HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Gudoomiye cusub oo ay doorteen ardeyda jaamacada hargeysa ee beelaha gabooye!

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 

Gudoomiye     Xamse Maxamed Ibraahim (xoog weyne)


Safiirka iyo suldaan daakir


Ardeyda safiirka iyo suldaanka

Shir aad u ballaadhan oo ay qabsadeen ardeyda jaamacada hargeysa ee beelaha gabooye kana dhacay hadhwanaag hotel ayaa waxaa lagu doortay gudoomiye iyo kuxigeenkiisa, shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa safirka dalka newzealand u fadhiya somaliland iyo suldaan daakir xassan khaliif oo kamid ah sallaadiinta beelaha gabooye sidoo kale waxaa goobjoog iyana ka ahaa dhamaan qeybaha kala duwan ee saxaafada

Waxaa haddaba ugu horeyntiiba hadal kooban isla markaana macno badan xanbaarsan ka soo jeediyey madasha gudoomiye Xamse Maxamed Ibraahim (xoog weyne) oo ah gudoomiyaha cusub ee ay ardeydu dooratay hadalka gudoomiyaha ayaa waxaa uu ahaa mid aad u soo jiitay dhamaan ka soo qeybgalayaashii shirka iyadoo ay kula loolamayeen jagada gudoomiyenimada xubno kale oo kamid ah ardeyda laakiin isagu ku guuleystay.

Waxaa sidoo kale isna hadal dardaaran iyo dhiiranaan huwan ka soo jeediyey madasha shirka Ambassador: cabdi xassan faarax waxaanu ambassadorku kula dardaarmey dhamaan ardeyda iney wadaan dadaalkooda waxbarasho isna diyaar uu la yahay wax ale iyo wixii ay u baahdaan dhinaca kale waxaa ambassadorku dhanbaal tacsi ah u diray xisbiga kulmiye iyo dhamaan bulsha weynta somaliland isagoo uuga tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid cali maarshaal oo ahaa xubin katirsan xisbiga kulmiye ee mucaaradka ah,

Waxaa intaas kadib isna hadley cornel raabi oo ah taliyaha ciidanka asluubta ee jailka gabiley waxaanu korneylku ku adkeeyey ardeyda iney iska ilaaliyaan khilaafka ogaadaana iney yihiin hogaanka dalka ee mustaqbalka dhow

Suldaan Daakir Xassan Khaliif ayaa waxaa isna lagu soo dhaweeyey hadalka waxaanu suldaanka dareen farxad leh ka bixiyey isku imaatinka ardeyda isagoo tilmaamey iney tusaale buuxa u tahay horumarka beelaha gabooye suldaanka ayaa waxaa isna dhinaciisa tacsi u diray xisbiga kulmiye iyo dhamaan shacbiga reer somaliland geeridii ku timid Alle ha u naxariistee cali maarshaal oo ahaa xubin ka tirsan xisbiga kulmiye waxaanu suldaank Alle uuga baryey inuu janadiisa ka waraabiyo

Ugu danbeyntii jawgiga shirka ayaa waxaa uu ku dhamaaday si aad u qiimo badan

Haddaba waxaanu wareysi gaaban la yeelaney gudoomiyaha cusub ee ardeyda jaamacada hargeysa ee beelaha gabooye mudane: xamse maxamed ibraahim xoogweyne waxaanan weydiiney dareenkiisa iyadoo xilkan uu horey u heyn jiray liibaan ismaaciil maxamuud hadase laga qaaday

Waxaanu ku jawaabey gudoomiye xamse oo ku magac dheer xamse timo jilic aad ayaan uugu faraxsanahay sida ay ii doorteen ardeydu waxaanan ku hanweynahay inaan ka soo bixi doono xilka la i saaray dareynkeyguna aad ayaa u sareeya.

Haddaba sida laga warqaba waxaa laga joogaa shan bilood markii ay ardeydu u dooratay liibaan ismaaciil inuu ahaado gudoomiye laakiin waxaa hadda jagadaa hantay mudane xamse maxamed oo ah gudoomiyaha ardeyda jaamacada hargeysa ee beelaha gabooye waxaanu ku xigeenkiisa loo doortay mudane: maxamed jama ibraahim oo ku magac dheer max,ed maarshaal

Su,aasha isweydiinta mudan ayaa waxa ay haddaba tahay waa maxay farqiga u dhaxeyndoona gudida cusub iyo kuwii hore

Maxaa ay qurba jooga beelaha gabooye la qabteen ardeyda jaamcada hargeysa su,aalahan jawaabtooda waxaan u dhaafayaa akhristayaashayada sharafta badan

Fadlan haddaad jeceshahay inaad la xidhiidho gudida cusub kala xidhiidh

Gudoomiye: xamse maxamed ibraahim xoogweyne Tell: 002522+4449084
minoritystudents@hotmail.com 

Gudoomiye kuxigeen: maxamed ibraahim jama maarshaal Tell: 002522+4476060

Dulmane hargeysa office:

Barkhad jama hirsi

Email: midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com