Warsaxaafadeed ay
maanta magaaladda nairobi ka soo saareen jaaliyada
Gabooyaha ee halkaasi ku dhaqan Waxaa maanta
lagu soo gabogabeeyey magaaladda nairobi shir aan
caadi ahayn oo baryahan oo dhan jaaliyadda Gabooyaha
ay halkaasi ku lahaayeen Shirkani oo muddo sadex
cisho ah beelahaasi uga socday hotel ku yaalla
magaaladda nairobi ayaa waxaa ka soo qaybgalay in ka
badan 90 xubnood oo isugu jira, Siyaasiin, Odayaal,
Waxgarad, Dhalinyaro, Culumaa'udiin iyo
Xildhibaano ka tirsan dawladda ku meel gaarka ah ee
soomaaliya,Ayaa waxaa shir guddoominayey Suldaan
Mohamed Cali Geedi oo kulankaasi soo qabanqaabiyey
Kulankani ayaa waxaa
looga hadlayey maamulkii dhawaantan loo sameeyey
goboladda banaadir ee koonfurta dalka soomaaliya
sida aan beelahaasi hal xubina looga siinin
Warsaxaafadeed maanta
laga soo saaray kulankaasi ayaa waxaa lagu
cambaareeyey maamulkii dhawaantan loo sameeyey
gobolka banaadir, Waxayna sheegeen in ay wili ay
maqan-tahay cadaaladii, Maadaama horray wax loogu
qaybsaday 4.5 islamarkaasna maamulkaasi loo baahnaa
in lagu saleeyo qaabkii ay dawladda ku meel gaarka
ah loo soo dhisay
Warsaxaafadeedkani
oo uu ku saxiixnaa Suldaan Mohamed Cali Geedi ayaa
waxaa loogu baaqay dhammaan Hay"adaha Dawladda ku
meel gaarka ah,Qaramadda Midoobay,Midowga
Afrika,Midowga yurub,Urur Goboleedka IGAD,Ururka
jaamacadda Carabta,Bangiga Adduunka iyo waddamadda
Gobolka in ay faro galin siyaasadeed ku sameeyaan
gabood-falyadda ka dhanka ah beelaha laga tirada
badanyahay
Sikastaba ha
ahaatee waxaa hadalkan qoraalka ah lagu sheeggay in
ay jiraan cadaadis-yo lagu hayo Beelahaasi oo ay ugu
daran-tahay ayey ku yiraahdeen
Qoraalkoodaasi,Maamulka la Magac-baxay
Somaliland,Puntland iyo goboladda koonfureed ee
soomaaliya,Waxayna sheeggeen in magaaladda hargaysa
sanadkii aynu soo dhaafnay lagu laayey dad aan waxbo
galabsan oo beelahaasi ka soo jeeda Iyadoo qaar
kalena ay ilaa iyo iminka ku jiraan xabsiyadda kala
gedisan ee uu maamulkaasi leeyahay,Hase ahaatee waxa
arrinkaasi ka hadleen hay"adaha u dooda xuquuqda
aadamaha
Jaaliyadda
Gabooyaha ee ku dhaqan magaaladda nairobi ayaa waxay
sidoo kale eedayn ballaaran u soo jeediyeen dadka u
dhashay beesha ee ku suggan magaaladda muqdisho oo
ilaa iyo iminka aan ka hadlin dudsiinta waxa ay xaqa
u leeyihiin,Waxayna ka codsadeen Dawladda ku meel
gaarka ah in xilka laga qaado Xildhibaan Hussein
Mahamed Jaamac Kaynaan oo ay sheegeen in si khaldan
jagadaasi loogu qoray,Maadaama uusan aqoon buuxda u
lahayd jagadaasi iyada ah
Warsaxaafadeedkani
waxaa ugu dambayntii lagu sheeggay in ay soo
dhawaynayaan heshiiskii ay dhawaantan magaaladda
Sanca ee caasimadda dalka Yemen ay ku gaareen
Madaxwaynaha dawladda ku meel gaarka ah iyo
Guddoomiyaha barlamaanka oo ay sheeggeen in ay wax
wayn ka tarayso horray u socoshaha xukuumadda
federalka soomaaliyeed soona afjaraysa khilaafka
gaamuuray ee u dhexeeyey golayaasha dawladda.
Wabilaahi Towfiiq
Nairobi Kenya