HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Dugsi Cusub Oo Lagu Magacaabo Gateway Ayaa Maanta Laga Furay Buuhoodle.

Warkii: Aug 04, 2005


Waa In Xiisadaha Dugsiga Gateway Lagu Daraa In Dadku Siman Yihiin) Suldaan Daakir Xasan (Radiossc.net)

   Sudaan Daakir Hassan Khaliif


Garaad Saleebaan Buraale Iyo Xaflada  Furitanka Gateway(Raiossc.net

Garaad Saleeman


 
Aad Ayaanu Ugu Faraxsanahay Dugsiga Cusub Iyo Hawlaha Maamulka Gobolka Qabtey(Suldan Saciid Cismaan Cali (Radiossc)

Suldaan saciid Ali

 

Buuhoodle(Radiossc.net):-Xaflad si heer sare loo soo Agaasimay ooRadioSSC lagu Furayey Dugsiga Cusub oo lagu magacaabo Gateway ayaa saaka lagu qabtey Xarunta Iskuulkaasi ee Magaalada Buuhoodle, waxaana ka soo qayb galay Isimmo, Cuqaal Maamulka Gobolka, Taliyayaasha, Ciidamada kala duwan iyo Dadweyne aad u tiro badan.

 

Waxaana ugu horrayn halkaasi Qur’aan iyo wacdi ka soo jeediyey Shiikh Cumar Cismaan waxuuna shiikhu ka warramay faa’idooyinka Cilmigu lee yahay iyo baahiyaha Bulshadu u qabto, isagoo ugu baaqay Maamulka Iskuulka iyo dadweynaha Deegaanka in ay wada jir uga shaqeeyaan kor u qaadista Aqoonta  Da’ yarta.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

                     Shiikh Cumar Cismaan & Daa'uud Bisinle.

 

Waxaa intaas ka dib halkaasi ka hadlay Ma'suuliyiinta Maamulka Dugsiga Gateway oo uu ka mid yahay Maamulaha guud Daa’ud Bisinle waxaanu sheegay in ay tahay  ujeeddada Iskuulka looga furay sidii loo dabooli lahaa Baahida aqooneed ee ka jirta Deegaanka SSC.

 

Prof. Axmed Cali Abokor oo isaguna ka mid ahaa dadkii ka qayb galay xafladda Furitaanka Iskuulkan ayaa sheegay inuu ka mid yahay dadkii deegaankan lagu Bilaabay Waxbarashada, ayna soo   martay marxalado kala duwan , waxuuna intaas ku daray Axmed Cali Abokor in loo baahan yahay in la badiyo Xarumaha Waxbarashada iyo dhammaan adeegyada Bulshada, waxuuna Mahad ballaadhan u soo jeediyey Prof. Cali Khaliif Galaydh oo uu sheegay in uu deegaanka wax weyn  u taray dhinaca Adeegyada Bulshada Sida Taleefoonada, Aaladda Casriga ee INTERNET-ka iyo Korontada 24ka Saac ah ee ay bixiso Shirkadda Somtel Buuhoodle.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

    Dadweynahii ka qayb galay Xafladda Iyo Gudoomiye Kayse

 

Waxaa intaas ka dib Hadalkii qaatay Guddoomiayaha Gobolka Cayn Kayse Cabdi Yuusuf waxuuna Kayse ugu horrayn salaamay dhammaan dadweynaha Gobolka ee Cayn ee ka soo qayb galay xafladdan, waxuuna ku ammaanay Maamulka Iskuulka doorka ay Buuxiyeen oo ahaa Kaalmahii Dawlad lagu yiqiin ayuu yidhi Mudanuhu:, waxuuna ku boorriyey in ay halkaas ka sii wadaan, Maamul ahaanna ay la garab taagan yihiin Taageero buuxda.

 

Guddoomiyaha Gobolka Cayn Kayse Cabdi Yuusuf ayaa ugu warramay Dadweynahii faraha badnaa ee ka soo qayb galay xafladda Halka uu marayo Qabanqaabada Dhismaha Xabsiga Buuhoodle, waxuuna u sheegay in maalmahanba la sugayey Cidda dhisi doonta iyo Dhaqaalaha ku baxaya Jeelka in loo soo bandhigo Bulshada iyo Jaalliyada dibadda.

 

Waxuu intaas ku daray Mudane Kayse in  ay soo bandhigeen dadkii la yidhi soo qiimeeya Dhismaha jeelka Lacag Xad dhaaf ah, taasina ay keentay in Guddidii loo xilsaaray Dhismaha Xabsigu in ay  Maamulka   ku soo celiyeen, ka dib markii ammuurtu la adkaatay.

 

(Markaan la tashaday Guddiga Nabad galyada ee Gobolka waxaanu isla garanay in mar haddaanu jirin Dhaqaale gacanta ku jira oo dhan aanay habboonayn in Cid Qandaraas lagu siiyo Dhisidda Xabsiga, waxaa kale oo aanu isla garannay in Ciidamada Daraawiishtu ay noqdaan kuwa  doorka ugu weyn ka qaata  Dhisidda Jeelka.

          Suldaan Daakir.              Garaad Saleebaan      Suldan Saciid Cismaan Cali


Waa In Xiisadaha Dugsiga Gateway Lagu Daraa In Dadku Siman Yihiin) Suldaan Daakir Xasan(Radiossc.net)


Garaad Saleebaan Buraale Iyo Xaflada Furitanka Gateway(Raiossc.net


 
Aad Ayaanu Ugu Faraxsanahay Dugsiga Cusub Iyo Hawlaha Maamulka Gobolka Qabtey(Suldan Saciid Cismaan Cali (Radiossc)

 

Intaa ka dib waxaa halkaasi ka hadlay Garaad Saleebaan Buraale, Suldaan Daakir Xasan Khaliif iyo Suldan Siciid Cismaan Cali, waxa ayna  dhammaantood sheegeen sida ay ugu faraxsan yihiin furitaanka Iskuulkan cusub, Garaad Saleebaan Buraale ayaa ku dheeraaday Faai’dooyinka  Cilmigu lee yahay iyo Sida ay u kala fiican yihiin Ruuxa wax yaqaan iyo kaan wax aqoon waxaa kale oo uu xusay baahiyaha loo qabay in la helo Iskuul Tayo leh, Suldan Sicid Cismaan ayaa isna sheegay Tayada Iskuulkan oo laan koobaad ku leh Magaalada Laascaanood, oo ay labo carruur ahi u dhigtaan, wuxuuna intaas ku daray in uu kaalin weyn ka qaatay ku Dhiirri galinta Maamulka Gawetay Imaanshahooda Buhoodle.

 

 

C/casiis Saleebaan Axmed (Tilaal)

Radiossc.net

Buuhoodle Puntland

           Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com

Hit Counter