Waa
maqaal si
xidhiidh ah
ugu soo baxa
wargayska
Jamhuuriya
oo ku
saabsan
xaquuqda ula
sinaanta iyo
ka qaybgalka
horumarka
iyo
siyaasadda
dalka ee
beelaha la
hayb sooco,
waxaa soo
diyaariyey
Ururka Codka
Haweenka
beelaha la
hayb sooco
ee VOSOMWO
waxaana
maalgelinta
ka
taageeray
NED.
|

Nimco
Iid
Salaan
Guddoomiyaha
Ururka
VOSOMWO
|
Xuquuqda
ka qaybgalka
siyaasadda
dalka ee
beelaha la
hayb sooco
si la mid ah
sida
muwaadinninta
ka le ee ka
soo jeedda
beelaha
tirada badan
waxa ay
muhiimad
wayn u
leedahay
horumarka
dhaqan iyo
dhaqaale ee
dalka iyo
bulshada
guud ahaa,
waxaa
daruuri ama
lagma
maarmaan ah
in isbedel
xaggga
takoorka iyo
dhaqanka
quudhsiga ku
salaysan ee
bulshdeena
ku baahay la
sameeyo,
lagan wada
shaqeeyo
sidii loo
dhimi lahaa
ma loo wad
tirtiri
lahaa
quudhsiga
iyo takoorka
raadka xun
ku yeeshay
nolosha
muwaadiniin
inal wadaaga
dalka iyo
diintaba.
Sida is ka
cad, dadka
ka soo jeeda
beelaha la
hayb sooco
ee dalkani
waxa ay la
wadaagaan
nolosha,
dhibaatad,
nabad
galyada ,
horumarka
iyo
degenaanshaha
iyo wax ka
kasta ama
xaalad kasta
oo ay
bulshada
Somaliland
ku sugan
tahay, marka
laga reebo
waxyaalaha
is dhexgalka
ama takoorka
quudhsiga ku
salaysani ka
reebaay.Mujtamca
dalka oo
dhamaan 100%
muslim ah
waxaa
haddaba
muran la’aan
ah in hab
dhaqan
foolxun oo
wax sal iyo
raad toona
aan lahayn
in qaarka
mid ah
muwaadiniinta
laga
duudsiyay
xuquuqdii
islaamnimo
iyo tii
muwaadinimo
labadba.
Sida
runta
nidaamka
dimoqraadiga
ama
siyaasaddeed
ee xorta ah
ee maanta
dalka ka
jira oo
ogolaanaya
xuquuqda is
abaabulka ,
ururada
wadaniga ah
iyo
xoriyaadka
saxaafadda
ee dhamaan
muwaadiniinta
waxaan odhan
karaa waa
fursadda
kowaad ee
dahabiga ah
taasi oo wax
wayn ku
kordhisay
dadaalka in
ay dadka ka
soo jeeda
beelaha la
hayb sooco
ay codkooda
ku hadlaan,
saxaafadda
isla
markaana ku
soo
gudbiyaan
cabshadooda
iyo
baahiyaha u
gaarka
ah,iyo
waliba inay
ururro
wadani ah oo
abaabulka
iyo
horumarka
dadka ka
shaqeeya
samaystaan,
waxaana
runtii mahad
balaadhan
leh dadka
faraha badan
ee ku nool
dhamaan
gobolada
dalka ee
beelaha
tirada badan
ee
cadiidiska
ama tacadigu
ka yimaaddo
ka tirsan
kuwaasi oo
si naxariis
leh
samafalka
iyo
taageerada
had iyo jeer
la garab
taagan inay
dadkaasi la
quudhsaday
ka baxaan
dhibaatada
takoorka
xaga
dhaqanka
bulshada ay
la nool
yihiin kaga
imanaaya.
Haddaan
nuxurka
maqaalkan ee
caqabadaha
ka hortaagan
beelaha la
hayb sooco
inay si la
siman
muwaadinninta
kale uga
qaybqaataan
hogaanka iyo
siyaasadda
dalka dib
ugu soo
noqdo, waxaa
jirta in
isbedelada
xagga
horumarka
iyo xuquuqda
dimoqraadiyadda
ah ee
somaliland
dhawaan ka
bilaabmay
haddii loo
eego
kaalmaha ay
kaga jiraan
nolosha
mujtamaca
iyo hogaanka
siyaasadda
ee
somaliland
waxaa si cad
kuugu
muuqanaaya
in ay ka sii
hoosayso
markii ay
siyaasadda
dalku ku
salaysnayd
nidaamka
beela
qaybsiga,
taasi oo
aanay waxba
u kordhin
wax ay ee
mabaadiidi’ida
assasiga ah
ee
dimoqraadiyadda
ka dhinto
mooyaane
dadka la
hayb sooco.
