HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Boqorka Beelaha Gabooye oo xukumada somaliland ku Amaaney magacaabista Safiirka NewZealand

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 


Boqor: Ahmed Ugaas Warsame Iiman

  Boqor: Ahmed Ugaas Warsame Iiman oo ah boqorka guud ee beelaha gabooye ayaa waraysi shalay uu siiyey shabakada wararka ee dulmane online ku amaaney xukumada daahir riyaale kaahin tallaabadii siyaasiga aheyd ee ay u muujisay beelaha gabooye taas oo aheyd kadib markii dhawaan madaxweyne daahir riyaale kaahin u magacaabey mudane: cabdi xassan faarax buuni oo ka soo jeeda beelaha gabooye inuu noqdo safiirka somaliland u fadhiya  dalka newZealand. 

Haddaba boqorka oo u waramayey wakiilka dulmane ee somaliland ayaa waxaa uu ku billaabey hadalkiisa sidan:

Marka hore waxaan amaan mudan shabakada wararka ee dulmane iyadoo u gaar ah arimaha beelaha gabooye si dhexdhexaad ahna uugu adeegta danta umada,  Marka xigtana waxaan maanta xog wareysigan idiin siinayaa inaan tusno bulsho weynta caalamka taageerada aanu u hayno safiirka dalka newZealand mudane: cabdi xassan faarax kaas oo ah shaqsiyad duntiisu fiican tahay qabteyna intii dalka uu joogay wax badan oo kuwii hore aaney umada u qaban waxaa sidoo kale amaan mudan xukumada somaliland ee madaxda u yahay Madaxweyne Daahir riyaale kaahin taas oo ah xukumadii kowaad ee u suuro galisa beelaha gabooye iney ka dhexmuuqdaan mashraxa siyaasada iyadoo horey u siisey wasiir ku xigeen haddana uugu dartay safiir taa micnaheedu maaha  iney beesha gabooye haysato dhamaan xuquuqdii ay ku laheyd dalka laakiini tallabada kowaad ayaa tallabada labaad iyo ta sadexaadba kugu rida waxaanan ku rajo weynahay in mustaqbalka dhow wax badan u qabsoomi doonaan beelaha gabooye

Dhinaca kale waxaan kula talinayaa dhamaan umada ama beelaha gabooye iney iska daayaan fadeexadaha ay saxaafada isku marinayaa dantoodana gartaan una tafaxaytaan sidii ay uuga shaqeyn lahaayeen beylahada ama buuxinta dulduleelada ay beeshu leedahay waxaana illaahay ka baryayaa inuu bogeena burcad isku mariyo

Intaasna waxaanu akhristayaal ku soo koobeynaa waraysigii gaabnaa ee boqor ahmed ugaas warsame siiyey shabakada wararka ee dulmane

Hargeysa dulmane office:

Barkhad jama hirsi

Midgaan1@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com