HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Indhow garad aan waxbaba baran ayaa yidhi waxaan
ahay indheer garad:

 

  Magacaaba'yee ma anigaaa kula maamuus ah.  Waar wa ayo kaad doontaba ahow oo dadkaad ku sheegaysaa shisheeyaha.  Waar waxaad tahay miciinkii la col low.  Calaamadaha doqonka lagu yaqaanaana waa inuu la coloobaa inta u miciini lahay cishada daran. Waar wa ayo dadkaad ku leedahay dalka nooga guura. 

Kaad doontaba ahow oo waxaad tahay indhow garad aan waxbaba barane waana calaamadaha doqonka.  Waar kaad doontaba ahow oo hooyadaa wa ayo abtigaa wa'ayo, seeddigaa wa'ayo, habar-wadaagaa wa ayo, inaabtigaa wa'ayo.  Waar intaa midna ma isu tihiin kuwa idin kale jiidanaya cishaday iyagu is door-dooranayaan.  Waar doqon yahow idhagayso kaad doontaba ahow oo waxaan u malaynayaa inaad halka jaadka lagaga cabbo shaaha iyo biyaha inaad wax qadhaadh ku cabtay oo ku wareeriyay.  Waar doqon yahow idhagayso ima taqaanid kolkaad magacayga ku darsatay wixii aad malmaluuqatay.  Idhagayso doqon yahow bal waxaad isoo maqashiisaa qof ama laba kula wadaaga doqoniimadaa oo kugu raacsan inuu abtigaa, seeddigaa iyo habro-wadaaga shisheeye yihiin.  Bal waxaad isoo maqashiisaa cid aan ahayn hebel iyo hebel oon aan gadaal kasoo sheegi doono magacyadooda, waa kadib kolkaad adigu is cadayside qorsoonow doqon yahow.  Bal waxaad isoo maqashiisaa cid aan ahayn saddexdiina doqon oo kugu raacsan waxaa aad malmaluuqday.  Waxaan kuu sheegayaa adiga iyo inta kula midka ahba in aydun ku eekaataan inta ay aqoontiinu ku eeg tahay.  Waxaan idiin sheegaya adiga iyo inta kugu raacsan in ay beelahaasi ay toodiiba cuslaysa inay maanta kala didaan oo aan wax loo baahan yahay ahayn.  Idhagaysao doqon yahow Hargaysa manta waxa isugu yimid beelihii Soomaaliyeed oo idil oo u soo doontay nabadgelyo kolkaan ka reebo, si kale ugama reebayee Jabuuti oo aanay Hargaysa sinaba u kala maqnayn daris ahaan iyo xigto ahaanba.  Idhagayso doqon yahow Soomaalidii colowday ee isku dishay Gedo ilaa Boosaaso oo maanta caasimaddii Muqdisho xaalkeeda aynu ognahay ayaa Hargaysa isugu yimid oo walaalo ku ah oo nabad ku wada jooga.  Waar doqon yahow maxaad kuwaa ugaga dayan wayda siday Hargaysa ugu wada dhaqmayaan maanta. 

U danbayntiina doqon yahow ku habaari maayee ALLAHA awooda iska lihi ha ku garansiiyo inta wada dhalashadu idinka dhaxaysaa inay xigtadaada yihiin.  Ku habaari maayee hore waxa loo yidhi doqoneey dabkaa ba'a.  Doqontu waxay leedahay toban indhood mid kaliya jidkay socotay ku aragtaa, sagaalka kalena miciinkeeday ku ximisaa. Waar madhibaan wa'ayo, oo Tumaal wa'ayo, oo Howleh wa'ayo, oo Wardheere wa'ayo,  Oo inta dastuurka maanta Soomaaliya u yaala lagu yidhi waa sub ama dad-badhkii iyo intaad sheegayso iyo intaad sheeganaysaa maxay kala yihiin doqon yahow.  Waar miyaanay dalacsi iyo diiqsi wada qabin doqon yahow. 

Danbilaawe dadkaygani abidkii dalacsiguu qabo diidsina u dheer yahay. 
Haddaan diiday leeyahy ma cirkaan dobooley oon ha soo di'in biyahaan idhi,
Ma dhulkaan ku idhi daadi dusha waxaad ku sidatee dadku ugu horeeyo,
Mise dow-galkaan qabo dadnimadayda dhaawacaysa ibna'aadanna wada diiday ayuun baan diiday leeyahay. 
ALLA ha kusoo hadeeyo doqon yahow.

 Wa billahi Towfiiq

 Xaaji Muuse Cabdi  


 
Boqor Axmed oo ku tilmaamey wax laga xumaado maqaal ay beesha Muuse dhariyo ku qortay webka Dayniile dhegeyso oo akhriso

*******

Qoraalkii ninku soo qorey
Puntland Beelo ka Cabanaya Sad Bursi iyo Xukuumada oo la sheegay inay wado Xaqiraad   Dayniile  13/10/09

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com