Dhibaatooyinkaasi
waxaa laga
eegi karaa
dhinacyo
farabadan,
iyadoo aan
markasta
xasuusanahay
in quudhsiga
ama takoorka
beelaha
gaboooye uu
yahay
dhaqanka ugu
xun ee
somalidu
leedahay.
Haddii aan
ka eegno
dhinaca
fahamka
mabaadiidi’ida
aasaasiga ah
ee
dimoqraadyadda
waxaa ka mid
ah in taladu
ka go’odo
dadka inta
badan
(The
majority
Rules)
Taasoo had
iyo jeer ay
soo xigtaan
dadka u
dooda
maamulka
dimoqraadiga
iyo xuquuqda
aadamaha ee
loo wada
siman yahay,
waxaan uga
jeedaa maaha
mabaadida
dimoqraadiga
inta adiga
ama qolada
badan uun
dantooda
sheegaysa in
la siiyo
tixgelin
waxaase
talada oo ka
go’da inta
badan daba
taalla oo
aan ka hadhi
Karin in
xuquuqda qof
ahaaneed iyo
danaha
dadyawga
laga tirada
badan yahay
ay ahaadaan
kuwa si adag
loo dhawray
iyadoo dadka
laga tirada
badan yahay
laga qayb
gelinayo
maamulka,
qorshaha
horumarka,
talada iyo
hogaanka
miyi ilaa
heer degmo,
gobol iyo
qaran si la
mid ah
muwaadinninta
kale.
Sida darteed
waxaa ka
maqan
dimoqraadiayadda
Somaliland
ee ku
salaysan in
tirade badan
taladu ka
go’oda qaar
ka mid ah
mabaadi’ida
aasaasiga ah
ee maamul
wanaagga iyo
horumarka
dhamastiran
ee bulshada
dimoqraadiga
ah ilaalinta
xuquuqda
dadka laga
tirada badan
yahay (the
principales
of
protection
of
individual
and minority
rights and
the majority
rule in
democracy)
sida darteed
dadaalka ay
dadka ka soo
jeeda
beelaha
gabooye ee
la hayb
sooco ay ugu
jiraan sidii
ay xuquuq
iyo fursado
si la mid ah
kuwa
muwaadinninta
kale ee
dhinacyada
kala duwan
ee
horumarka,
sida wax
barashada,
shaqada,
dhaqaalaha,
siyaasadda
iyo hogaanka
dalka,
dedaalkaasi
waa mid
bilaw ah
soconna
doona ilaa
inta ay
hadafkaasi
gaadhayaan
insha allah.
Halganka ama
dadaalka ay
bilaabeen
beelaha la
hayb sooco
iyagoo ah
muwaadiniinta
Somaliland
asal u ah in
takoor iyo
tiro yaraan
ku waayeen
xuquuqdoodii
ka qaybgalka
horumarka,
talada iyo
siyaasadda
dalka maaha
wax la
aqbali
karaayo
Hadaba
haddii ay ku
soo bixi
waayeen
doorashooyinkii
dalka hore
uga dhacay
ee deegaanka
iyo
baarlamaanka
taasi ma in
aanay xubno
gole deegaan
iyo mid
baarlamaan
midnaba
waxba ku
yeelan ayay
xukumaysaa,
waxaa lagama
maarmaan ah
dadka la
hayb soocaa
si ay uga
qayb-galaan
golayaasha
lagu
go’aamiyo
arrimaha
saameeya
noloshooda.si
xuquuqda
dadka oo
dhan mid yar
iyo mid
weynba
dhamaan
dalka ku
wada nool
loo simo in
la raadiyo
habkale oo
shuruucda
dalka dib
loogu eegayo
si loogu
sameeyo
dariiq
sharciga
waafaqsan oo
ay kaga
qaybgalaan
golayaasha
lagu
qorshaynayo
siyaasadda
khusaynaysa
baahidooda
iyo
noloshooda
isla markaas
siinaya
fursad ay
waxtarkooda
ku yeeshaan
horumaka
bulshada iyo
xuquuqda
dadka ka soo
jeeda
beelaha
gabooye ee
ku nool
Somaliland.
Nimco Iid
Salaan –
VOSOMWO
Chairperson
Hargeisa
Head Office
Hargeisa
Somaliland
W arbixiin
Ay Bilkasta Ururka"VOSOMWO"Ka Soo Saaraan Heerka
Takoorka Iyo Tacadiyada Xuquuqda Dadka La Hey-sooco
Somalilnd
09/01/09
 Wiilkii
iyo gabadhii uugu horesay ee ka soo jeeda beelaha
gabooye ayaa ka qalan jabiyey jaamacada Hargeisa
Email:
Midgaanyare@hotmail.com
|