HOME | ABOUT US | SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 Safiirka Newzealand oo agab waxbarasho gudoonsiiyey  Madaariska quba


Safiirka dalka newzealand u fadhiya somaliland  

 


 


Maamulka madaarisku ka gudoomeen safiirka kuraas

Maamulka madaarisku ka gudoomeen safiirka kuraas

Mudane: Cabdi Xassan Faarax buuni  oo ah safiirka dalka newzealand u fadhiya somaliland ayaa waxaa uu qalab waxbarasho gudoonsiiyey maamulka madaariska quba ee magaalada hargeysa

Xaflad aad u ballaadhan oo loo soo agaasimay si heer qaran ah islamarkaasna ku beegneyd sanad dugsiyeedkii madaariska ayaa waxaa lagu qabtay barxada weyn ee madaariska iyadoo ay ka soo qeybgaleen saraakiil ka socota xukumada somaliland culimo, aqoon yahano, Sallaadiin.

Waxaa uugu horeyntiiba ka hadley madasha maamulaha madaariskaas mudan: najax xussein xariir isagoo ka waramay sooyaalkaa taariikheed ee madaariskaas mahad aad u ballaadhanah u soo jeediyey dhamaan cida gacan dhaqaale iyo mid aqooneedba ka gaysata madaariska isagoo si gaar ah u amaaney safiirka

Waxaa kaloo halkaas ka hadley suldaan iid c/laahi xirsi oo isna ku booriyey dhamaan ardeyda waalidiinta iyo maamulka madaariska iney gacanta is qabsadaan kana wada tashadaan aayaha aqoonta.

Ambassador: Cabdi xassan faarax buuni ayaa mar makrafoonka lagu soo dhaweeyey ka hadley dareenkiisa iyo sida ay u cajab galisay waxqabadka ay muujiyeen dhalinyarada wadaada ah ee najax iyo abu sufyaan waxaanu ku aamaney kartidooda iyo sid ay uugu go,an tahay wax qabadka umadooda

Waxaanu safiirku balan qaaday inuu hiil iyo hooba lagarab joogsan doono madaariska

Madaariska quba ayaa waxaa uu yahay mid ay culuumta diiniga ah iyo ta maadiga ahba ka bartaan ardey tiradoodu gaadheyso 1000 kun ardey oo ka soo jeeda beelaha gabooye.

Waxaa bartaas ka hadley waalidiin iyo qaar kamid ah ardeyda oo soo bandhigay tayadooda waxbarasho iyo sid ay wax uugu bartaan madaariska.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas abaal marino lagu gudoonsiiyey ardeydii kaalmaha kowaad ka gashay imtaxaanaadkii sanad dugsiyeedka.

Waxaana maamulka madaarisku ka gudoomeen safiirka kuraas tiradoodu dhan tahay 24 kuris oo qiimo ahaana ku kacay $ 800 dollar.

Waxaana shahaado sharaf maamulka madaarisku siiyeen safiirka.

Hargeisa dulmane ofiice:

Barkhad jama hirsi

Email: midgaan1@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com