HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

SOOL ,SANAAG IYO REER CEYNOOW TOOSA WALAALAYAAL TOOSA.

Horre ayaa loo yirri Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalay.

-Saakana Dadkeenii iyo ciidii hooyoba wax weyn beey tirsanayaan.
-Silic iyo dhib baa jirra, rafaad iyo qasbaa jirra.
-Wel iyo walaac badan iyo dhaawac qarameed.
-Ciladaas ayaa iska leh, bulshadii su,aal beey Jabaawteeda sugeeysaa.
-Hogaankii Xurmada iyo sharafta weyn lahaan jirin,Ummadana Horseedka
Iyo Talooda heyn jiray(Hogaankii Dhaqanka) Maxaa Walaaloow, Maxaa Jiraa
Dhankoodii, Maxaa Howlihii Dhimay, Maxaa Doorkii Dhaawacay, Maxaa Helay Halyeeydadii loo igmaday Xilkaas Sarre.
-Aaway Culimadeenii Diinteena Sharafta leh iyo Qoolkii Raxmaanka Gacanta Midig ku Heyn Jiray, Xaqa iyo Wanaaga Had iyo jeer u taagnaa, Wixii Wadda
Khaldan  Sixi Jiray, Kitaabka Iyo Xadiiskana Maalin iyo Habeenba Wacdi
iyo Tafsiirkii Si Tabliiq leh Weligood Heeganka ugu ahaan jiray.
-Maxaa Helay Wax Garadkii,Odayaashii, Haweenkii iyo Dhalinyaradii Ku caan
Baxay Qaranimo Jaceylkodi, Gobanimo Xurmeeynteed, Dalka Daaficiisii iyo
Somaalida Midnimadeed.
-Maxaa Helay Dadkeenii, Maxaa Bedelay Dhaqnkii,Hantidii Wacnaan Jiray oo
Dhaxal ahaan Jiray,Milgidii Gobeediyo Subaanaantii Dhaqnkii Soo Jireenka
Ahaan Jiray Maxaa Bedelay ii Sheeg.
-Dib u dhacanu Wuxuu yahay Dadka Meesha Joogoow, Dhaliilaha ayaa Iska
leh,Nidaamkii Hanaankii iyo habkii Maamul Gudasahdda iyo kala Dameyntii
u ma geedo aniguye,Wax bedelay miyaa jirra.
-Colaad iyo Dagaal iyo qubanayaa badan, Xabas wiif leh baa badan,kala
Aarsi baa badan, Naceeyb iyo Xumaan Badan iyo ficilo Sheeydaan baa
Keenay Beladkeen, ii sheeg wixii jirra.
-Daryeel xumo Bulshadda Guud oo weyn ayaa jirra, Isbitaalkii,Iskuulkii iyo
Biyihii Macaanaa Meesha weey ka Maqan-Yihiin,Dadkuna baahi weyn beey
u qabaan Dhamaantood, si loo heli bal ii sheeg.
-Amaan xumo xad dhaafoo, hubka suuqa lala mari, xabad dhaceysa had iyo Jeer Qof Dil Mid kalena Dhaawici Maxa Sababey ii Sheeg.
-Kala daadsanaantaas waxa sababay ii sheeg.
-Hanaankii Dadkeena Isku duubnidoodii Waxa bedeley ii Sheeg.
-Qurba joogan Seexdee Dayacay Dhulkiisii iyo Daryeelkii Dadkiisii Waxa Helay Muxuu Yahay, Muran iyo Khilaaf badan Saameeyeey Gudiyadda iyo
Qeybihii Dadweynaha,Mareykanka iyo Yurub kuwa Jooga baa Gabay
Doorkii Laga Rabay, Taraaiikhdna ka Geli Bog Madoow, Arag Doorka Wacan
ee Qeyrkiin ku Horumaray, Idinkuna Awoodiin Hadal aan Wax Taran iyo
Hebel baa sidaa yirri ayuu dhaafi waayeey Iska Jooga Meeshaas.
-Dadka Gudaha joogoow Doorkiina qaatoo Galayaal Degaaniyo Madaxdiina
Doortoo, xuquuqdiina raadsada, Illaaliya Nidaamkoo,Nabdgekyadiina
Dhoowrtoo, Danihiina Raadsada, Walaalinimo iyo Wanaag ayaa Guusha lagu Hantiyayaa, Ka kaca Hurda Dheer, Toosa oo Toosa Walaalayaal.
 
 
 
 
-All Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)
-Huddersfield-England- 31/01/2006-
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com