HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Warbixiin Ay Bilkasta Ururka"VOSOMWO"Ka Soo Saaraan Heerka Takoorka Iyo Tacadiyada Xuquuqda Dadka La Hey-sooco Somalilnd
 

Text Box: Khadra Yusuf Cige
 
 
 
 
 
 
 


Nimco Iid Salaan Guddoomiyaha
Ururka  VOSOMWO

  Ururka codka haweenka beelaha la hayb sooco eeVOSOMWO oo la asaasay 2004, waa Urur horumarineed wadani ah,  sharciyaysan oo ay asaaseen hablo muwaadiniin ah oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco, kuwaas oo iskood isu abaabulay una kacay si ay ugu adeegaan hurumarinta iyo xuquuqda dadka laga tirada badan yahay. Ururku mudada dheer ee uu jiray adeegyo horumarineed oo badan ayuu hore ugu fidiyay bulshada uu u adeego runtiina  guulo wax ku ool ah ayuu ka gaadhay dadaalkiisa, waxaana uu khibrad iyo waayo aragnimo dheer u leeyahay kuna sameeyay daraasado cilmi ah dibaatada takoorka, tacadiga xuquuqal insaanka, waayaha iyo duruufaha qallafsan ee ku xeeran nolosha dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco (Gabooyaha, Yibraha iyo tumaalaha ) ee ku nool dalka Somaliland

 

Si loo ogaado heerka takoorka iyo tacadiyada xuquuqda ee haysta dadka la hayb sooco ee ku nool dalka, gaar ahaan gobolka Awdal, waxaa muddo laba bilood ah June –July 2009 daqaasad cilmi baadhis ah iyo xog ururin si toos ah loo waraysanaayay dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco. Ururka VOSOMWO oo taageero maaliyadeed ka helay hayadda caalmaiga ah ee NED uu ku sameeyay Goboka Awdal iyo deegaamada hoos yimaadda degmooyinka Borama, Dilla, Baki, Saylac. Daraasada oo lagu ogaaday heerka is-dhexgalka bulshada, horumarka  dhaqaalaha, siyaasadda iyo noocyada takoorka ama tacadiga dhinaca xuquuqda ah ee ay ku sugan yihiin dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee gabolka Awdal , waxa ay ku salaysan tahay xog ururin si cilmi ah looga soo ururiyay degmooyinka iyo deegaanada hoos yimaadda maamulka gobolka Awdal ee Kala ah Borama, Dilla, Baki, Saylac iyo tuulooyinka hoos yimaadda, iyadoo la waraystay dhalinyaro, dad waayeel ah, haween iyo qaybo kala duwan oo bulshada dadka la hayb sooco ee ku nool degmooyinka gobolka Awdal.

 

Warbixinta daraasadda ka soo baxaday oo lagu soo bandhigay  shir balaadhan oo lagu qabtay 27’kii July /009 Borama caasimaada gobolka Awadal Haddii aan soo koobo waxa ay si cad u muujisay natiijo naxdin leh taasi oo ku tusaysa sida takoorka iyo xaqiraadda lagu hayo bulshadaasi ay raadka xun ugu yeelatay ee ay sii adkaysay heerka nolosha, dhaqaale ama  dakhliga,  shaqada, wax barashada  iyo sida aanay uga qaybgelin dhamaan dhinac kasta oo horumarka bulsahada ka mid ah.  Warbxintu waxa ay muujisay sida ay dadka la hayb sooco ee Gobolka Awdal kunooli aanay ugu jirin, uga fog yihiin ama aanay uga faaiidaysan karin si la mid ah sida dadka kale dhamaan adeegyada guud ee dawladda iyo huromarinta bulshada dhinac walba. Waxawarbixinta ku cad  in  aanay jirin shaqaale xubno ka soo jeeda qabaailka la hayb sooco oo ka mid ah shaqaalaha dawledda, cidaamada booliska iyo millitariga, maxkamadaha iyadoo aanay jirin cid ka mid ah masuuliyiinta gobolka heernaba oo ka soo jeedda beelaha la hayb sooco sida darteed  aany wax kalsooni ah aany ku qabin adeegayada cadaaladda  iyo sharci  furinta ee gobolka maadaama aanay ku jirin dad ka soo jeeda iyaga beelahooda.  Sidoo kale , heerka waxbarashada caruurta oo aad u hooseeya, ama caruurta shaqaysa oo badan, dhakhliga qoysaska beelaha la hayb sooco ee gobolka Awdal oo celcelis ahaan ka yar Hal US Dollar maalintii, takoorka iyo cadaadiska bulshada tirada badan kaga imanayaa waxaa uu sababay takoor dhinaca shaqada, waxbarashada, ka qaybgalka talada iyo hogaanka bulshada heererkeeda kala duwan oo ay si joogto ah ula nool yihiin dadka ka soo jeeda beelaha la hayb sooco ee gobolka Awdal. 

Hadaba iyadoo laga duulaayo diinteenna wanaagsan ee islaamka ahi sida ay ina farayso ee xuquuuqda iyo sinaanta dadka muslimka ah, Sidoo kale distoorka qaranka iyo xeerarka kale ee dalka ee la jaan qaadaya Xeerarka caalamaiga ah iyo kuwa gololeed ee xuquuqda aadamaha iyo dimoqraadiyadda. Mabaadi’da xuquuq loo wada siman yahay ee dimoqraadiga ahi, waxa weeye in baahiyaha qof kasta ay nuhiimad isku mid ah leeyihiin. Dadyawga ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay ama la hayb sooco ee dalka ku nooli (Gabooyaha, yibraha, tumaalaha) waxay xaq u leeyihiin sinaan xagga xuquuqda iyo fursadaha horumarka nolosha sida shaqada iyo xilalka dawaladda  in ay helaan si la mid muwaadiniinta kale  Ururka VOSOMWO waxa uu uga mahadcelinayaa dadweynaha iyo masuuliyiinta gobolka Awdal iyo teamkii shaqada qabanayay dhamaan sida wanaaagsan ee ay u taageereen daraasada iyo wax ka qabashada ay ula diyaarka dhibaatooiyinka takoorka iyo cadaadiska haysta dadka la hayb sooco ee gobolka Awdal

Nimco Iid Salaan
Guddoomiyaha Ururka  VOSOMWO

 >> MAXAA KA HORTAAGAN BEELAHA LA HAYB SOOCO KA QAYBGALKA SIYAASADDA DALKA? 10/01/09

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com