HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Ururka Uswo oo kulan ku saabsan Heyb_sooca u qabtay Hogaanka dhaqanka ee beelaha Somaliland


Ururka uswo oo kamid ah ururada ka shaqeeya arimaha samafalka iyo kor u qaadida bulsha weynta la heyb_sooco ayaa waxaa uu shalay kulan ku saabsan is dhexgalka bulshada iyo ka hortaga heyb_sooca uugu qabtey hotel dalxiis ee magaalada hargeisa hogaanka dhaqanka ee beelaha somaliland.

kulankan ayaa waxaa lagu gotfeynayey sidii ay labada daraf ee bulshadu isku dhexgalilahaayeen isla markaana lagu dabar goyn lahaa caadada foosha xun ee dhaqanku dhaxalsiiyey bulsha weynta somaliyeed.

haddaba waxaa ugu horeynba ka hadley kulankan gudoomiyaha ururka Uswo mudane: c/laahi xassan digalle waxaanu gudoomiyuhu ka waramey ahmiyada uu kulankani u leeyahay dadka ka soo qeybgalay iyo sida ay bulshada uugu ooman tahay ka hadalka dhibaatadan soo jireenka ah.

dhinaca kale waxaa isna ka hadley kulanka maayir kuxigeenka magaalada hargeisa mudan: Uur cade

waxaanu sheegay maayirku sida ay mihiimka u tahay arimaha noocan ah ka hadlkooda

waxaanu ku taliyey maajirku in la wado arintan lagana hadhin

uqaal ka kala socota beelaha somaliland ayaa wax ay iyaguna balan qaadeen iney wixii maanta ka danbeeya halgan u galidoonaan cidhib tirka takoorka

ugu danbeyntii kulankan ayaa waxaa uu ku dhamaadey jawi aad u qiimo badan iyo is af garad

Dulmane hargeisa Office:

Dulmane Hargeisa Office:

Barkhad jama hirsi

Email: Midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com