Shirkan jaraa,id ee suldaanka oo ahaa mid
dhinacyo badan taabanaayey ayaa waxaa uu suldaanku ka waramey
kaalmaha ay beelaha gabooye kaga jiraan nolosha mujtamaca
somaliyeed Isagoo tusaale u soo qaatey siyaasada, dhaqaalaha,
waxsoosaarka iyo aqoontaba.
Shirkan jaraa'id ee suldaanka ayaa waxaa uu
ku soo beegmay wakhti xaalada siyaasadeed ee dalka cirka mareyso,
Suldaanka oo la hadlaayey suxufiyiintii
kala duwaneyd ee goobjooga ka aheyd shirka jaraa'id ayaa waxaa
uu ku billaabey hadalkiisa.
Bismillaahi raxmaani raxiim marka hore
waxaan u mahadnaqayaa Alle sw marka xigtana waxaa sallaamayaa
bahda saxaafada ee ka soo qeybgashay shirkeygan jaraa,id koleyba
waxaa uugu weyn ee aan u qabtey shirkan jaraa,id waxaa weeyaan
goobaabin iyo baraarujin aan rabbo inaan ku sameeyo qurba
joogaan kamid ahey sallaadiintooda.
Suldaanka ayaa intaas kadib waxaa uu yidhi:
Waxaan aad iyo aad u dhaliilayaa qurba
joogayaga anigoo ku dhaliilaya
1: waxqabad la'aan
2: firfircooni la'aan
3: isku xidhnaansho la'aan
4: baraarug la'aan
Waxaan aad iyo aad uugu murugoodaa iyadoo
dadka gabooye dibada ku nooli yihiin dad aad u badan ayaa waxaad
arkeysaa dayacnaanta haysata dadkooda danyarta ah ee ku nool
dalka gudihiisa walibba sanadadan uugu danbeeyey ay soo wajahdey
dhaqaale xummo aad u daran.
Waxaad la yaabaysaa mar walba adigoo ka
maqlaaya idaacaadka dalka iyo kuwa dibadaba warar sheegaya
jaaliyada dalka mareykanka ee S/land oo deeq raashin ah soo
gaadhsiisey dadkooda tabaaleysan.
Jaaliyada dalka England oo deeq waxbarasho
u fidisey ardeyda reer Somaliland.
Jaaliyada dalka faransiiska oo deeq
daawooyin ah soo gaadhsiisey dadka bukka ee xaafadaha magaalada
hargeysa.
Waxaan tusaalayaashaas iyo qaar kaleba u
soo qaadanayaa dadkayaga hurda ee aan caalamku xaggu marayaba
ogeyn.
Hadalka suldaanka oo ahaa mid aad u dheer
isla markaana ka muuqdo ciil aad u badan ayaa waxaa uu tusaale u
soo qaatey dadka danyarta ah ee dagan xaafada daami ee lagu soo
bandhigey shabakada wararka ee dulmane online taas oo ay
wax soo tareen jaaliyaddo aan gabooye aheyn oo ah dadka ehlu
kheyrka ah iyagoo aan waxba uugu qaban qabiil ayaa waxa ay wax
uugu qabteen islaamnimmo, Laakiinbuu yidhi waxa ay aheyd iney
wax tar u muujiyaan dadkaas tabaaleysan ee gabooyaha ah dadka
dibada jooga ee beelaha gabooye,
Sidoo kale waxaa uu suldaanku tusaale
labaad u soo qaatey madaariska quba oo ku yaala magaalada
hargeysa islamarkaana ay wax kabartaan ardey tiradoodu gaadheyso
1000 ardey oo isugu jirra hablo iyo wiilal, Kuwaas oo ah ubixii
iyo anficii ummada laakiin u baahanbuu yidhi suldaan
isbarbartaag iyo wax qabad badan iyadoo waxbarashadoodu tahay
billaash ayaa hadana waxaa loo baahan yahay shaqsiyaad ka soo
bixiya kharashka macalimiinta wax u dhigta ardeydaas.
Suldaanku waxaa sidoo kale tusaale uu u soo
qaatey ardeyda beelaha gabooye ee dhigata jaamacada
hargeysa isagoo ku tilmaamey geesiyo halgan ku jirra laakiin
haddii ay waayaan waxtar iyo isbarbartaag ay nijad jabayaan,
Iyagoo u baahanbuu yidhi marka ay dhameystaan waxbarashadan
dalka mid dibada ah cidda la rabo iney wax u qabataana waxaa u
qabataana waa qurba jooga beelaha gabooye,
Laakiin waxaan odhan karaa way dayaceen
kaalintoodii kaga beegneyd waxtarka bulshada, hadaba waxaa amaan
mudan dadka dalka jooga oo halgan ku jirra, Haddalka suldaanka
oo maqal ah ayaanu soo tabin doonaa insha Allaah Ugu danbeyntii
waxaa uu suldaanku ku soo gabagabeeyey qodobo dhowr ah iyo
dardaaran uu u diraayo qurba jooga beelaha gabooye,
Waxaan u soo jeediyey:
1: iney isku xidhnaan muujiyaan oo ay
sameystaan dallad kulmisa
2: iney muujiyaan midnimo
3: iney ogaadaan iney yihiin cida kaliya ee
u maqan dadkooda
4: iney wax soo taraan dadka ku tabaaleysan
dalka
5: iney tafaraaruqa iska ilaaliyaan
6: iney ogaadaan iney yihiin dad isku hadaf
ah oo raba iney badbaadiyaan dadkooda dhaqaale xumada, takoorka
haysto
7: iney ka dhexmuuqdaan siyaasada dalka
8: iney dalka soo maal gashadaan oo ay
sameystaan shirkado ganacsi oo dalka iyo dadkaba manfac iyo
mugba u leh
9: iney ardeyda jaamacadka dhigta wax
laqabtaan
10: iney taakuleeyaan madaariska quba ee ay
dadkeenu diinta Alle iyo sunnadda Rasuulka ku bartaan (scw)
Iney isku xidh dibada ah iyo mid dalka ahba
sameystaan, Waxaa uugu danbeyntii suldaanku yidhi waxaan ku rajo
weynahay iney isbadal muujindoonaan qurba jooga beelaha gabooye:
Anigaa tiriig baxaya ahaayo la itaabici
jirree waxaase la iga taajiray tolkey kala tagiise!
Wakiilka dulmane ee S/land
Barkhad jama hirsi:
Email:
Midgaanyare@hotmail.com