Abwaan
Ustaad-Axmed Naaji Sacad Hees Wadaniyad oo Qiimo weyn
leh oo uu Curiyeey Sanadihii Dagaalka Iyo Colaada xumi
ka teegneyd Dalka Hooyo, Dhiiga Muwaadiniinta sida xun
loo qubaayeey, Dalkuna Burbur iyo Burburka Sii
Quusaayeey, Xaalad jaha-wareer iyo qas iyo amaan
xumona si weyn u Baahdey, iyaduu tusaaleen iyo tilmaan
cad u jeediyeey Dadka.
Xaqiiqada Ereyadda iyo Nuxurka eey xambaarsan-tahay
Heesto ayaa ah Kuwo mudnaan weyn leh, qiiro
Wadaniyadeed iyo Dareen Qarameed cad ayeey ku
Saleeysan tahay, qushuuc iyo ka gilgilasho waxyaabaha
Dalka iyo Dadkana ku habsaday, iyo sida is-bedelka
weyn ugu dhacay, xumaantana Loogu milmay,
Sifooyinkii Ummadeed oo Wanaagsanaana la tuuray oo
laga Doortay Biday Belaayo Abuurid iyo Xumaan u
Feeydasho,Waana mid looga Baahan yahay Qof kasto oo
Habka curinta Aqoon u leh ka hadalka xaaladaha
Qalafsan oo Dalka ka taagan, waana jiraan dhoowr
dadaaleey, laakiin ma Gaarsiina Heerkii looga
Baahnaa,Dhaliilahoodna weey leeyihiin Bahda Fanka Iyo
Sugaanta Somaaliyeed.
Su,aasha ayaa ah Somaaliyeey Dalkaagii Mee? Maxaa
Dadkii Helay?
Maxaa
Dhaqnkii Wanaagsanaa Bedelay? Maxaa Qiiradii
Wadaniyadeed
Helay
oo Dhaawacay? Maxaa Qaramidadii Dumiyeey? Maxaa
Waxyaabaha Laga Xishoodo Wanaag Ka Dhigay? Maxaa
Doorkii Dadka Wanaagsan Helay? Maxaa Culimaa,udiinkii
Helay? Maxaa Hogaan Dhaqameedkii Wadadii iyo Habkii
Fiicnaa ka Leexiyeey? Maxaa Aqoonyahankii Qabyaalada
iyo Qaska Foosha Xun Cagaha u Geliyeey?Maxaa
Somaalinimadii Suuliyeey?Maxaa Belaayada iyo
Dhibaatada Dadkii Jecleeysiyeey?Maxaa Taageerada iyo
Gacn Siinta, u Hiilinta iyo La Duubtaanta
Qabqablayaasha inagu Qasbay? Maxaa Duli u Hiiliinta
iyo Xaqdaro Taageerida ina Baday?Maxaa Filciladda
Foosha Xun looga Aamuusan Yahay?Maxaa Fara-Xumeeynta
Haweenka iyo Tacadiyada Xad-dhaafka ah Keenay? Maxaa
Gumeeysiga Itoobiya Danaha
Somaaliyeed ku Lamaaniyeey? Maxaa Hogaanka Dalka
Gacanta u Geliyeey Dambiilayaal? Maxaa Loo Xalin
La,yahay Dhibaatada Somaaliya?Yaa Hor- Taagan? Yaa
Diidan Nabadgelyadda/ Yaa Dhibaatadda Wadda? Yaa Gefka
Doonaaya? Yaa Wanaaga Diidan?Yaa Axmaaro Raacsan? Yaa
Gumeeysiga La Duuban? Yaa Garab Iyo Gashaanba u ah?
Yaa Zanaawe Iyo Quran Amxaaro Saaxiib ka Yeeshay? Yaa
DALKIISA iyo DALKIISA Cadow u Diibay? Yaa Duleeysan?
Yaa Doofaarta Dalkeena Keeni? Yaa Kursi Awgii Dalkoo
Dhan Iibin? Yaa Dareenkii,Damiir Wanaagii Duhar Ka
Suulay? Duhur ka Suulay, Ka Suulay, Ka Suulay?
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 28/01/2006.