HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Xisbiga Ucid oo Qalab waxbarasho uugu deeqay Madaariska Quba!

 Xisbiga daryeelka iyo cadaalada ee Ucid ayaa waxaa uu shalay galab qalab waxbarasho oo ka kooban 36 kursi uugu deeqay madaariska Quba ee kuyaala xaafada daami ee magaalada hargeisa.

Munaasibad aad u balaadhan oo ay soo agaasimeen maamulka madaariska ayaa waxaa lagu qabtey barxada weyn ee madarasadaha quba waxaana munaasibadan ka soo qeyb galay Gudoomiyaha xisbigaas Mudane: Faysal Cali Waraabe iyo kuxigeenkiisa Mudane: Aadan Mire waqaf,  sidoo kale waxaa isna madasha ka soo xaadiray wasiir kuxigeenka wasaarada caafimaadka Mudane: Mahdi Cismaan buuri.

Haddaba waxaa ugu horeyntiiba madasha ka hadley maamulaha guud ee madaariska quba mudane: Najax xussen xariir waxaanu ka warbixiyey sooyaalka taariikheed ee madaariska quba iyadoo uu aad uugu mahadnaqey xisbiga ucid sida geesinimada leh ee marwalba u garabtaagan yahay madaariskooda.


Dhinaca kale waxaa iyana ka hadashay madasha gudoomiyaha gudiga haweenka ee xaafada daami Marwo: Canab xassan diiriye waxaaney canab ku dhiiri galisay dhamaan waalidka xaafada iney isla garabtaagaan hiil iyo hooba madaariska quba iyadoo si gaar ahna uugu mahadnaqdey Xisbiga ucid.

Gudoomiyaha xisbiga Ucid mudane; faysal Cali waraabe ayaa waxa lagu soo dhaweeyey hadalka waxaanu faysal ugu horeyntiiba

amaaney maamulka madaariska

Dhinaca kalena waxaa uu balan qaad aad u qiimo badan u sameeyey dadweynaha xaafada degan iyadoo aanu barnaamijyadayada danbe idinku soo gudbin doono hadaldii madasha,

Ugu danbeyntiina waxaa hadalka soo xidhay wasiir mahdi cismaan buuri waxaanu wasiirku mahadnaq u jeediyey xisbiga ucid iyadoo hadalo kaftan ah uu ku tuurey xisbiga iyo gudoomiyaha xisbiga dhinaca uu ka

maagey xisbiga kale ee kulmiye isagoo ku eedeeyey inaanu aheyn mid beelaha gabooye daneeya hadalka mahdi iyo faysal cali waraabe waxaad ku maqlidoontaan wararka danbe insha Allaah.

Gaba gabadiina waxaa lala kala wareegay kuraastaas oo deeqaysa 3 fasal iyadoo qiimaha ku kacayna ay yihiin 1200$

 

 Dhageyso codii Mudanayaashu is weydaarsadeen Riix Halkan

Hargeisa Dulmane Office:

Barkhad jama hirsi

Email: Midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com