HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Hambalyo Haweenka Somaaliyeed Munaasabada 08-Maars.

Mar  06, 06 dulmane Online


   Haweenka Somaaliyeed ayaa Mudan Xurmo weyn. Qadarin iyo Xaq-dhoow weyn, Waana Hooyo,Ayeeyo, Habar Yar, Eedo, Walaal, Dumaashii, Sodooh Iyo Nuurka Indha (Ilmahaaga) Mujtamacana  waxeey kaga jiraan qeybta ugu muhiimsan oo ah Tiirka Kowaad ee Jiritaanka Qoyska,Soo Barbaarinta iyo Ababinta Ubadka Waana Kuwii u Ku Tilmaameey  Rasuulkeedii Suubanaa (Naxariis Iyo Nabadgelyo Korkiisa ha ahaatee)
In Janadu Ku Jirto Cagaha Hooyadda Hoos-teeda, Waana kuwa Fadliga ugu Weyn Inaga Mudan, Waana Noloosheena Barkeed ama inteeda badan.
 
 
     Haweenka Somaaliyeedayaa door weyn oo kartdi,dalaal iyo Masuuliyad leh qabtay
Mudada burburka,waana kuwo aan halkan lagu soo koobi kareen balse tusaale ahaan,
Daryeelka Qoyska iyo Adkeeynta Tiirarka Jiritaanka Qoyska Somaaliyeed, Abuuridda Howlo Ganacsi oo Qiimahooda leh, Isu Taagida Danaha Guud ee Bulshadda Gaar ahaan-Taakuleynta Dhinaca Caafimaadka,Waxbarashada iyo Caawinta Xarumaha Agoomaha,Kaalmeeynta Haweenka Garoobka ah oo Ubadka Heysta,Ka Fogaanshaha Xaaladaha Colaad Abuurida iyo Qubidda Dhiiga Dadka Somaaliyeed ee Walaalaha ah, Gurmadka Joogtada Xaaladaha Abaaraha Iyo Duruufaha Soo Kordha iyo Doorkooda Barbaarineed, Haweenka ayaa si weyn u daboolay Kaalintii eey Badeeyeen Aqlabiyadeed Rageed Dhibaatadda iyo Khasaaraha Dalka Hooyo Saameeyeey Aabe u noqday,si weyna u dayacay ama Iska Illaaweey Masuuliyadeed Qoyska ka Saarneyd iyo Xilkoodba,Inkastoo eey Jiran Khaldo Haweenka leeyihiin Weliba Kuwa Qurbaha Joogaa(Hadana waa Bashar oo Khalad Waa Ka Dhici Karaa,Raguna waa La Qabaa Khaladkaas Qurbaha).
 
      Haweenka somaaliyeed oo xilkasnimadaas la yimi kuna guuleeystay in eey intii kartidood ah daboolaan khalalka iyo faraaqa weyn ee hab socodkii howlaha ku yimi, kuna muteeystay Amaa,bogaadiin iyo abaal marinba ayaa hadana la kulmay Dhibaatooyin fara badan,tacadiyo xad dhaaf ah oo culeeyskooda leh iyo dulmin lagu hayo, xaquuq duudsin iyo xaalado xun xun sida-Fara Xumeeynta,Jir Dilka,Dilka Naf ka Qaadista ah iyo Naafeeyntaba, waana falal dambiyeed ka soo hor-jeeda Habka Shareecadda Islaamka, Nidaamka Ciraaqta Dambiyadda iyo Habka Dhaqanka Ummadda Somaaliyeed ee Wanaagsan,Damiir Bani-aadamka iyo Dareenka Fiican ee Dadnimada ayaa diidaaya Waxyaabahaas foosha xun ee Haweenka Somaliyeed lagu Hayo Iyadoo Welina lagu Dhaqmaayo Habkii Xaaranta ahaa ee Gudniinka Fircoowniga ah ee Gabdhaha Somaaliyeed lagu Dhaltaalaayeey Jirkooda Qaaliga ah iyo arrimo kalle oo dhibkooda leh.  
 
   Hadaba-Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 08/03 Waxaan Halkan kugu soo gudbinaayaa Haweenka Somaaliyeed ee Xurmada Iyo Sharafta Mudan Gudaha iyo Debedaba ha Joogeen Hambalyo Diiran iyo Amaan Qaali ah Munaasabaadaas Awgeed Waxaana Alle ugu Rajeeynaayaa inaay Kheeyr Barwaaqo,Camal Suuban iyo ku Dhaqmida Shareecada Islaamka ku Taagnaadaan Daryeelka Qoyska iyo u adeegidda Danaha Guud ku Sii Dadaalan,Xurmadooda iyo Sharaftooda Qaaliga ah ee Alle Hibada u Siiyeeyna Illaashadaan, Waxaan Halkan Ku Xusaayaa Shakhiyaad Doorkoodu si fiican u Muuqday oo Aamaan Gaar ah Mudan:-
 
-Maamulka Shebekadda 4Somaaliwomen.
-Daladda Ururadda Haweenka Gobolka Banaadir.
-Drs-Casha Cumar Geesdiir.
-Drs-Batuulo Isaaq.
-Shukri Shiikh Cabdi(Shukri S/Weyn).
-Ikraam Cali Kaar.
-Zahra Cabdi Xirsi(Umu Bakar)
-Xaali Xassan Maxamed(Xaalkoos).
-Fanaanada Weyn-Maryan Mursal Ciise.
-Xildhibaan Drs-Caasha Xaaji Cilmi.
-Xildhibaan Drs-Caasha Axmed Cabdalla.
-Daladda Haweenka Horseedka Nabada iyo Noloosha.
-Madiina Janaraal.
-Caasha Caashuur.
-Aamina Maxamuud.
-Caasha Jeelle.
-Ururka Haweenka Abyan.
-Waris Diiriye.
-Miski Cabdi.
-Daladda Haweenka Gobolka Sh/Dhexe.
-Ururka Haweenka Somaaliyeed Dalka Talyaaniga.
-Haweenka Jaaliyadda Somaaliyeed Magaaladda Qaahira.
-Haweenka Jaaliyadda Somaaliyeed Canadda.
-Haweenka Jaaliyadda Somaaliyeed Norway.
-Xildhibaan Drs-Xaawo C/Laahi Qayaad.
-Xildhibaan-Drs-Deeqa Culu-Joog.
-Xildhibaan Drs-Maryan Cariif Qaasim.
-Daladda Ururda Haweenka Jubadda Hoose.
-Daladda Ururadda Haweenka Bay Iyo Bakool.
-Dhammaan Haweenka Somaaliyeed Dadaalka iyo Karidda Muujiyeey.
 
 
-Hambalyo-Hambalyo.
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England-08/03/02006-
-sharifhassan50@yahoo.com.
 
 
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com