HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Hogaanka beelaha gabooye ee Somaliland oo midnimo qaran muujiyey! Daawo sawiradan

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 

Hogaamiyaasha gabooye


odayaashi gabooye


odayaashi gabooye

Odayaashi gabooye iyo abwaan shaacir

Waxaa dhawaan ka dhacay hotel hadhwanaag ee magaalada hargeisa shir aad loo soo agaasimay isla markaana ay goobjoog ka wada ahaayeen hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye, Culimada Aqoonyahanada, Dhalinyarada iyo dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada shirkan ayaa haddaba waxaa uu intiisa badan salka ku hayey sidii loo mideynlahaa hogaanka dhaqanka ee beelaha gabooye iyadoo in dhaweydba ay soo kala dhexgashay xurguf yar,

Haddaba waxaa shirkaas ugu horeyntiiba hadal aad u qiimo badan ka yidhi boqorka beelaha gabooye boqor: ahmed ugaas warsame kaas oo si kooban uugu hadlay danta umada iyo isku tanaasulka wax wada qabsiga iyo qiimaha ku jira

Boqorka kadib waxaa hadalka qaatay ama lagu soo dhaweeyey abwaan yuusuf shaacir oo kamid ah abwaanada aadka uugu ololeeya qadiyada beelaha gabooye waxaanu abwaanku hadal dardaaran iyo xigmad xanbaarsan u soo jeediyey dhamaan dadkii ka soo qeybgalay madasha iyadoo loo wada bogay waxaanu ugu danbeyntii ku soo gabagabeeyey hadalkiisi gabeyga la yidhaahdo Dulmanaha la quudhsaday abwaanka kadib ayaa waxaa isna kalmad aad u heersaraysa ka yidhi madasha safiirka newsealand ambassador: cabdi xassan faarax buuni oo si kooban uuga hadlay farqiga u dhaxeeya beelaha gabooye maanta iyo shan sanno ka hor safiirka kadib waxaa sidoo kale isna kalmad xaga quudhsiga ka hadlaysa yidhi suldaan: nadiif suldaan seyd

Haddaba jawiga oo ahaa mid aad u qurxoon farxad badan iyo kaftan badanina ka dhexeeyey sallaadiinta oo intooda badan aan hadal dhexmari jiran ayaa waxaa uugu danbeyntii lagu soo dhaweeyey hadalka suldaan naasir suldaan cabdi iyo suldaan daakir xassan khaliif oo labadooduba si aad loogu bogay u hadlay iyadoo suldaan naasir aad uuga qosliyey dadkii madasha ku sugnaa taabteyna waxyaabo quseeya wadciga beelaga gabooye uuna soo jeediyey dhalinyarada aqoonta leh iney ka fogaadaan xurgufta mar walba dhextimaada sallaadiinta dhexdhexaadna ka noqdaan waxaa dhaca suldaan daakir ayaa isaguna dhinaciisa taabtey xaga siyaasada isagoo sheegay in lagu kala duwanaan karo mabda,a siyaasiga ah laakiinbuu yidhi waxaa mihiim ah inaan lagu kala duwanaan aragtida danta umada meelna looga soo wada jeedsado

Ugu danbeyntiina waxaa bartaa laga soo jeediyey suugaan aad u qiimo badan oo dadkii mafsuud ku noqdeen waxaanu shirkaasi ku dhamaaday jawi aad u sareeya oo qiimo badan

Haddaba su,aasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay tahay shirkani ma noqondoonaa mid  soo afjara xurgufta sallaadiinta iyadoo shirar noocan ah oo kan ka horeeyey sidan oo kale u dhaceen ayaa hadana gadaal loo soo laabtay?

Laakiin waxaanu Alle ka baryeynaa haddaanu nahay bahda iyo hawl wadeenada shabakada wararka ee dulmane inuu shirkani noqdo mid midho dhal ah danta umada beelaha gabooyana noqoto mid muqadas ah oo loo wada shaqeeyo Allaahuma Aaamiiin

Hargeisa dulmane Office:

Bakrhad jama hirsi

Email: midgaan1@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com