Maryan qaadka iyada iibineysay
Hodan gaashaanka ayey ku dhufatay, laakiin warar waxaa
jira tibaaxaya in ay Maryan qaadka iibin jirtay kana
soo saari jirtay qutulyoomka caruurteeda oo
dhammaantood ardey ka ah dugsiyada hoose dhexe iyo
sare. Waloow ay wali ii suurtagelin inaan Maryan
fool-ka-fool ula kulma, haddana Hodan waxey ii
xaqiijisay in ciyaalka Maryan gurigii ay daganaayeen
maanta laga saaray kaddib markey gaadhay xilligi
lacagta guriga la bixin jiray taasoo culeyskeeda leh.
Hooyadan Soomaaliyeed waxey dalka Suudaan ku nooleyd
muddo dhan laba iyo toban sanadood, waxeyna haysataa
caddeyn qoxootinimo laakiin UNHCR wax sidaas ah oo
caawimaad ah kama hesha. Waxey Hodan ii caddeysay in
ay muddo dhawr maalmood ah Maryan cuntada iyo
cabbitaanka ka soomantahay, waxey intaa ku
dartay in safaaradda Soomaaliya hadda arrinta faraha
kula jirta. Waxey kalooy Hodan ii sheegtay inuu jira
abuukaate Maryan u doodayay oo lacag 1000 doollara u
baahan. Maraan weydiiyey in howsha Maryan UNHCR la
gaarsiiyey "Maya", ayey Hodan iigu jawaabtay.
Waxey Hodan ka codsatay qof kasta oo Soomaali ah oo
dal iyo dibadba caawin karaya Hooyada Dhibban inuu
gacan u fidiya hiil iyo hooba waa sidey tidhiye.
Shilalka noocan oo kale ah oo kuwa salka ku haya
dhigaalkii laga dhaxlay qaran-jabka Soomaaliya
xangullaha jaray ee xurmadii dadka xididda-siibay
xasna ku tuuray.
Stanza, wariyaha
www.somaliwide.net Khartoum.