HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Madaxweyne Riyaale oo qolka V I P ku qaabiley Suldaanka Guud ee beelaha gabooye iyo Safiirka Newzealand.











Safiirka dalka newzealand u fadhiya somaliland

Waxaa dhawaan xafiiska V I P da ee qasriga madaxtooyada somaliland madaxweyne daahir riyaale kaahin uu ku qaabilay suldaanka guud ee beelaha gabooye iyo safiirka dalka newzealand

Kulan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wakiilka dulmane ee magaalada hargeysa mr: barkhad jama hirsi waxaanu ka warbixinayaa sida uu kulankani u dhacay iyo wixii ka soo baxay. 

Waxaa ay aheyd galab jawigu aad u qurxoon yahay cirkana daruur ku shaqlan tahay markii aanu galney qasriga madaxtooyada somaliland

Waxaa isla markiiba si heer qaran ah noo soo dhaweeyey shaqaalaha khaaska ah ee madaxweyanaha iyo askaarta illaaladiisa gaarka u ah

Intaa kadib waxaanu fadhiisaney qolka V I P ee inta badan lagu qaabilo saraakiisha ka socda dalalka caalamka  waxaa noo soo galay madaxweyne daahir riyaale kaahin waxaanu billaabey inuu nawada salaamo sallaan iyo qosol kadib waxaa la guda galay ajandihii loo socday

Waxaa hadalka furay Suldaanka guud ee beelaha gabooye suldaan iid c/laahi xirsi  Waxaanu si qiimo badan uuga hadlay arimaha bulshada beelaha gabooye iyo kaalmaha ay kaga jiraan nolosha isagoo ku amaaney kartidooda iyo baaxadooda loona baahan yahaybuu yidhi iney ka dhexmuuqdaan siyaasada qaranka iyo goobaha mihiimka ah isagoo suldaanku kaftan raacinaaya hadalkisa ayaa waxaa uu ku soo gababa gabeeyey iney mihiim tahay in la ogaado cududa iyo awooda ku keydsan bulshada beelaha gabooye. 

Waxaan intaas kadib hadal kooban oo aad u qiimo badan ku soo galay madasha  

Safiirka dalka newzealand mudane: cabdi xassan faarax buuni oo uugu horeynba amaan u jeediyey madaxweynaha isagoo ku amaaney sida suura galka uuga dhigay iney bulshada beelaha gabooye ka dhex muuqdaan mashraxa siyaasada ee dalka isagoo ka codsadey madaxweynaha inuu wasiir buuxa iyo agaasimayayaal siiyo bulshada beelaha gabooye  

Waxaanu safiirku isagoo kaftamaya ku yidhi madaxweynaha Ictiraafkii keeni waydeene bal anaga nagu eega. 

Xassan sheikh maxe,ed oo isaguna ka mid ah siyaasiyiinta uugu magaca dheer beelaha gabooye ee ku nool s/land ayaa waxaa uu intaas kadib hadalkooban isna ka yidhi madasha isagoo madaxweyanaha ku dhiiri galiyey inuu horey u sii wada kalsoonida uu beelaha gabooye u muujiyey iyadooi aad tahay madaxweynihii kowaad ee garta iney beesha gabooye xaqeeda siyaasiga ah la siiyo. 

Madaxweyne: Daahir riyaale kaahin ayaa isaguna dhinaciisa ku amaaney beelaha gabooye iney yihiin dad karti badan oo shaqeysta waxaanu ku tilmaamey iney yihiin beesha kaliya ee aan laheyn qof dawarsada. Qof wax xada. Qof sacsac ah. Waxaanu yidhi waa nimco Alle ku galadeystay dadkiina mihiimna ay tahay inaad ogaataan waxaanan ballanqaadayaa inaan siin doono beesha gabooye wasiir buuxa iyo agaasimayayaal insha Allah

Waxaanu sidoo kale madaxweynuhu yidhi waxaan hadda u magacaabayaa gudoomiye ku xigeenka haayada xuquuqul insaanka qaranka somaliland nin ka soo jeeda beesha gabooye

Haddaba intaas kadib ayaan waxaan weydiiyey madaxweynaha aragtidiisa ku wajahan bulshada beelaha gabooye? 

Waxaanu yidhi waa dad inta badan muruq maal ah waxaanan rajeynayaa iney heli doonaan dhamaan xuquuqdooda insha Allaah.

Ugu danbeyntii waxaa uu ku dhamaadey kulankaasi is afgarad wacan iyo jawi fiican 

Hargeisa Dulmane office:

Barkhad jama hirsi

Email: Midgaan1@hotmail.com

 

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com