Ururka
Uswo oo
kamid ah
ururada ka
shaqeeya
arimaha
samafalka
iyo bulsha
weynta la
hayb_sooco
ayaa waxaa
shalay oo
taariikhdu
ku beegneyd
05/09/09 ku
soo
bandhigey
Hotel
Ambassador
ee magaalada
hargeisa
bandhig
faneed uu
kaga wacyi
galinaayo
halista iyo
aafooyinka
kala duwan
ee ay
leeyihiin
Takoorka iyo
tahriibta,
Munaasibadan
oo si heer
qaran ah loo
soo
agaasimey
isla
markaana ay
maalgalisay
haayada I O
M ayaa waxaa
uugu
horeytiiba
ka hadley
gudoomiyaha
ururka Uswo
mudane: C/laahi
Hassan
Digaale
waxaanu
gudoomiyuhu
ugu
horeyntiiba
mahadnaq u
jeediyey
dhamaan
qeybihii
kala duwanaa
ee
mataalayey
bulshada,
Culimada,
haayadaha,
dawlada,
axsaabta,
dhalinyarada,
iyo sidoo
kale
Aqoonyahanka,
mahadnaqaas
kadib waxaa
uu
gudoomiyuhu
faaf faahin
aad u
balaadhan ka
bixiyey
waxaa is
galiyey
Takoorka iyo
tahriibta
isagoo
sheegay
labadooduba
iney saameyn
aad u
liidata ku
reebaan
quluubta
bulshada
waxaana jira
buu yidhi
meelo badan
oo ay iska
shabahaan
takoorka iyo
tahriibta
waxaana
kamid ah:
1: Naxdin
2: Quus
3: Rajo xumo
4: xaqiraad
Iyadoo
haddaba
tusaalayaal
aad u badan
oo dadka
indhahooda
iyo
quluubtoodaba
soo jiitey
ka sheegay
gudoomiyuhu
madasha
bandhig
faneedka
ayaa waxaa
hadalka
gudoomiyaha
kadib
iyaguna ka
hadley
masuuliyiinta
haayada I O
M oo sheegay
sababta ay u
maalgaliyeen
mashruucan
waxaaney
sidoo kale
balan
qaadeen iney
ka sameyn
doonaan Film
Documentry
ah
Waxaa ugu
danbeyntii
halkaas lagu
soo
bandhigey
Riwaayad aad
u qiimo
badney oo
dadkii ku
reebtay
qoomamo iyo
ciil iyadoo
dadka qaar
halkaas ka
ilmeeyeen
dhibaatada
haysata
dadka iyo
waxaa
ruwaayadu ka
turjumeyso
markay isla
eegeen.
Dhinaca kale
ayaa waxaa
lagu wadaa
in
riwaayadan
lagu soo
badhigo
dhamaan
lixda gobol
ee dalka
somaliland
Si kastaba
ha ahaate
waa markii
uugu
horeysay ee
riwaayad
noocan oo
kale ah lagu
soo bandhigo
somaliland.
Dulmane
Hargeisa
Office:
Barkhad jama
hirsi
Email:
Midgaanyare@hotmail.com