 |
|
Madaxda
Quba
Welfare
 |
|
dadkii danyarta ahaa ee rashinka loo
qeybiyey |
|
Waxaa
sanadkastaba
markey soo
gasho bisha
ramadaan
deeq raashin
ah u qeybiya
danyarta
xaafada
daami ee
magaalada
hargeisa
Ururka
Quba
Welfare Org,
Haddaba
waxaa shalay
xaafada
daami ee
magaalada
hargeisa
loogu
qeybiyey
danyarta
xaafada
raashin
isugu jira
Bariis,
Daqiiq,
Sonkor iyo
sidoo kale
saliid
Qeybinta
raashinkan
ayaa waxa ay
ka dhacdey
barxad ku
taala
xaafada
daami iyadoo
goobjoog ay
ka ahaayeen
masuuliyiinta
ururka quba.
Waxaa
laga arkeyay
wajiyada
dadka
danyarta ah
farxad iyo
duco ay u
muujinayeen
hawl
wadeenada
ururka iyo
qeybaha kala
duwan ee
saxaafada
Si kastaba
ha ahaatee
waxaa ay
tallaabadi
rajo iyo
hididiilo
galisay
danyarta ku
dhaqan
xaafada
iyagoo
intooda
badani la
daalaa
dhacaayeen
nolol
maalimeedka
awlaadooda
sida laga
warqaba
bishan
ramadaan
ayaa waxaa
ay tahay bil
cibaado oo
inta badan
dadku ka
nastaan
ganacsiga
iyo suuq u
baxa,
Waxaanu
weydiiney
mid kamid ah
dadka
danyarta ah
sida ay u
aragto
deeqdan
raashinka ah
iyo
dareenkeedu
sida uu
yahay iyadoo
ka gaabsatay
inaan la
xusin
magaceeda?
Waxaaney
ku jawaabtay
sida: dhab
ahaatii
dareykeygu
aad ayaa u
fiican yahay
aragtideyda
deeqdan
raashinka
ahna waxaan
odhan karaa
waa mid aad
loo sugaayey
isla
markaana ay
dadku ka
barteen
ururka
wakhtiyadan
oo kale
Waxaanan
rajeynayaa
iney qoysas
badan wax u
tari doonto,
Hargeisa
Dulmane
Office:
Barkhad
jama Hirsi
Email:
Midgaanyare@hotmail.com
►Wiilkii
iyo gabadhii uugu horesay ee ka soo jeeda beelaha
gabooye ayaa ka qalan jabiyey jaamacada Hargeisa