R

  HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

SUGAANYAQAAN EL-SHAACIR-JAAMAC KADIYE CILMI.

Sugaanta Somaaliyeed ayaa ah mid hodon ah oo qiimo weyn iyo ahamiyad u leh Bulshada Somaaliyeed,waana soo jireen Taariikhi ah kuna saleeysan hab dhaqanka iyo hidaha Ummadeed, taxane kaalin weyn ka soo ciyaaray qaab noleedka iyo habkii Halgan ee Qoomiyadda Somaaliyeed soo martay, Gabeyga ayaa ah midka kaalinta Kowaad ka gala sugaanta Somaaliyeed waxaana xusid mudan Shaaciradii Caanka ahaa Tusaalle ahaan:-

  -Sayid Maxamed Cbadulle Xassan.
2-Xaaji Aden Af-Qalooc.
3-C/Laahi Suldaan Tima Cadde.
4-Cusmaan Yuusuf Kenadiid.
5-Qamaam Bulxan.
6-Cali Aadan(Cali Dhuux).
7-Salaan Carabeey.
8-Ismaciil Mirre.
9-Cabdullahi Dhoodaan.
10-Max,d Ibrahiim Warsamme(Hadraawi).
11-Khaliif Sheekh Maxamuud.
12-Aden Carab iyo Shakhasiyaad kalle oo faraha badan oo Magac weyn ku
Yeeshay Sugaanta Somaaliyeedba guud ahaan.
 

     Qormadann kooban ayaa ku Saabsan Sugaanyaqan weyn,Shaacir Wadani ah,xeel Dheere aftahan ah oo heli og habka curinta gabeyga iyo hanaanka naaxiyadiisaba ku Haboon iyo ku luuqeynta Saxa ah,El-Shaacir Jaamac Kediye Cilmi waa Qof Caadi ah Miyiga iyo Magaalada u dhexeeya ku soo barbaaray degaamo ku caan ah Degaan wanaaga iyo Xoolo dhaqashada, eeyna soo baxeen Shaacirada ugu caansan Dhanka Gabeyga Somaaliyeed, Shaacirkan ayaa curiyeey Maasooyin aad iyo aad u Fara badan oo qiimahooda  leh, xikmad weyna ku fadhiya kana turjumaaya xaaladaha Jirra iyo Saameeyntooda,hab dhaqmeedka, hidaha,Tusaalooyin iyo tilmaamo wacdi iyo Waamo ahba,Waxaana Gabayadiisa ka mid ah:- 

-Wacdi, Ergo, Mulki Xoogan, Xaajo, Ciida, Aftahan, Caqli Celin, Gantaal, Xog, Roob, Sandareer, Belaayo, Qawlka, Saadaal, Camiran. Waqdari, Naf, Sabaan, Boocame, Madhaafaan, Darajo, Inshaaro, Masawad iyo kuwo kalleba, Waana Maansooyin Xikmad iyo Aftahanimo weyni ku jirto,Xiiso weyn leh.   

     Sugaanyaqaan El-Shaacir Jaamac Kediye oo lagu tilmaami karro Mid ka mid ah Gabayaaga waaweyn ee Dalka Somaaliya ee xiligan ama Shaacir ka mid ah Xulka Sugaanyaqaanadda Carsigan, hab luuqdiisa ayaa ku soo xusuusineysa Luuqdii Caanka aheyd ee Sugaanyaqankii weynaa Al-Marxuum-X aaji Daahir Af-Qarshe ee Gabayaddii Darwiishkii, runtii anigoo si weyn u xiiseeya guud ahaanba Sugaanta Somaaliyeed iyo mida Carbeedba waxaan oran karaa Shaacir Kediye Maansadiisu Waxeey tahay mid ka turjumeeysa wadciga iyo guud ahaanba xaaladaha ka jirra

Dalka Hooyo Iyo Dareenka Nool ee Sugaanyaqaanada lagu yaqiinay, Shaacir dhab ah oo Tusaale fiican u noqon karaayaa Macalimiintii waaweynaa ee ka Horre,Waxaa Laga heli karaa Gabayadiisa Shebekadaha- Hoyga Sugaanta Golkhatumo Iyo Doollo, Waxaana ku dhiiri gelin lahaa in uu Xaaladaha Degaankaas sida ku haboon u qeexo una gaarsiiyo Jaaliyadaha Debedaha ku Dhaqan sida Dhulkooda iyo Dadkoodu ugu Baahan yihiin loogana baahan yahay in eey gutaan Waajibaad Saaran.  

 

-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 07/02/2006-

-sharifhassan50@yahoo.com.

 
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com