HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |


Wararkii ugu dambeeyey ee Sheekha soomaaliyeed Sh.Ibraahim S Mohamed oo ku xidhan magaaladda Washinton Seattle


Thu Mar 9 2:07

Max’ed Dhere oo eedeeyay C/llaahi Yuusuf iyo Cabdi Risaq Jurile..

Walaalayaal sidii aanu horey idiinku balanqaadanay waxaanu jeclaysanay in aanu idin soo gudbino akhbaartii ugu dambaysay ee Sh.Ibraahim Mohamed oo in mudo ah ku xidhan magaalada Washinton/Seattle. walaalayaal sheekha waxaa lagu soo oogay dacwadda dhowr ah tan ugu muhiimsani ay ahayd:
1- Markii aad wadanka soo gashay waxaad sheegatay qabiil aadan u dhalan, waayo sheekhu wuxuu sheegay inuu u dhashay kana soo jeedo 
qabiilka Tumaaladda.
Walaalayaal dhamaan shacbi waynaha soomaaliyeed wuxuu ka dharagsan yahay in markii uu dagaalkii so0keeyey ka dhacay wadankeenii hooyo in dadka soomaaliyeed ee soo qaxay ama wadanka gudihiisa ku hadhayba ay maalinba qabiil sheegan jireen si ay u badbaadiyaan nolashooda iyo cida ay mas'uulka ka yihiin nolasheeda ama sharaftoodaba, mana jiro qof soomaali ah oo aan qabiil kale sheegan markii ay fidnadu wadanka ka dhacday si uu ugu nabad galo. hadaba walaalayaal markii la soo qaxay ee la yimid xeryaha qaxootiganna waxaa bilowday in jawigii qabiilka loogu gabanayay in lagu nabad galo uu istaago laakin waxaa bilowday jawi kale oo ah in hay'adihii xeryahay qasootiga ku sugnaa ay 

Guddoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Cumar Xabeeb (Max’ed Dheere) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar, wuxuuna shirkaasi jaraa’id kaga hadlay hadalkii dhawaan ka soo yeeray wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah kaasoo ahaa in Dowladda Federaalka ay u baahan tahay in loo tababaro ciidamo Booliis ah oo gaaraya 3500 oo Askari kuwaasoo la sheegay in ay sugayaan ammaanka Magaalada
Baydhabo, Max’ed Dheere ayaa warkaan ku tilmaamay mid keeni kara qalaase iyo iska hor keen waayo ayuu yiri “dalku wuxuu u baahan yahay Kumaan kun oo Askari oo suga ammaanka guud ee dalka”. C/risaaq Jurile ma ahan in uu ka hadlo arrimaha ciidamada, loomana baahna in magaalo gaar ah la yiraahdo waxaa loo tababarayaa ciidamo” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo C/risaaq Jurile ay wadaan qorshayaal ka dhan ah Dowladda taasoo keeni karta in ay burburto wixii lagu soo dhisay Magaalada Nairobi.

“Qofka marka uu doonayo waa in uu ku hadlo waxa xaqiiqda ku fadhiya ee uusan ka hadlin wax bulshada kala geeynaya” ayuu yiri Max’ed Dheere oo sheegay in arrimaha ay wadaan C/llaahi Yuusuf iyo C/risaaq Jurile ay keeni karto isku dhac Qabiil. Dhawaan ayaa Max’ed Dheere waxa uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in hubkii laga keenay dalka Yemen uu u qaybiyay ciidamo ka socday beeshiisa, wuxuuna ciidamadaasi ka fogeeyay in ay yihiin ciidamo qaran, hase yeeshee markii Ciidamada halkaas la isugu keenayay ayuu Max’ed Dheere sheegay inay yihiin kuwo qaranka, isagoo ugu baaqay ciidamada kale ee Soomaaliyeed in ay ku soo biiraan ciidamadaasi.

Waxaa maalinba maalinta ka dambeeya sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe Max’ed Dheere, iyadoo uusan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf marna ka hadlin eedeyamahaasi ka imaanay ninkii sida weyn ugu soo dhaweeyay Maaalada Jowhar markii ay Dowladdu u kala jabtay Muqdisho iyo Jowhar.


Xarumaha Ganacsiga Magaalada Jowhar Oo Maalintii Sedexaad Xeran.


Maalintii sedexaad ayaa waxaa xeran goobaha ganacsiga ee magaalada Jowhar  taasi oo ka dhalatay lacago been abuur lagu sheegay oo ku faaftay suuqyada  Jowhar.  Ganacsatada Jowhar ayaa shaaca ka qaaday in lacago loo qeybiyay Maleeshiyada  Xukuumada Soomaaliya ay yihiin kuwo been abuur ayna diideen qaadashada  lacagtaasi.  Iyadoo xaalku sidaa yahay ayaa maamulka Gobalkaasi waxa uu ganacsatada ku  booriyay in ay goobahooda albaabada u furaan ayna qaataan lacagtaasi.

