HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 
Waxaad sadakhaysataa maruun ayaad heli

Jaaliyada Somalida ee Dalka Finland oo caawimo raashin ah gaadhsiisey dadka danyarta ah ee xaafada Daami 

Jaaliyada somalida ee dalka Finland ayaa deeq raashin ah u fidisay dadka danyarta ah ee xaafada daami deeqdan oo isugu jirtay Bariis, Daqiiq, iyo waliba, Sonkor, ayaa waxaa ay ku soo hagaajiyeen ( Quba Welfare Org,) oo kamid ah Ururada samafalka ee  ka hawlgala magaalada hargeysa,

Deeqdan oo lagu qeybiyey gudaha Madaariska Quba  ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar kamid ah masuuliyiinta xaafada iyo madaxda ururka Quba,

Dadka deeqdan loo qeybinaayey oo u badnaa ogoomo ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqdey farxad badan iyagoo u duceynayey dadkii waxtarkoodan qeybta ka ahaa,

Sidoo kale Gudoomiyaha ururka Quba

Mudane: Maxe,d Mouse Nour ( Abu Sufyaan)

Ayaa hadal uu bartaa ka soo jeediyey ku amaaney jaaliyada somalida ee dalka Finland, isagoo yidhi waa talaabo aad u qurux badan oo dareenka dadkan sare u qaadeysa waxaana loo baahan yahay in la yeelo sida ay yeeleen wallaalahayagaa muslimiinta ah waxaanan Alle uugu baryayaa inuu siiyo ciwadkeeda oo kheyr qaba,

Markastoo aad wax la baxdana waxaa hubaal ah inaad helyso tii aad bixisey mid ka kheyr iyo barako badan waana waajib diinteena Islaamka ahi ina fareyso ineynu isku naxariisano ayuu yidhi,

 

Max,ed Hirsi Food cadde iyo Max,ed Mouse Abdale

oo iyaguna ku hadlaaya magaca jaaliyada somalida ee dalka Finland ayaa waxaa ay ku dhiiri galiyeen qof walba oo muslim ah inuu waxtar u fidiyo wallaalahooda  dhibaatada dhaqaale hayso  ayaa waxaa ay yidhaahdeen ma jeclin inaanu ku faanno sadaqada aanu la baxayno waxaanan wax kaga rabnaa Alle sw

bini aadamna waxba kagama rabno laakiin wax ay naga tahay oo kaliya dhiiri galin aanu ku dhiiri galineyno wallaalahayaga Islaamka ah meelkasta oo dunida ay ka joogaan

waxaanan uugu baaqeynaa dhamaan dadka somalidu meelkasta oo ay dunida ka joogaan iney hoos u eegaan wallaalahooda tabaaleysan ee dhibaatada dhaqaale haysato iyadoo aadamaha baahidooda uu dhameystiri karo Alle sw

 

Wakiilka Dulmane ee S/land 

barkhad jama hirsi

Email: Midgaanyare@hotmail.com 

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com