HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Guddi sharciyaqaano ah oo manta laga dhexmagacaabey kulanka  golaha baarlamaanka dowlada federaalka.

Mar  06, 06 dulmane Online


Kadib markii  manta ay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada golaha baarlamaanka federaalka kmg-ka Soomaaliyeed ayay manta xildhibaanada ansiyeen in la smaeeyo guddiyo uu yeesho golaha baarlamaanka. 

Kulanka manta waxaa soo xaadiray 202 xildhibaan, kuwaasi oo intooda badan manta ay si qoreen, isla markaasna ay dhiibteen aragtiyadooda. Kulanka manta waxaa lagu magacaabey in guddi sharci yaqaano ah, kaasi oo ay xubno ka yihiin xildhibaano gaara ilaa shan xubnood oo kala ah: 1- Avv: Maxamed Xasan Daryeel 2-AVV Xasan Dhimbil Warsame. 3- Avv:, CAli Muumin, 4-Avv: Axmed Ibraahim. 5-Avv: Subeer..

Gudoomiyeha golaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa sheegay in guddiyada la dhisi doono gudoomiyeyaashooda la dooran doono, laakiin waxa uu sheegay in xubnaha ka mid noqon doono ay soo magacaabi doonaan gudoomka baarlamaanka. Maalinimada Arbacada ah ayaa la filayaa in ay kulan isugu yimaadaan xildhibaanada golaha baarlamaanka.

 
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com