|
Burco
(Buraoonline)
17.08.09
Madax dhaqameedka,
Culimo-awdiinka
iyo waxgaradka
beesha gabooye ayaa
sakaa shir jaraa’id
oo balaadhan ku
qabtay hotel
Barwaaqo ee magaalad
Burco
Shirkaasi jaraa’id
oo ay madaxda
beeshaasi kaga
hadlaayeen arimo
badan oo beesha iyo
guud ahaan danta
dalkaba khuseeya ay
ku soo qaadeen ayaa
waxaa ugu
muhiimsanaa
qodobadii shirkaasi
lagu gorfaynaayey
-
in beesha
gabooye
taageersantahay
go’aankii golaha
wakiilada
Somaliland ee ay
kaga soo
horjeedeen
laalida
diiwaangalinta
-
in beelaha
gabooye aanay
matalin dad isku
sheegay madaxda
beelaha gabooye
oo dhawaan
hargaysa shirk u
qabsaday
-
in beeshu
taageersantahay
xisbiga KULMIYE
taageeradeediina
kala noqotay
xisbiga UDUB
markii uu ku
fashilmay in uu
fuliyo
ballanqaadyadii
ay beesha
gabooye hore ugu
sameeyeen
Suldaanka beelaha
gabooye suldaan
Daakir Xasan Khaliif
oo shirka jaraa’id
isgu ugu horayn
kahadlay ayaa waxa
uu siweyn ugu
dhaliilay xukuumada
iyo madaxda xisbiga
talada ahay ee UDUB
inay iyagu kow
kayihiin cida
hortaagan xuquuqda
aasaasiga ah ee
beelaha gabooye
waxaanu tilmaamay in
beesha gabooye ay
dhamaan kamaqantahay
hay’adaha dawlada
golayaasha qaranka,
garsoorka dawladaha
hoose iyo dhamaan
meelaha ay kala
simanyihiin beelaha
kale ee Somaliland
taasina ay sababtay
dayacaada ay
dawlada
UDUB hogaamisaa
dayacday beeshan
itaalka daran ee aan
iyadu gaar
ahaanteeda isu
abaabulikarin
madaamo oo ay beeshu
xag dhaqaale iyo xag
awoodeedba ka
danbayso beelaha
kale ee Somaliland
waxaanu hadaladii
suldaanka kamid ahaa
“ manta halkan waxaa
fadhiya waxgaradkii
cuqaashii
aqoonyahankii,
culimo awdiinkii,
salaadiintii iyo
dhamaan ciddi
go’aanka beesha
gabooye uu ka
go’aayey waxaanuna
bulshada Somaliland
u soo bandhigaynaa
in beeshu ay
aayeheedii ka
tashatay oo cida ay
iyadu danteeda ay
kujirto la
jiridoonto, beesha
gabooye waxay isku
raacsantahay in ay
taageeradeeda
lagarabtaagnaandoonto
xisbiga KULMIYE,
waayo UDUB 7 sano ka
hor ayaanu
taageeradaya siinay
waanay ku
fashilantay inay
beesha gabooye wax u
qabato iskadaa wax
ay uqabato ee
iyagiibay
xuquuqdoodii laashay
oo ay iska hor
istaagtay “
suldaan Daakir waxa
uu goobtaasi ka
sheegay in dawlada
daahir riyaale
hogaamiyaa ay iska
hor istaagtay go’aan
golaha wakiiladau
baasgareeyeen oo ku
saabsanaa in beelaha
lahaybsooco Kooto
cayiman laga siiyo
golayaasha iyo
hay’adaha dawlada ‘
dawlada daahir
riyaale waxay
cunaqabatayn ku
samaysay xuquuqdii
beelaha lahayb sooco
ee ay baarlamaanku
kootada cayiman ka
siiyeen golayaasha
qaranka iyo ha’adaha
dawlada waanay is
hortaagtay dawlada
xeerkaasi”
suldaan daakir waxa
uu beesha gabooye
ugu baaqay inay
taageeradooda
doorkan lagarab
istaagaan xisbiga
KULMIYE waxaanu ku
adkeeyey inaan la
iibsan codkooda ee
ay qadiyad ku
codeeyaan “ gabooyaha
waxaa leeyahay UDUB
IYO KULMIYE masina
oo UDUB way ku
fashilantay
taageeradii hore
aynu u siinayna
waynu kala noqonay
oo hadda kulmiye
aynu tijaabino ayaan
idin leeyahay,
Gabooyaha waxay UDUB
ka dhigatay Hangool
oo hangoolka marka
reerku guuro ee guri
yagleelaayo ayaa la
xasuustaa oo la
baadh-baadha inta
reerku deganyahna
dalawbaa laga tuuraa
oo cidina ma
xasuusato markaa
UDUB gabooyaha waxay
xasuusataa marka
doorashadu soo
dhawaato.
waxaa isna halkaasi
kahadlay afhayeenka
beelaha gabooyaha ee
gobolka togdheer Md,
kayse saleebaan
maxamed waxaanu
sheegay in beelaha
gabooye ay isla
qaateen in ay
taageeradooda isla
garab istaagaan
xisbiga kulmiye
waxaau yidhi “ UDUB
ayaanu ahayn oo
waxaanu islahayn
maadama aad dad
itaalyar oo la
haybsooco tihiin
muxaafidka haka
fogaanina nasiib
daro waxaa na
lahadhay xisbigii
aanu taageeray ee
udub oo isagii nagu
noqday abris aaduna”
Md faysala
afhayeenka beelaha
gabooye ee burco
waxa uu dawlada ku
eedeeyey inay rag
kalaysay oo aanay
gar iyo garawshiyo
midnaba ka bixinin “
waad ogaydeen in
inamadeenii cadcadaa
rasaas lagu laayey
oo ay dawladii
laysayna aan waxba
inooga qabanin gar
iyo garawshiiyo
toona waxay
yidhaahdeen way
cabsanaayeen “
Sida ka muuqatay
shucuurta ka soo
qaybgalayaasha
shirkan jaraa’id
ayaa waxay ka
muuqatay qiiro iyo
dad aad ugu qanacsan
ku soo biiristooda
xisbiga kulmiye
waxayna ku
dhawaaqaayeen halku
dhigyo lidi ku ah
xisbbiga talada haya
oo ay ku
dhaliilaayeen inuu
waxba u qaban waayey
beelweynta gabooye
oo ah beel aad uga
danbaysa beelaha
kale ee bulshada
Somaliland
Reported by: c/fataax
siciid jaamac {c/fataax
shalu-maray }
BURCO, SOMALILAND
E-mail:cfataaxilkacase@hotmail.com |