HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 Fadlan ka soo qeyb qaado Masaajid laga dhissayo xaafada Jaamalaaye ee magaalada Berbera

Iyadoo sida laga warqabo sanadadan danbe ay ka socdaan dhamaan gobolada s/land halgan xaga waxbarashada diiniga ah oo ay wadaan dhalinyarro ka soo jeeda Beelaha gabooye ayaa waxaa inta badan lagu arkaa webka dhaqdhaqaaqa diiniga ah ee magaalada hargeysa laakiin waxaa wax lagu farxo ah iney maanta iyaguna dhinacooga ka muujiyaan waxqabad aad u qiimo badan dhalinyarada beelaha gabooye ee magaalada Berbera.

 

Haddaba waxaa dhawaan lagu wareejiyey dhul cabirkiisu yahay 50x24 dhalinyarro wadaaddo ah oo ka soo jeeda beelaha gabooye dhulkaas oo ay ku wareejiyeen dad katirsan deegaanka magaalada berbera dhulkan ayaa waxaa loogu tallo galay in laga dhisso masaajid aad u weyn iyo madaaris wax lagu barro beelaha gabooye ee dagan magaalada berbera iyadoo sharddi laga dhigay iney dhistaan beelaha gabooye maadaamoo dhulkii loogu deeqay

Gudoomiyaha gudiga hawshan wadda oo magaciisa la idhaahdo Mudane: Najiib Faysal Carab ayaa waxaa uu la soo xidhiidhey xafiiska Dulmane ee magaalada hargeysa isagoo baaq u dirayaa dhamaan dadka muslimiinta ah gaar ahaan kuwa qurba jooga beelaha gabooye ayaa waxaa uu ka codsadey iney maanta aaney lumin fursadan qaaliga ah ee ay nasiibka u helleen beelaha gabooye ee dagan magaalada berbera iyadoo aaney horre uuga dhisneyn wax masaajid iyo madarasad ah

Dhinaca kale waxaa isaguna ku tilmaamey arintan mid aad iyo aad qiimo uugu fadhida beelaha gabooye suldaan daakir xassan khaliif oo isaga laftirkiisu wareysi siiyey xafiiska dulmane ee magaalada hargeysa kaas oo uu baaq balaadhan uugu diray bulshada islaamka ah gaar ahaan kuwa beelaha gabooye oo uu yidhi waxaa inagu waajib ah ineynu doorkeena diinta buuxino

Suldaan IID C/laahi Xirsi ayaa dhinaca kale ku tilmaamey guul u soo hoyatay beelaha gabooye mihiimna ay tahay in sideeda looga faa,ideysto  

Haddaba akhriste fadlan adigoo mahadsan waxaad wallaal ka soo qeybqaadataa dhismaha masaajidka iyo madarasada ee magaalada berbera gaar ahaan xaafada jaama laaye adigoo la soo xidhiidhaya telfoonada iyo magacyada gudida hoos ku qoran waxaad bixisato ciwadkeeda Allaad ka helaysaa wax la qabtana waxaa uugu mihiimsan dhismaha masaajidada Alle iyo goobaga lagu barto Qur,aanka

Magacyada gudida  

1: Sheekh: Najiib Faysal Carab Tell: 002522+4444435

2: Suldaan daakir xassan khaliif Tell: 002522+4121212

3: kaysar maxamed ibraahim Ama

Account Numberka ah: D707 Dahabshiil Berberah  

Dulmane Hargeysa Office

Email: midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Text Box:  

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster @dulmane.com