HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Abwaan Shaacir oo ka hadley taariikhdii Suugaan yahanka beelaha Gabooye



Abwaay Yuusuf Osman Cabdulle (Yuusuf Shaacir)  ayaa waxaa uu ka warbixiyey kaalintii ay suugaan yahanka beelaha gabooye ku lahaayeen nolosha mujtamaca somaliyeed iyo sidii cagta hoosteeda loo galiyey iyo waliba sida ay uuga dhiidhiyeen xumaantaa kaga imaneysay darafyada bulshada.

abwaanka ayaa wareysi khaas oo uu siiyey xafiiska dulmane ee magaalada hargiesa kaga waramey miisaanka maansooyinkii hal abuurada beelaha gabooye.

abwaan shacir ayaa dhinaca kale waxaa uu aad iyo aad uuga dhiidhiyey aflagaadooyinka la isku marinayo websityada iyadoo uu ku tilmaamey wax aad looga xumaado, waxaanu yidhi abwaanku tusaale u soo qaatey tixgabey ah oo uu ku leeyahay

Haddaad aragto duul wada dhashay oo diirka ka colooba iyagoo is wada diidanbaa laga daneystaa

Abwaan yuusuf shaacir oo ah mujaahid u halgama qadiyada beelaha gabooye ayaa waxaa uu dhinaca kale kula taliyey qurba jooga beelaha gabooye iney iska dhaafaan afxumada dhexdooda taal kuna dadaalaan sidii ay dadkooda wax uugu qaban lahaayeen.

Abwaan shaacir ayaa waxaa uu yidhi beelaha gabooye dantoodu waxa ay ku jirtaa midnimo laakiin waxaa wax laga xumaado ah in la idhaahdo qolo ayaa xalkaa dagta iyo qolo ayaa xalkan leh waxaan idin leeyahay dhaafa waxaas oo ku daadaala cabsida Alle iyo isku duubnida.

waxaanu idin soo gudbindoonaa wareysigan oo maqal ah Insha Allaah.

Dulmane Hargeisa Office:

Barkhad jama hirsi

Email: Midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com