HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Shirkii Kowaad ee Culimada Beelaha Gabooye oo ka dhacay Magaalada Burco

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 



Suldaan Dakir iyo sheekh Sufiyaan

Dhageyso Codkii suldaan daakir.
Waxaa ka dhacay magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco shir aad loo soo agaasimey isla

markaana ay ka soo qeyb galeen wadaado ka soo jeeda beelaha gabooye kana kala imid Dalalka Ethopia iyo Somaliland

Ujeeda uugu weyn ee shirkan ayaa waxaa uu ahaa mid ku saleysan sidii xidhiidh joogto ahi uga dhaxeyn lahaa culimada beelaha gabooye meel kasta oo ay dunida ka joogaan isla markaana loo heli lahaa midho muuqda oo xambaarsan diinta Alle iyo Sunada Rasuulka anfacana guud ahaan umada islaamka gaar ahaan beelaha gabooye. 

Haddaba waxaa uugu horeyntiiba ka hadley shirkan Suldaan daakir xassan khaliif oo kamid ah sallaadiinta beelaha gabooye waxaanu ugu horentiiba suldaanku u ►


Suldaan Daakir & culuma'udiinkii  Beesha►

mahad celiyey dhamaan dhalinyaradii wadaada ahaa iyo cidii iyadu agaasimka shirkan qiimaha badan laheyd waxaanu suldaanku ku amaaney dadaalkooda dhinaca walba leh iyo hankooda sareeya waxaanu warbixin aad u dheer isla markana dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyey madasha shirka isagoo suldaanku ku booriyey in laba bilood kadib la qabto shir kan ka ballaadhan laguna qabto isla magaalada burco lagana soo qeybgaliyo culimada ku►

 kala sugan Puntland, Ethopia, Jabouti, iyo sidoo kale gobolada somaliland oo dhan►

Sudlaanka ayaa waxaa uu hadalkiisa ku soo koobey duco waxaanu ku booriyey qurba joogta beelaha gabooye iney is barbartaagaan halgankan socdo isla markaana wax badan la qabtaa cidii u socota qadiyada beelaha gabooye khaasatanna culimada

Hadalka suldaanka kadib ayaa waxaa iyaguna ka hadley madasha max,ed mouse nour Abu Sufyaan iyo najax xussein xariir waxaaney tilmaameen ahmiyada uu leeyahay shirkani iyagoo talooyin badanna u soo jeediyey culimadii ka soo qeyb gashay shirka ►

Wadaadadii beesha gabooye►

waxaaney kula dardaarmeen naftooda iyo tan dadka kale iney diinta Alle sidaaade loogu dhaqmo laguna dadaalo barashada culuumta teeda diiniga ah iyo teeda maadiga ahba.►

Shiekh Shaacifi oo kamid ahaa culimada ka socotay dalka Ethopia ayaa waxaa uu isna dhiniciisa ka war bixiyey sida ay tahay xaalada dadka gabooye ee dagan Ethopia isagoo tilmaamey sheikh shaafici waxaa kaliya ee dadku guud ahaan u baahan yihiin gaar ahaan beelaha gabooye tahay barashada iyo ku dhaqanka diinta Alle iyadoo manfaca. Muuqaalka,miisaanka, martabada, iyo mudnaantuba ku jiraan Diinta Alle waxaanu shaafici ka hadley doorka diinta islaamka iyo dadka beelaha gabooye ugu danbeyntiina waxaa uu shiekhu ku khulaaseeyey kalaamkiisa rajo wacan oo u muuqata beelaha gabooye meel kasta oo ay dunida ka joogaan. ►

Ugu danbeyntii iyadoo shirkani socday laba maalmood ayaa waxaa la isla qaatay qodobodan:►

  1. in shirkan mid ka ballaadhan dhaco laba bilood kadib oo ku beegan ciida carafo insha Allaah►

  2. in la helo xidhiidh buuxa oo ka dhexeeya culimada beelaha gabooye meel kasta oo ay dunida ka joogto,
     

  3. in la sameeyo maamul ay yeeshaan culimadu
     ►

  4. in uu dhaco shirkan oo kale sanadiiba mar
     ►

  5. in xidhiidh lala yeesho qurba joogta beelaha gabooye
     ►

  6. in la sameeyo mahado waaweyn oo diinta iyo cilmiga maadiga ahba lagu barro barbaarta beelaha gabooye
     

  7. in xooga la saaro sidii shirkan noocyadiisoo kalle uuga dhici lahaayeen dalka dibadiisa
     ►

  8. in culimada somaliyeed loo soo bandhigo sidii ay uuga hadli lahaayeen takoorka iyo cunsuriyada aan ku saleysneyn diinta iyo dadnimada
     

  9. in la qabto doodo waaweyn oo lagagag hadlo arimaha takoorka ee ku habsadey beelaha gabooye
     

  10. in sanadan gudaheeda kulamo kala duwan oo khuseeya takoorka lala yeesho ardeyda jaamacadaha Somaliland, Puntland, Ethiopia, Jabouti,

 Dhageyso Codkii suldaan daakir.     waxuu kayiri.

Hargeisa Dulmane Ofiice:►

Barkhad jama hirsi ►

Midgaanyare@hotmail.com

Daabaco Boggan ► | Print►

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com