Madaxweyne-Cade Muuse Iyo Xukuumadda
Laga Sugaayo.
Maamulka Goboleedka P/Land ayaa
Xaalad Maamula Xumo, Musuq-maasaq iyo Amaan xumo
Soo noq-nooneeysey ka jirtay Mudadii Sanadka aheyd
ee Xilka uu Tahay Mudane-Madaxweyne Cade Muuse Iyo
Ku Xigeenkiisa Mudane-Xassan Daahir Af-Qurax oo
Doorasho Hab Barlamaani ah ku Soo Gaaray
Xukunka,Lona Han-weynaa Laakiin Niyad Jab iyo
Wel-wel Dadkii ku Abuuray.
Madaxweynaha iyo Ku
Xigeenkiisa Waxaa lagu dhaliilaayaa Khibrad La,aan,
Iyo Iyagoo Golaha Xukuumadda u daayeey Wasiiradii
ku Mamay Dhicida Hantidda, Maamul Xumadda, Wax
Qabad La,aanta oo loo yaqaano Raxantii ka Hartay
ama Baqaayaa-C/Laahi Yuusuf,Ilaa Hadda Xiriir
Joogto ah la leh, Waxaaba la oran karaa
Madaxweynaha Dadban ee Maamulka P/Land Waa Ini
Yuusuf, Waxaana ka mid Wasiiradaas;-
-Wasiirka Maaliyadda-
Mudane,Gaajaab.
-Wasiirka Horumarinta D/Hoose iyo
H.Reer Miyigga-Mudane, Awaare.-Wasiirka
Arrimaha Gudaha, Mudane- Axmed Cabdi Xaabsade Iyo
Kuwo Kaleba.
Haddba sidda keliya oo
Hanaan Wanaagsan, Wax qabad leh oo Soo Dhoweeynta
iyo Kalsoonida Shacabka Reer P/Land hanan kara,
waa hadii Madaxweynuhu Qaado Talaabo weyn oo ku
jiheeysan danaha guud iyo daacadnimo dhab ah, kana
duulo Rabitaanka Dadweynaha wuuna Dhiso Xukuumad
wanaagsan oo Xubnadeedu yihiin Shkahsiyaad ku
Sifoobo Siddan;--Daacadnimo iyo Aqoon.
-Waayo-Aragnimo iyo
Karti.
-Alle Amiin iyo ku
Dhaqn Diineed.
-Garashada iyo
Gudashada Masuuliyadooda.
-Ku Dhaqmid Cadaalada
iyo Nidaamka.
-Ka Fogeenshaha Eexda,
Xatooyadda Iyo Qabyaalad ku Dhaqmida.
-Garta Masuuliyadda
Akhlaaqeed ee ka Saaran Dadkood iyo Dhulkooda.
-Sumcad iyo Sharaf Ku
Leh Bulshadda Dhexdeeda.
-Ku Saleeysan Hab
Cadaaladeed Dheeli-tiran.
-Sida Ku Haboon Loo Soo
Derso, Wadda Tashina Lagu Saleeyo Xulidooda.
-Wasiiro Xaaladdan
Qasan Aqoontooda iyo Dadnimadooda ku Wajahi Kara.
Madaxweyne Cadde
waxaa Saaran Xil weyn iyo Waajibaad Culeeskooda
leh oo u Baahan Xeelad iyo Garasho Fiican iyo in
uu leeshaanka la helo Yoolka laga filaayo in uu
Sida ku haboon u Shiisho, Wuxuuna ku gudbi karaa
Tawakalka Raxmaanka iyo Kaashashada Dadka
Wanaagsan oo Qiirada Wadaniyaded leh, una taagan u
Illaalinta Danata Guud iyo u adeegidda bulshadda
Dhiban, dayacan oo Xaaran ku Naaxayaashu Heleen,
Bulshada Indha Furan iyo Niyadda Wanaagsan ku Soo
Eegeeysa Hogaanka Sarre oo Kalsoonidooda heysta,
Marxaladan ayaa ah mid lagau Tilmaami karro ama
La oran karo Xaalad kala Guur iyo ku Toosinta
Wadadda Toosan ee Cadaalad iyo Hanaan Garsoor
Wacan leh iyo Xukuumad Dadka Metesha una Shaqeeysa,
loogana Gudbo Xukuumadan hadda jirta oo ah mid aan
Dadka Metelin, Laakiin Ka Shaqeysata ama ka
Xoogsata.
