Hadii
aanu nahay beehsa Muuse
dheryo oo ku abtirsata
Somaliland oo maanta ay ka
jirto dowlad iyo maamul ku
yimid cadaalad iyo xaq soor
ay ku wada qanacsan yihiin
dhamaan beelaha dega ama ku
wada abtirsada Somaliland oo
dhamaan ay beeluhu ku wada
jiraan ama ay ka wada
muuqdaan maamulka iyo
dowlada in beelaha yar yar
iyo kuwa waaweyni
dhamaantood ay intii macquul
ah ku qanacsan yihiin isu
tanaasulka iyo maamul
wanaaga ka jira Somaliland
taas oo u horseeday dadka
iyo dalka Somaliland nabad
iyo wanaag oo aanu beel
ahaan ku qanacsan nahay
maamulka iyo demoqraadiyada
ka hana qaaday Somaliland
isla markaana beel ahaan
aanu ka helnay qaybtii ama
saamigii aanu ku lahayn.
Mar
kale waxaanu halkan ka
cambaaraynaynaa maamulka
Puntland ee dhawr iyo toban
jirsaday ee ay noqotay mid
iska caado noqotay in la
dulmo ama xaqooda la
duudsiyo beelaha aanu soo
xusnay ee Madhibaan iyo
Tumaal oo aanay ilaa iyo
iminka suurto gelin in la
xuso oo ay helaan saamiga ay
ku leeyihiin ka beel ahaan
dowlada ka jirta Puntland
waxaananu u sheegi lahayn
beelaha iska maamusha
deegaanka Puntland inay
dhamaatay wakhtigii isla
weynida iyo is yaraysugu oo
ay ku qancaan waaqiciga jira
iyo xaqa ay u leeyihiin
beesha Madhibaan iyo Tumaal
inay helaan xuqooqda ay ku
leeyihiin deegaanka ay u
dhasheen sida beelaha kale
ay uga qayb noqdeen maamul
qaybsiga iyo haybada
wadaninimo ee Puntland isla
markaana waxaanu u soo
jeedinaynaa maamulkaas
Puntland inay tusaale u
noqoto Somaliland sida
wanaagsan ee quruxda badan
ee beelahoodu ay wax u
qaybsadeen iyada oon la
eegayn hayb iyo magac taas
oo si simana looga qayb
gelayo dowlada iyo maamulka.
Waxaanu
si toos ah u gaadhsiinaynaa
baaqan Madaxweynaha Golaha
wasiirad Barlamaanka Hogaan
dhaqameedyada iyo mujtamaca
reer Puntland inay ka
tanaasulaan dulmiga iyo
cadaalad la aanta ay kula
kacayaan beelaha Madhibaan
iyo Tumaal ee wallaalahood
ah ee qarniyada badan wada
noolaayeen taas oo
dareenkeedu xanuun badan
yahay foolxumada ay leedahay
in la duudsiyo beelo ka mid
ah deegaanka Puntalnd isla
markaana aan la siin xaqa
iyo xurmada wadaninimo oo ay
beel ahaan ku lahaayeen
deegaanka ay ku abtirsadaan
iyada oo hadii wax laga
qaban waayo xaqsoor la aanta
lagu hayo beesha Madhibaan
iyo Tumaal ay keeni doonto
in aanu dhawaaqayaga
gaadhsiino beesha Caalamka
si culays loo saaro
maamulkaas Puntland.
Dhanka
kale waxaanu u soo
jeedinaynaa wallaalahayga
beesha Madhibaan iyo Tumaal
inay dedaal u galaan sidii
ay u heli lahaayeen xaqooda
wadaninimo ee ay ku
leeyihiin dowlada iyo
maamulka Puntland oo aanay
marnaba ka seexan wax kasta
oo ay ku qaadato sidii ay
uga mid noqon lahaayeen
nidaamka beeleedka ka jira
Puntland maamulka iyo goaan
qaadashda aayaha iyo
nidaamka maamul ee Puntland
taas oo aanu hubno inay
gaadhi doonaan Insha Allaah
hadii ay naf iyo maalba u
huraan sidii ay u heli
lahaayeen xurmadii beeleed
ee ay lahaayeen ee ay baal
mareen beelaha Daarood ee
samaystay Puntland ee iyaga
uun isku koobay dowlada isla
markaana aan siin xaqoodii
beel ahaaneed.
