HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

JAALIYADDA SSC GUTA WAAJIBKIINA MASHAARIICADDA HEY,ADDA SSHDA GACAN KA GEEYSTA.

Sidda ku Qeexaan warbixin ama qorshaha shaqo ee deg-dega ah ee Hey,adda SSHDA ku talo jirto in eey ka fuliyo degaamadda SSC-da ee xiligan oo ah kuwo Ahamiyadooda leh, faa,iido weyn ugu fadhidda bulshadda degaankaas oo baahi weyn u qabta adeegyadda arrimaha bulshadda iyo howlaha horumarinta.  
 
     Qorshaha Hey,adda SSHDA-da ayaa ah mid si fiican uu habeeysan tilmaamaaya Mashaariicada u calaamadeeysan iyo goobaha laga fulin doono hadii Alle idmo iyo Kharashaka ku baxaaya oo laga doonaayo Jaaliyadda Qurba jooga ah ee SSC-da in eey gacan weyn ka geeystaan bixinta dhaqaalaha oo runtii ah mid aan badneyn, sida Qaabka shaxdda Hey,addu tilmaamaayo waxaa bixin karaa Dad kooban Tusaalle:-
 
-400- oo Qof oo midkii bixiyo Lacag Dhan 50 US Dollar, Bal ka Warama Hadii la helo 800-oo qof oo midkiiba bixiyo lacag dhan 25 US Dollar ama Lacag u Dhiganta, iyadoo eeynu wadda ognahay Baaxadda tiradda Jaaliyadda qurba jooga ee SSC-da Gaar ahaan kuwo Degan Carigga Mareykanka iyo Dalkan UK oo Kumayaal Dhaafay, Waana Lacag xadidan oo sahlan lana bixin karo,hadii lala yimaado midnimo, Isku duubni iyo dareen wadaniyadeed iyo ahamiyadda Mashaariicadu ugu Fadhiyaan Bulshadda Degaamadaas ku Nool, waana Mashuuliyadda Akhlaaqi ah oo ana saaran.
 
 
     Haddab-Guddiyada Jaaliyadda,Odayaasha,Aqoonyahanka,Haweenka iyo Guud Ahaanba Dhalinyaradda Firfircoon waxaan ku dhiiri gelinaayaa in eey sidda ugu fiican uguna Dkakhsho badan u bilaabaan ururinta Dhaqaalahaas, iyadoo la xeerinaayo Xaqa Degaanku inagu leeyahay, waajibaaka Dadkeenu iga mudan yahay iyo Danta Guud iyo Faa,iidada Mashaariicu leeyihiin, wixii dhnka wanaagsan ku saleeysan oo Ummadda faa,iido ugu jirto waa in laga wadda qeyb galaa, loona wadda guntadaa wixii Xun-na la Diidaa,Hey,adda SSHD-a waxeey mudan tahay amaan iyo bogaadiin iyo Tixgelin weyn. 
 
     Jaaliyadda Sharafta leh ee SSC-da Dhulkeenii iyo Dadkeenii Ceelna uma Qodna Cidana uma Maqna, Waana lama Huraan Ciida Hooyo, Waana lama Huraan Sool, Sanaag iyo Ceyn iyo Howdba Mudanayaal Daryeelka Caafimaad, Waxbarashadda, Biyaha, Wadooyinka iyo Guud ahaanba Howlaha Horumarineed waa Maslaxadda Guud iyo Danta Ummadda, waana kuwa la isku Dhaafay, Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalaayaa, Garta oo Guta Masuuliyadda ina Saaran, Dhiiba Lacagta oo Dhisa Dhulka Hooyo Walaalayaal,Wixii Faahfaahin ah waxaa kala xiriir kartaan   info@sshda.org
 
 
 
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 02/02/2006-

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com