Gudoomiyaha gobalka Sh/Dhexe Mr Xabeeb oo u waramayay saxaafada Muqdisho  ayaa tibaaxay in ganacsatada looga baahan yahay in ka fogaadaan wararka beden abuurka ayna qaataan lacagahasi mushaar ahaanta loogu qeybiyay maleeshiyada Dowlada Soomaaliya.

Dhanka kale taliyaha maleeshiyada Dowlada ku xareysay xerada Kongo ee
magaalada Jowhar Saciid Maxamed Xersi(Dheere) ayaa gaashaanka u daruuray  wararka sheegaya in maleeshiyo ku jirtay xeradaasi ay ka baxsadeed ayna u ambabaxeen deegaanadii ay horay uga yimaadeen ee Puntland.  Saciid Dheere waxa uu sheegay in wararkasi ay yihiin kuwo la soo dhoodhoobay oo runta ka fog isga oo intaa ku daray in maleeshiyadu ay ku jiraan xerada Kongo ayna ka go`an tahay la shaqeynta dowlada isla markaana aysan jirin wax  qilaaf ah oo maleeshiyada kala dhex aloosan maamulka Gobalka Sh/Dhexe. Labadii cesho ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay wararka sheegaya in  maleeshiyi gaareysa 77 Askari ay ka baxsadeedn xeradaasi iyaga oo ku sii jeeda dhanka maamulka Puntland.


Tirada Maleeshiyada Ku Hareysa Gudaha Magaalada Baydhaba Oo La Shaaciyay

Gudoomiayaha Gobalka Bay Maxamed Aadan Qalinle ayaa shaaca ka qaaday qorshe  guud ahaan lagu shaacinayo maleeshiyada ku hareysa gudaha magaalada Baydhaba Mr Qalinle oo maanta saxaafad kula hadlayay magaalada Baydhaba ayaa xusay in  magaalada gudaheeda ay ku harayaan oo kaliya maleeshiyo gaareysa 300 maleeshiyo kuwaas ku hubeysnan tira 12 gaari tikniko ah.

Qalinle ayaa carabka ku dhajiyay in qorshaasi uu yahay mid lagu yareenayo maleeshiyada tirada badan ee ku jirta gudaha magaalada Baydhaba iyadoo qeyb ka mid ah maleeshiyadaasina iminka la geeyay deegaanka Daynuunaay e duleedka  Baydhaba.

Gudoomiyaha Gobalak Bay waxa uu intaa uu ku daray in Askarta 300 gaareysa ee ku hareysa magaalada Baydhaba ay isugu jiraan askartii hore iyo maleeshiyada maamulka. Dhanka kale waxaa cirka isku sii shareereysa dooda ka taagay gursiga xildibaanimo ee baneeyay alaha u naxariistee Mr Gaani iyadoo ay jiraan xubno laba gaareysa oo si kala gooni ah horay luuga kala dhaariyay Nayroobi iyo Muqdisho.

Qaramada Midoobay Oo Ka Digtay Abaar Xoogan Oo Soomaaliya Ku Soo Fool Leh.

Hay`ada beeraha iyo cuntada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digtay musiibo bani `aadinimo oo ka soo fool leh Soomaaliya taasi oo la xiriirta dhanka abaarta. Sarkaal ka tirsan Hay`adaan ayaa tibaaxay abaar la mid ah midii 1990-kii ka dhacaday Soomaaliya ay mar kale dhibaatadeeda ay soo muuqato taasi oo dhalin  karta in kumanaan dad ahi ay bil waliba gaajo iyo harraad ay u geeroyoodaan. Nekolas Paen oo ah sarkaal ka tirsan waaxda amniga cuntada ee hay`adaasi ayaa tilmaamay in 10,000 oo ruux ay gaajo u geeriyoon dooaan haddaan iminka la dajin qorshe umuurtaasi looga hortagayo Umuurtaan ayaa ku soo beegmeysa xili dhibaatooyin waaweeyn oo ka dhashay abaarta iminka ka jirta qaar ka tirsan gobalada dalka Soomaaliya ay u baaba`ayaan boqalaal dad ahi.  Dhanka kale Safiirka Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta Mr Xuseen Maxamed  Bulaale ayaa ka codsaday dalalka carabta iyo hay`adaha gar gaarka in kaalmooyin deg deg ah ay la gaaraan dadka Soomalaiyeed e abaartu ku heyso  qaar ka tirsan gobalada dalka Soomaaliya . Mudane Bulaale waxa uu xusay in abaartu ay kalaafatay dad badan iyadoo saameynta abaartuna ay weli ak jirto qeybo baadn Oo Soomaaliya ah.  Qeyla dhaantaani ayaa soo baxeysa xili gurmad loo fidinayo dadkaasi iyadoo barnaamijkaasina ay wadaan ganacsato Soomaaliyeed.

Cismaan Xasan Cali(fantastic)
cusmanfanatstic@hotmail.

 

 
   

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com