Hawl Yari ma aha arrimaha
Cadde iyo Xukuumadiisa hor yaala, waana kuwo u
Baahan in sida ku haboon loo Maareeyo, Kalsoonidda
iyo Niyad Samid Shacbkana Lagu Dadaalo Sidii loo
Hanan lahaa oo Biyaha Wadadoodii Saxa aheyd loogu
Soo Celin lahaa, Kala Shakiga iyo Is-aaminid
la,aantana Meesha looga Saari lahaa, Waxaan Alle
Ka Rejeeyneeynaa in Madaxweyne-Cadde ku Toosiyo
Tubta Toosan iyo Garashadda Masuuliyadda,
Ahamiyadeeda iyo Waajibaadka laga Sugaayo Xiligan
Maamul Wanaag iyo Qorshaha Horumarineed Lagu
Qoondeeyo Hab leh Cadaalad iyo Sinaan, Lagana
Gudbo Habka Hadda Jiro oo Mudnaanta Siinaaya
Goboladda Qaarkood iyo Dhaqanka Guracan ee Hab
Beeleedka ah, Hanaan Dhab ah oo ku Saleeysan
Nidaamka iyo Shuru ucda iyo Qaabka Maamul
Goboleedka Tahay oo ah Hab Faderaal ah(Reer
P/Land).
****
Dadka Dalku U
Baahan-Yahay Oo Dayacay.
Dalka waxaa dhisa oo tirarka
u Taagana u Adkeeya Dadkeeda Aqoonta leh oo
Qeybaha kala duwan hogaamiya, Aasaaskana u dhiga
Qorshe iyo habKu Saleeysan danta guud iyo helida
Mustaqbal wacan oo aaya-tiin leh oo Beri dhaxal
noqon karro, aqoonta ayaa Sheey qaali ah oo
ahamiyadiisa leh Marka lagu jiheeyo habka ama
tubta toosan iyo gudashada Masuuliyadda.
Dalalka Horumaray
waxaa ku amaanan xurmo iyo maqaamna ku
lehDadkood Aqoonta Fiican lahaa ama leh iyo
Takhasuuska gaarka ah ee ka Soo Qeyb qaatay u
adeegidda Ummadooda iyo ka faa,iideeynta
aqoontooda Weliba Xiliyo Culeeyskooda lahaa,
Waana Guulaha Horumarineed iyo Koboca Aqooneed,
Dhaqaalle iyo Xadaaradeed ee Aduunka intiisa
badani Gaarey, Halka Qaaradda Afrika iyo Dhoowr
Dal oo dunida Sadexaad ka mid ahi ku Sugan
Yihiin Dib u dhac iyo Xaaladii Xiliyadii
Madoobaa, Dalka Somaaluyana ku Sugan yahay Qaaca
ugu Hooseeya, Dagaalo Sokeeye, Dhiig Qubanaaya
iyo Siraacyo Qabyaaladeedna Weli ka Jiraan,
Waana Ayaan daro weyn iyo waxyaabo naxdiintooda
leh, Waana Mid dhaliisheeda Aqoonyahanka dusha
looga tuuraayo.
