HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Isbaheeysiyo Dano Gaar Ah Ku Saleeysan Guul Ma Keenaayaan.

Isbaheeysiga Loogu Magacaabay la dagaalanka argagaxisada oo Dagaal oogayaashu uga dhawaaqeen Caasimadda Muqdisho ayaa ujeedada ka dameeysaa tahay mid ku Saleeysan dano gaar ah iyo ujeedooyin qarsoon ama arrimo awood ku loolan dagaal Oogayaasha dhex-yaala,waana waji cusub ama marxalad jaha-wareerineed oo Dadka Gobolka Banaadir ku nool la gelinaayo.

       Isbaheeysigan oo eey ku midoobeey hogaan kooxeedyo hubeeysan oo Ummadaka galay dhibaatooyin iyo tacadiyo fara-badan ahna kuwo lagu tilmaami karro gacan ku dhiiglayaal waaweyn oo mudan Maxkamadeen, hadafka iyo waqtiga lagu aadiyeey Shaaciinta Isbaheeysigan ayaa u baahan in laga faaloodo lana qeexo arrimo muhiim  ah sidda:-

 
1-Awood Siyaasadeed iyo Taageeradii Dadweyne oo Hogaamiyaasha Hubeeysan oo
Si weyn hoos ugu dhacday, una muuqata mid soo af-jarmeeysa.
2-Khilaafkii ama muraankii u dhexeeyeey Hogaanka sarre ee Dowladda Igad/Soma oo
u muuqda mid dhamaanaaya ama Wax Xal lagu Sheegi karaayo ka muuqto,Taasoo
Hogaamiyaasha Qaarkood dhaawaceeysa Gacan ku Heeyntoodii iyo Xiriirkii eey La Lahaayeen Madaxda Qaarkood oo Meesha ka baxaaya.
3-Waqti Dheereeysi ama Cimri Dheereeysiga Hogaamiyaasha iyo Qorshahooda ku
Saleeysan Qaranimo Naceeybka.
4-Faragelin Debedeed iyo Qorshe Qorsoon oo Siyaasayiin Weyn ka Dhameeyso.
5-Fashaliinta Hogaaminta C/Laahi Yuusuf.
6-Xaalad Gilgilad Siyaasadeed oo Wax lagu Goosanaayo(ama Qurxiin Wajigeed).
7-Argagaxiisada la dagaalanka oo ah Albaab Furan dhanka loogu Dhowaan Karro
Reer Galbeedka iyo Hanaan Siyaasadda Gobolka Geeska Afrika(Laakiin Dhibkiisa
Leh).
 

       Waxaan Oran karaa waa Xaalad Xiisad abuurid iyo Waha-wareerin cusub oo  Ummadda la gelinaayo oo looga jeedinaayo danta guud iyo hanashada Dawladnimo Dhab ah oo Daacadnimo iyo Qaranimo ka Shaqeeyso, Heeybada iyo Hanaanka Somaaliyeedna Soo Nooleeysa, Iyadoo Awalba Hogaaminta Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Dhaliilaheeda laheyn iyo Karti Daradiisa, Sidoo Kalle Kooxaha Habka Leh Aragtida ma habka Islaamiga ee Dalka Somaaliya ka Jira ayaa kuwo Siyaasadeed oo ku xiran Dhinacyo leh Hab Dhaqameed Xad-jirnimo iyo Damac Xukuumeed,mana Heeystaan Kalsoonida Ummadda, Mana Jiraan Wax qabad dhab oo la Sheegi karo oo eey Dadweynaha u Qabteen, Diinta Islaanka ee Xaniifka ah ayaa ku Saleeysan Hab Nabadeed, Iskaashi iyo Xuquuq Illaalin,Midnimo Is-Saamaxaad, ka Fogaanshaha Dhammaan Waxyaabaha Xumaanta, Colaada iyo ka Fogeenta Dadka Islaamka ah, Loona Baahan yahay in Diinta ku Dhaqankeedu Tusaale Wanaagsan Noqdo,Balse Waxyaabaha Kooxaha Islaamiga Madaan ayaa Sawir kalle ka Bixinaaya Hogaaminta Kooxa Islaamiga ah oo Cunufka,Siraacyada Dhexdooda iyo Xukuun Raadinta ku  Dhisan, Daneeysiga Gaar ahaaneedna Hogaamiyo, Ummadda Somaaliyeed ayaa ah Qaran Muslin ah, Ehel Wasad ah oo Diintooda u Heeysta Habkeeda Toosan, Waxa Loo Baahan yahayna waa Horumarinta Aqoonta Diineed iyo Baahanta Habka Wacan ee Shareecadu Dhigeeyso.

     Dhanka Kalle Maxkamadda Habka Islaamiga ah iyo kooxa hab diineedka ku Adeegtaa Waxey Ummadda Somaaliyeed u qabteen oo Faa,iido ah oo Maanta loogu Hiilin karaayaa,Waxba iyo waxba bal dhibaatadda dalka eey dhinac ka yihiin waana kuwa loogu adeego Shakhsiyaad gaar ah oo dano Ajnabi ka maqneen,Waxaa Haboon in eey ka shaqeeyaan Dhanka arrimaha bulshadda iyo taakuleeynta Dadka dhibaan  ee Somaaliyeed u Gargaaridooda iyo musaacado u fideentooda, Abuurida Goobo Caafimaad,Iskuul Waxbarasho, Ceelal Biyood, Taakuleeynta Xuramaha Agoomaha iyo Dadka Qaxootiga ah, Halka eey Qoriga iyo Dagaal Abuurida Mudnaanta Siinaayaan, Waana Ayaan Daro in Diinta Islaamka Shariifka lagu Lamaaneeyo Argagaxiso iyo Falal Dambiyeed Bani-aadaminimada lid ah iyo Basharka Waxyaalo u Geeysanaaya, Kuwo Sawir Khaldan ka bixinaaya Diinta islaamka waa Adegayaasha Cadowga diinta Iyo Ummadaha Muslinka ahba, Nabadgelyada, Xurmada iyo Dhaqanka Diineed ee Suuban,Gudashada Waajibaadka Diineed iyo Alle Adeecidiisa ayaa Guusha leh.

     -Isbaheeysi iyo Hab Kooxeesi Ujeedo gaar ah lehi guul ma keeni karaan manaKeenaayaan Inshaa Alle,Ummadda Somaaliyeedna uma baahna Colaado iyo DagaalCusub oo Khasaare Hor leh keena iyo Cuduro lagu sii kala fogeeynaayo.Fidno iyoXiisado abuurid waa hab Dhaqameed Sheeydaanka iyo Xulafadiisa Lunsan,DhibaatoIyo Dib u dhac weey ka daaleen Dadka iyo Dalka Somaaliyeed,Waana la Soo ama Laga Suu Gudbeey Xiligii Caadifada Qabyaaladeed iyo Qiirada Beenta ee Dagaal Oogaayashoodu Shaqeyneeysay, Biseyl Caqliyeed iyo Dareen Siyaasadeed oo ku Saleeysan Danaha Guud iyo Maslaxada Ummadeed ayaa Soo Shaacaaya kana  Turjumaaya Rabitaanka Dhabta ah ee Dadweynaha Daaleen,Waana Midka Guusha  Hanaan Doona Hadii Alle Idmo, Isbaheeysi Colaadeed iyo Dagaalo Kooxeed Maya oo Maya,Nabadgelyo,Midnimo Dhab ah,Dowlaad Cadaalad iyo Sinaan ku Dhisan iyo Adeecida Alle ayaan Guul iyo Wanaagba leh Somaaliyeey.

 
 
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 22/01/2006-
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com