HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Shirkada Telsom oo sanad walba uugu deeqdey Madaariska Quba 12000$ kun oo Dollar!

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 

Telsom international telcommincation Company hargeysa

 Shirkada caalamiga ah ee isgaadhsiinta Somaliland Telsom international telcommincation Company ayaa waxaa ay uugu deeqdey sanad walba madaariska quba ee ay wax ku bartaan beelaha gabooye ee ku yaala magaalada hargeysa lacag dhan $1200 ( laba iyo toban kun oo dollar).

Tallaabadan ayaa waxaa ay kadhalatay kadib markii maamulka madaariskaas iyo culimada kala ah

1: Sheikh mustafe xaaji ismaaciil Haarun

2: Shiekh Maxamed Jama Cali (maxamed cali gadhle)

3: Sheikh maxamed cumar dirir

4: Sheikh Cismaan jama

ay u bandhigeen in la caawiyo madaariskan quba ee diinta Alle iyo sunnada rasuulka lagu barro beelaha gabooye ee magaalada hargeysa. 

codsiga maamulka madaariska iyo culimadan ayaa waxaa si fiican u aqbaley maamulka shirkada Telsom Company kuna baaqey in sannad walba ay siinayaan lacag caddaadkeedu yahay $1200  laba iyo toban kun oo dollar, 

sida laga warqabo waxbarashada madaariska ayaa waxaa ay aheyd mid billaash ah oo aan lacag laga qaadin ardeyda dhigata madaariska iyadoo tirradoodu ku dhow dahay 1000 ardey maamulka madaariska ayaa in badan waxaa uu qeylo dhaan u dirraayey qurba jooga beelaha gabooye laakiin dhag jalaq looma siinin

dhibta uugu weyn ee haysatay madaariska ayaa waxaa ay aheyd kharashka macalimiinta wax ka dhigta laakiin waxaad moodaa hadda iney ka nafiiseen arintaa iyada ah kadib markii (Alle SW) u furay farajkan  maamulaha madaariskaas mudane: Najax xussien xariir ayaa isagoo dareenkiisa cabirraaya u sheegay shabakada Dulmane Online iney tahay wax Alle loogu mahad naqqo isagoo ku tilmaamey guul u soo hoyatay guud ahaan beelaha gabooye gaar ahaan madaariskooda quba

dhinaca kale waxaa uu mahad iyo amaan u soo jeediyey shirkada telsom iyo culimadii la gashay hawshan waxaanu Alle uugu baryey ciwadkeeda oo kheyr qaba,

Soo diyaarintii: Barkhad jama Hirsi 

Dulmane Hargeysa S/land

Email: midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com