Aqoonyahanka
Somaaliyeed oo xaqiiqo ahaan gabay doorkoodii
iyo masuuliadii ka Saarneyd Dalkooda qaaliga iyo
Ummadooda Qiil lagu Difaaci karaana jirin marka
Runta la Sheego, waxeeyna ku sifoobeen Sidan:-
-Qeyb Garatay Masuuliyadda
Akhlaaqeed, Aqooneed iyo Wadaniyadeed una
Guntaday u adeegidda Ummadood, door wax ku ool
ah oo muuqday qabtay, Dalkana aaminay, iyadoo
Duruufo adag iyo Xaalad Amaan Xumo ka
Jirto,Waana:-
Dakhaatiir
Takhasuusyo kala Duwan leh,Barayaal Heer
Jaamaceed ah,Injineero Qeybo kala Duwan Iyo
Culimaadu Diin Aqoon Sarre leh,Waxeey
Muteeysteen Xurmadda, Qadarin iyo Tixgelin weyn
oo Bulshadu u Heeyso.
-Qeybta Labaad-Kuwo
Hey,adaha Samafalka ka Shaqeeya oo Xoogaa Damiir
ah Muujiyeey iyo kuwo Dhigooda ah oo Debedaha
Qeylo Dhaan iyo Baaqyo Dalkooda ku Wajahan ka
Jeediya, Laakiin Intaas ka Badan laga filaayeey.
-Qeybta Sadexaad:-Kuwo
ku Milmay Dhibaatadda iyo Silica lagu Dadka iyo
Dalka Hooyo, gacan yarayaal iyo la-taliyaal u
noqday qabqablayaasha Qaska Wadda, waana kuwo la
oran karo aqoonta iyo cilmiga ayaa khasaare ku
ah, bog madoowna weey ka qormi doonaan
taariikhda Ummadda.
-Qeybta Afraad:-Waa
kuwa Dalkoodii, Dadkoodii iyo Naftoodiiba
Dayacay oo Dhex Fadhiya Goobaha Huuhaada iyo
Beenta lagu hayo, waana kuwo lagu Tilmaamo in
eey Noloshii ka Dhaceen, Aqoontii, Takhasuuskii
iyo Waayo- aragnimadii Xirfadeedba Lumiyeey,
lana Garaadka iyo Garasha noqday kuwa aan Waxba
Baran, Qeybtaas ayaa hadana weli isku heeysta
kuwo ku Gaashaaman Aqoon Cilmiyeed iyo Xirfado
Gaar ahaaneed, Balse Runtii ah Kuwo Khasaaray,
Khasaaray.
Waxaa Amaan
iyo Xurmo iyo Bogaadiin weyn mudan Aqoonyahanka
u Guntaday Dalkiisa iyo Dadkiisa Hooyo, una
Bareeray Duruufaha Adag iyo Xaaladaha Amaan Xumo,
Dhimasha iyo Af-duubida, gartay Baahida loo
Qabo Aqoontiisa iyo Takhasuuskiisa, Waajibka
Qarameed ee Saaran iyo in looga Baahan Yahay
Gudidda Abaalkii Dalku ku lahaa, Waana kuwa
Heeganka ah Habeen iyo Maalinba-Gargaarka
Caafimaad, Kobcinta Aqoonta Ardeyda iyo Baahinta
Culuunta Diineedba iyo kuwo howlaha kale ee
Danta Guud ku jirto Wadda, Damiirka Nool,
Dadnimadda iyo Biseylka Aqooneed ayaa hogaamiya
Aqoonyahanka iyo dadka Garashadda lehba, Waana
Hibo Alle oo Mahad-Celin Mudan.
Waxaan ku
Boorin lahaa Shakhsiyaadka Aqoonta la Fadhiya
Meelaha aan ku Habooneyn, Waqtiga iyo Qiimaha
eey leeyihiina Dayacaaya in eey Dib u eegan kuwa
dhigooda ah Iyo Doorka Weyn oo eey Qabteen iyo
Weliba Baahida Weyn ee Ummadda Somaaliyeed u
qabto Takhsuuska iyo Xirfaddha Gaar ahaaneed oo
eey Soo Barteen, Khaladku wuu Dhacay, Hal Marna
Waa La Siibtaa, Laakiin Is-daba qabasho iyo Is-Toosiin
ayaa Loo Baahan Yahay.
