HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 
Somali Flag

     Dalkeena Hooyo Somaaliya qeybo badan oo dhanka koonfurta ah waxaa ka jira Xaalad abaareed oo culeeyskeeda leh dhibaato weyna ku heysa kumayaal dad ah oo Reer guuraad u badan oo haraad,gaajo iyo daryeel la,aan u dhimanaaya, qarkoodna u dhinteen ha u badnaadeen Caruur iyo Dad Waayeel ah gaar ahaan Goboladda Bay,  Bakool,Gedo J/Dhexe iyo J/Hooseba waana degaamo ree guuraa badan ku nool-yihin.

 
     Xaaladdan abaareed oo si weyn u saameeysay Dowladaha Geeska  Afrika Gaar  ahaan Somaaliya,Itobiya,Jabuuti iyo Dalka Kenya waana degaamada Dadka Asal  ahaan Somaali ahi ku dhaqan yihiin, xaalad roob la,aanta iyo nabaad guur ayaa loo  Aaneeyaa sababaha xaalufka iyo Dhirtii oo si weyn loo garay dhuxul ahaana loo  Isticmaalaay, iyadoo la wadda ogyahay in dekadda Madaalada Baraawe tahay Goobta  Laga dhoofiyo Dhuxusha Suuqa madoow ah,sida wararka ugu dameeyaa shegaayaan  waxaa degaamadaas ka jira baahi weyn oo loo qabo Biyaha la cabo,raashiinka iyo  Daawooyinka dhanka Nafaqadda Caruurta iyo dadka waaweyn gaar ahaan Gobolada  Gedo,Qeybo ka mid ah Gobolada Bay iyo J/Hoose oo dhimasho ka bilaabatay. 

bird5Munaasabadan waxaa xusid mudan Dadaalka iyo is-xilqaamida Dadka ku Dhaqan Gobolka Banaadir Caasimadda Somaaliyeed Muqdisho oo gurmad wax ku ool ah sameeyeey kadib markii eey bilaabeen dhqaalle ururin loogu gurmanaay dadka  Somaaliyeed ee abaaruhu aafeeyeeyn,waxaana amaan iyo bogaadin mudan Ardeyda  iyo Maamulka Iskuulda,Waalidiinta,Culimaa,udiinka iyo Qeyb ka mid ah Ganacsatada  Caasimada, Sidoo kalle waxaa iyana Dhaqaale Xadidan oo Awoodooda ah Ururiyeey  Dadka ku Dhaqan Magaaladda Lascaanood  Xarunta Gobolka Sool,iyadoo Warka ka  Imaanaayaa Magaaladda Boosaaso Xaraunta Gobolka Barri Sheegaayaan in Halkaas Laga bilaabay Dhaqaale urur Gurmad ah,Waana Tusaalooyin wanaagsan oo u baahan  ku dayasho, waxaana dhaliil weyn mudan Hogaanka Sarre ee Dowlada Somaaliyeed  -Madaxweynaha,Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Ra,iisal Wasaaraha Xukuumada oo ka Gaabiyeey gudashada waajibaadkooda Qarameed ee Gurmad u sameyta Dadka Somaaliyeed ee Abaaruhu Haleeleen,waana arrin ayaan daradeeda leh iyo Dayacaad Masuuliyadeed.

 
 

Hadda-Jaaliyada Somaaliyeed ee Qurba jooga ah oo ku nool W/Mareykanka, Austaraaliya,Dalalka Yurub iyo Dowladaha Khaliijka Carbeed oo Tiradoodu Dhaaftay 2-da Malyuun ama u dhoowdahay waxaa la gudboon sida Shareecada Islaamku Dhigeeyso,Hab Dhaqameedka Somaaliyeed ina Faraayo,Bani-aadaminaduna ku Saleeysan tahay waxaa la gudboon Caawinta Walaalahooda Somaaliyeed ee sida  weyn u aafeeysay Abaartu ee Koonfurta Somaaliyeed, Gudiyada Jaaliyadaha,Ururada Haweenka Iyo Dhalainyaradda waa in eey Abaabulaan Ololle Dhaqaale ururin Wax ku ool ah oo sida ku haboon loo qorsheeyo, fadhigana waa in laga kacaa, Xaaladan kala Daadsanaanta ee jirta waan in la baxaa, Masuuliyada Akhlaaqiyeed ee Dadkeena iga Saaran oo in la gartaa oo Sida ku haboona loo gutaa,kuwa dhimanaaya,Gaajoonaaya, Haraadan oo Dayacan,dhibaatada weyn heyso waa Walaalaheen Somaaliyeed oo Xaalad halis ah ku Sugan, Maxeeyno eeganeeynaa Walaalayaal, Maxaa Helay Dadkii Somaaliyeed ee Damiirka, Dadnimadda iyo Garashada Fiican lahaan Jiray,Dhaqanka Isu-Gargaarid iyo Is-Caawinta ku Saleeysnaa,Soo Jireenka ahaan,Qiimaha Weyn Lahaa,Liibaantii iyo Hanaankii Suubanaa Meeyeey Somaaliyeey Meeyeey, Maxaa Ina Bedelay Walaalayaal Gurmad Deg-deg ah oo Wax ku ool ah iyo Baryada Alle ayaa Abaaraha iyo Dhibaatada looga bixi karaan,Raxmadda Alena Inshaa Alle Weey Da,di,Dhulkuna Barwaaqo iyo Nabadgelyo wuu Noqan Inshaa Alle.  

-Waxaa Amaan Mudan Shirkadaha Xawaaladaha Wadaniga ah oo Had iyo Jeer Door Weyn oo Wadaniyadeed ka qaatada Howlaha Gurmadyada iyo Gargaar u Fidinta Dadka Somaaliyeed iyo Iskuulada,Isbitaalada iyo Xarumaha Agoomaha Dalka ku  Baahsan Waxaana ka Xusaayaa Xawaaladan:-

-Xawaaladda Dahab-shiil,Amal Express,Tawakal,Qaran Exprees,Dalsan Exprees, Olampiga  Exprees,Hodon Exprees iyo Xawaalada Horseed Exprees,Waxaana ku  Boorinaayaa in eey Hab Xisaabeed u Furaan Howlaha Gurmadka Abaaraha Dalka  Hooyo ka Jira Dookoodna Ka Qaataan Taakuleynta Dadka Reer Miyaga ee Dhiban.

 
 
-Somaaliyeey Ceelna Uma Qodna,Cidna Uma Maqna-
-Masuuliyada Qarameed,Somaaliyeey Ayaa Ina Saaran-
-Ma Gudanaa Mise Waa Gumoownaa-
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 05/03/2006-
 
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com