Waxaa
Si Lama Filaan ah isu casileey Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka
Sool Mudane -MXAMED
SALEEBAAN BOOTAAN(gAADHA-HAYE) oo mudo kooban xilka hayeey,
waana iska cadaan sababta keentey is-casilaada hab maamul
Xumadda iyo qaska Siyaasadeed ee Gobolka ka jirra iyo
fara-gelinta madaxda Sarre ee P/Land. Gaadh-haye waa
Muwaadiin Xalaal ah, Ehel diin ah, Dadnimo Wanaag leh oo aan
qaadan kareen Dhibaatooyinka iyo Tacadiyadda lagau dadweynaha
iyo Dayaca meesha yaala iyo wax qabad la,aan Maamulka
Gobolka,waana Dareen laga heli karro qofka damiirka nool
leh oo garanaaya micnaha iyo Ahamiyadda Masuuliyadda iyo in
Xilku yahay mid loo hayo Bulshada Xisaabi
Jireeyso,
Talaabaddan ayaa ku cusub gobolka Sool iyo guud ahaanba P/Land
oo aan horre loo arag Masuul is-casila,laakiin la arki jirey
kuwo Xilka laga Qaado lagama Xayoobiyo,Gobolka waxaa
Saameeyeey Nabadgelyo Xumo iyo Wax Qabad La,aan Weyn.
Anigoo
Qalinkeeyga si joogto ah ugu Dhiiri-geliya Ummada Somaaliyeed
Kuna Tusaaleeya Habka Wanaagsan,Wadaniyadda iyo Qiimaha
Masuuliyada Dhabta iyo Hanaan Xil Gudashada iyo
Daacadnimada,Midnimada Saxa ah iyo Garashada Ahamiyada Xilku
Leeyahay iyo u adeegida Dadweynaha Waxaan Halkan Hambalyo Weyn
iyo Amaan iyo Bogaadiin uga Soo Jeedinaayaa
Mudane-Max,d
Saleebaan Bootaan(Gaadha-haye) oo Xilkii Iska Casileey oo Horre
u ahaan jireey Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Sool, Xaqii iyo
Habkii Wanaagsanaa,Suubanaa ayaad Garay ee Guuleeyso Mudane.
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 17/02/2006-