****
Biyo La,aanta
Magaaladda Badhan Waxaa Ka Masuul Ah Jaaliyadda
Qurbaha Joogta.
Magaalada Badhan ayaa ah
Degmo Xarun ah oo Ahamiyadeed u leh Dadka
Degaanka Marna ahaan jirtay Magaalo madaxda
Sanaag Barri, sida ku qeexan qoraalka
Mudane-MAXAMED XASSAN oo ku soo baxay Shebekadda
Dadaalka Badan ee Laaqoary.net waxaa magaaladii
soo fool saaratay xaalad biyo yaraan weyn, kadib
Markii dadkii ku bateen, magaaladiina balaaratay,
Isticmaalka Biyaha Macaana aad Loo badsaday oo
wax walba lagu isticmaalo.
Hadaba Biyaha ayaa ah
nolooshu meesha eey ka bilaabo, la,aantoodna aan
Dadku noolaan kareen, wa ana kuwa loogu biidi
badan yahay maanta aduunka eeynu Ku nool nahay
korkiisa, lana saadaaliyo in eey ku yaraanayaan
oo Saxaaradu si Weyn u Fidaayo,Gaar ahaan
Qaaradda Afrika,waana Diraasad Naxdiinteeda leh,
Inkastoo Amarka Alle Meeshiisa
yahay(Xukunkiisuna ka Hadal La,heyn),Waxaa la
Wadda ogyahay in Degaamada Bari Sanaag,
Heyland,Ceyn iyo Gobolka Soolba ka Jirin Wax
horumar ah iyo hanaan Maamuleed oo awoodiisa leh,
Dhaqaalle xumona
ka jiraan, Maamul Goboleedka
P/Land ayaan ka qaban wax la sheegi karro, mana
Muuqdo Qorshe cad oo horumarineed oo ku
jiheeysan, dadka degaankuna weey ka Seexdeen
raadinta Xaqooda iyo Saamigooda Xuquuqeed, waana
dhaliilo eey iska Leeyihiin:-
-Aqoon-yahanka iyo Waxgaradka.
-Culimaadu Diinka Iyo Qeybaha
Bulshadda.
-Jaaliyadda Qurbaha ku Nool
oo Degaanka u dhalatay oo qrniyo iyo qarniyo
Yurub
iyo Mareeknaka deganaa,
xiliga burburka Somaaliya si xad-dhaaf ah ugu
soo batay ayaa doorkood iyo kaalintii looga
baahanaa gabay, dayacay dadkoodii iyo Dalkoodii,
Indhaha ka qarsaday Duruufaha iyo baahidda
dadweyne ee jirra, waana dhaliil cad oo aan la
ankiri kareen, waxaana Maanta loo baahan yahay
wax qabad dhab ah iyo in La dardar-geliyo doorka
Jaaliyadda Sanaag Barri, Heyland iyo Galbeedka
Gobolka Barri, Hab Qorsheeysan iyo Hanaan
Mideeysan lala yimaado, looma gurmado Meel
Kastoo Baahi ka jirto, Waana
la awoodaa Daboolida Waxyaabo Badan oo Xiligan
Taagan Sidda Biyo La,aanta Magaaladda Badhan oo
Kalle.
Waxaan ku Boorinaayaa
Jaaliyadda, Gudiyadda Hogaaminta iyo Odayaasha
Dhaqanka ee Qurbaha Jooga in eey Wadda Shaqeyn
iyo Iskaashi la Sameeyaan Golaha Curinta Sanaag,
Heyland Iyo Galbeedka Gobolka Barri oo Dadaal
iyo Karti Iyo Masuuliyadan Muujiyeey, una taagan
Difaacida iyo Ka Shaqeynta Danha Guud ee
Bulshadda Degaamadaas, Midnimo, Iskaashii Iyo
Illaalinta Maslaxadda ayaa Guusha lagu
Gaaraa,Waxna lagu Qaban Karaa Iyo Tawakalka Alle.
****
Booqasho
Wasiir Waxaa Ka Fiican Wax Qabad.
