|
Waxaa
soo gaadhay deeq
raashin ah dadkii
tabaaleysnaa ee ay
hore Shabakada
wararka Dulmane
Online uugu
bandhigtay
akhristayaasheeda,
Deeqdan
oo ka timid qaar
kamid ah jaaliyada
somalida ee ku nool
dalka Sweden gaar
ahaan magaalada
Stockolm ayaa waxaa
ay ku soo
hagaajiyeen Ururka
Quba ee magaalada
hargeysa oo inta
badanna ka shaqeeya
arimaha samafalka,
Raashinkan oo isugu
jiray Bariis Daqiiq
Sonkor iyo waliba
saliid ayaa waxaa
loo qeybiyey qoysas
tiradooda badney
kana mid ah dadka
aadka uugu
daranyeysan
Mujtamaca magaalada
hargaysa,
Haddaba qoraal rasmi
ah oo ay soo
gaadhsiiyeen
jaaliyada somalida
ee deeqdan soo
gudbisay xafiiska
Dulmane ee magaalada
hargeysa kuna
saxeexnaa Afhayeenka
gudidaas
Mudane: Abdillaahi
Maxamed Diiriye ayaa
waxaa uu u qornaa
sida tan:
Anagoo ah jaaliyada
Somalida ee dagan
magaalada Stocklom
ee wadanka Sweden
waxaanu sallaan iyo
ducaba
gaadhsiineynaa
wallaalahayaga
dhibaatada dhaqaale
ku habsantay
waxaanan u
sheegaynaa inaanu
aad iyo aad uuga
damqaneyno
dhibaatooyinka uu
kamidka yahay
Quudhsiga iyo
dhaqaale xummada
waxaanan u
sheegaynaa dhamaan
Beelaha Gabooye
meelkasta oo ay
dunida ka joogaan
inaanu ka xunahay
dhibaatooyinkaas
markaanu
sidaas u
hadleyno cidna waji
iyo abaal kagama
rabno laakiin waxay
naga tahay Dar Alle
Sadaqadan aanu
bixineynana nagama
aha istusid iyo is
maqashiin laakiin
waxa ay naga tahay
iney jaaliyadaha
Gabooye ee Yurub
joogaa baraarugaan
oo ay dadkooda
tabaaleysan hoos u
soo eegaan,
Waxaanan insha
Allaah balan
qaadeynaa inaanu
kaalmo joogto ah
gaadhsiino
wallaalahaa
dhibaataysan
Soo
diyaarintii:
Advocate: Barkhad
jama Hirsi
Email:
Midgaanyare@hotmail.com
Hargaysa Dulmane
Office |