Waxa
kale oo aanu baaqayaga ugu
yeedhaynaa in badan oo ka
mid ah beelaha Madhibaan iyo
Tumaal oo wax garad ah oo
qaarkood ay ku sugan yihiin
Somaliland oo soo galay
Somaliland isla markaana leh
salaadiin iyo madax
dhaqameed ka yimid Puntland
ka dib markii ay
xuquuqdoodii beeleed ka
waayeen Puntland inay halgan
u galaan sidii ay dib ugu
noqon lahaayeen Puntland oo
ay halgan uga geli lahaayeen
sidii ay beeshooda Madhibaan
wada hadal iyo dedaal ugu
geli lahayd inay u hawl
gasho helitaanka xuquuqdooda
beelood si ay u hesho
xurmadii iyo xaqii wadaninmo
ee beel ahaaneed inay ka
hesho dowlada Puntland oo ah
maamul jira oo shaqaynaya
waxaananu ku boorinaynaa
wallaalahyo beelaha
Madhibaan iyo Tumaal in la
dhaafay wakhtigii is
yaraysiga iyo duudsiga oo ay
ku tusaale qaatan dedaalka
aan kala goa lahayn oo ay
geshay beesha Muuse dheriyo
oo maanta gaadhay intii
macquul ah xaqii iyo
xurmadii beeleed ee ay
lahayd waxaananu u
sheegaynaa in aanu ku farxi
lahayn in aanu aragno
beelaha Madhibaan iyo Tumaal
oo hela xuramadii iyo xaqii
wadaninimo ee ay ku
lahaayeen deegaanka ay ku
abtirsadaan ee Puntald
halkii ay doolaal ku ahaan
lahaayeen Somaliland.
Sidoo
kale waxaan u soo
jeedinaynaa qurba joogta
beelaha Madhibaan iyo Tumaal
inay dedaal u galaan sidii
ay kaalin weyn uga qaadan
lahaayeen dedaalkaas iyo
sidii ay u midayn lahaayeen
beelahooda oo wax walba
loogu bixin lahaa gaadhista
xuquuqdoodii beeleed ee
deegaanka ay ku abtirsdaan
ee Puntland taas oo
noqonaysa guul u soo hoyatay
beelahooda iyo guud ahaan
Gabooye oo dhan.
Warsaxaafadeedkan oo ay soo
saareen Hogaanka sare ee
beehs Muuse dheriyo waxa ka
mid ah aqoonyahan yahankii
iyo madaxdhaqameedkii soo
saaray:
1:Suldaanka Guud ee Muusa
dheriyo: Suldaan Maxamed
Suldaan Cabdi Ismaaciil.
2:Suldaanka Guud ee gabooye
ee Somaliland:Suldaan Axmed
Ismaaciil Cismaan Buuri.
3:Boqorka Beesha Gabooye :Boqor
Xaaji Muuse Cabdi.
4:Cheif Caaqilka Beesha
Muuse dheriyo: Cheif Caaqil
Cabdi Cige Huube.
5:Caaqil Muuse Dheriyo:
Xasan Haybe Caateeye.
6:Gudoomiyaha Qurba Joogta
Muuse dheriyo:Axmed Maxamed
dhinbiil.
7:Aqoonyahan:Dr. Cabdilaahi
Maxamed Jaamac Faantamas.
8:Aqoonyahan: Cali Maxamuud
Saban.
9:Aqoonyahan: Barkhad Cabdi
Cige,Mr Gaboye.
10:Aqoonyahan:Mustafa
Ismaaciil Dhinbiil.