Wasiirka Caafimaadka Maamulka P/Land iyo
Booqashadiisa Magaalaadda L/canood Waa in eey
noqotaa mid ku saleeysan wax ka qabashadda
baahida weyn ee dhanka Daryeelka Caafimaadka
ka jira iyo baahida dadweynuhu u qabaan
howlaha Caafimaad Masuulinta Gobolka Sool,
Isbitaalka iyo Aqoonyahan Degaanka ayaa loo
baahan la Xisaabtanka udanaha Wasiirka ah iyo
Masuuliinta Weheliya.
Sidda la wadda ogyahay kaalmo dhanka
daryeelka Caafimaad ah ayaa si Joogto ah Loogu
Caawiyo Maamul goboleedka P/Land hadaba
yaraatee waxba kama soo Gaaraan Magaaladaas
iyo degaamadda la xiriira, halka
Qardho,Garoowe, Boosaaso iyo Magaaladda
Gaalkacayo Saamigooda si caad ah u helaan
weliba Xirgelina Loogu Daro, Waana arrin
Fiican iyo karti Masuuliinta Goboladaasu
leeyihiin, weeyna ku Amaanan Yihiin, Waxaa
Ayaan daradu heeysataa kuwa ah Masuulinta ka
ahaa ama Xilka Madaxnimadda Gobolka hayeey iyo
Dadka waxgaradka ee degaanka oo ka
Gaabiyeey Doonashada Xuquuqdda Gobolka ee
Garoowe lagu qeybsado, Iaydoo la ogyahay in
kaalamda Caafimaad iyo caawimadda gobolka Sool
loogu Talo galay La soo Mariyo oo loo soo
duway Dhanka Maamul Goboleedka P/Land.
Hadaba-Maadaama Wasiirkii booqasho ku
maraayo waa in lala Xisaabtamaa oo si cad loo
ogaadaa meesha qorshaha gobolku maro iyo cida
qaadata,hadda wixii ka dameeyana saamigu loo
helaa sio joogto ah iyo hab Cadaalad leh,
maamulka P/Land wax ka qabtaan dayac-tirka iyo
joogteenta Mushaahar Dakhaatirda iyo
Shaqaalaha Caafimaadka Gobolka iyo
degaamadiisaba, Masuulinta Gobolka Sool waa in
eey Gartaan xilka eey dadka u hayaan iyo
qiimihiisa lana yimaadaan dareen Wanaagsan iyo
gudashadda waajibaadkooda sida ku haboon u
raadiyaan Saamiga
iyo Xuquuqda Gobolka leeyahay, Dayacida iyo ka
gaabinta xil gudashadda ayaa ah Dhaliilaha ugu
weyn ee ka jirra Degaamadaas, waana Sababaha
dhibaatooyinka Keena iyo dib u dhaca, Waxaan
ku Boorinaayaa Maamulka Cusub ee Dhowaan la
Magacaabay Gaar ahaan Gudoomiyaha iyo ku
Xigeenkiisa Xajinta Amaanada iyo Shaqo Gudasho
Daacadnimo ku Jiro in eey la yimaadaan
Dadkooda iyo Allena Kaashadaan(Reer Sool,Ceyn,
Heyland iyo Sanaag Bari Ninkii Seexdoow
Haloowdday Dantaa, Ninkii Seexdaa Sacii Dibi
Dhalaayaa,Cid Kalle ha ka Sugina Daryeel iyo
wax
Qabad iyo Talo-Toona),Waana in lagu dadaalaa
sidii Degaamadaasu u heli lahaayeen Dhammaan
Saamigood-Daryeelka Caafimaad, Waxbarashada,
Biyaha iyo Dhamaan Howlaha Horumarineed ee
Hay,adaha Caalamiga ahi ku Deeqaan,
Wakiilo,Xafiisyo iyo Xariir toosna ah loola
Sameyn lahaa iyadoo la Kaashanaayo Maamul
Goboleedka P/Land.
-Qorre-Xassan C/Laahi
Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England-
11/01/2006-
|