HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

Caqliyada Hogaamiyaasha Qaaradda Afrika-Hadii Aad Mas Isku Tataabato Inuu Ku Qaniino u Diyaar-garoow.

Xayiraada iyo Cabudhinta Saxaafada iyo Codka Runta sheegaaya ayaa caadi ka ah

Qaaradda Afrika oo ah meel dulmi,cadaadis iyo cadaalad xumo hadheeyeen kana
Reebeen Qeyrkeed, Hogaamiyaasha keli-taliyaal ah,Siyaasad Xisbi keli ah iyo Habka
Qabyaaladeed ayaa la degay horumarkii iyo xoriyadii Muwaadinka Afrikaanka ah. 
 

     Waxaan Halkan Tusaale ahaan idiinku soo gudbinaayaa Talaaba khaldan ooHabka xun ku saleeysan oo Ciidamada amaanku ula dhaqmeen Wargeeyska iyoTv-ga Standard oo ka mid ah kuwa ugu af-dheer Bariga afrika ama Qaarada Afrikaoo si weyn u dhaliila hanaan Shaqo ee dowlad kenya oo Musuq-maasaq la degay Dalka iyo dadkana badey dib u dhac iyo hogaamin xumo,Ciidamada ayaa Werar ku Qaaday Xaruntii oo Dab qabadsiiyeey Cadadkii Wargeeyska oo Soo Bixi lahaa Talefisyoonkii Albaabada u Laabay,Sababta oo ah War Caad ah oo eey ka Qoreen Madaxweynaha dalka Kenya oo si Qorsoodi ah ula Kulmay Ninka ka mid Mucaaradka eey Siyaasada isaga soo hor-jeedaan,Bal is-weydiiya maxaa dhibaato oo ku jirra  Warkaas, Hadii uu Jiro waa Jiraa ,hadii kalle beeneyn keliya ayaa ku filan.

Hadaba-Caqliya Hogaamiyaasha Qaarada ayaa sidaas ah,Bal eeg Maahmaaha uu ku Maahmaahay Wasiirka Arrimaha Amniga Kenya Mar arrintaas wax la weeydiiyeey -Hadii aaad Mas Isku Tataabato In uu ku Qaniino u Diyaar-garoow, Hadii aa Hadasho ama aad Nidaamka wax ka sheegto inaad Dhimato u Diyaar garoow ayaa ku Xiga ilaa hadda waxaa Jeelka ku Jira Sadex Weriya oo lagu Eedeeyay in eey Warkas Qoreen,Marka la eego Dowladaha Bariga afrika(Igad) ayaa kuwo ugu Liita Illaalinta Xuquuqda iyo Xoriyada Dadka Gaar ahaan Saxaafada iyo Guud ahaanba Warbaahinta Waxaaba la oran karaa Dalka Somaaliya ayaa Dalalka qaarkood ka horeeya,inkastoo Dhinaca S/Landa iyo P/Land Caqabado la hor-dhigo Xoriyada Saxaafada,hadana weey ka wanaagsan yihiin kana xoriyad weynyihiin kuwa Dalalka-Kenya-Itoobiya,Ereteriya, Iyo Sudaan oo Kantarool adag lagu hayo, Weriyaashuna Xarig iyo Ciraab la kulmaan.

 

  Bal ka Warama Dowlada Somaaliyeed (Igad/Soma) oo tusaale iyo talooyin ka Qaadata Dowlada Sawirkaas leh iyo hogaamiyaashooda ku caan baxay Dulmiga,Cadaalad Daradda, Tacadiya, Xasuuqyadda iyo Cabudhinta Codka Dadkooda, Maxaa Faa,iido ah oo laga helaayaa kuwaas,Waxaa ka haboon in Ummadda ama Dadka Somaaliyeed Taladooda Alle Saaran,Danahoodana iyagu ka Tashadan oo eegaan Maslaxada iyo Qadiyada Somaaliyeed in eey Somaali u Taalo,cid kalena aan laga Sugeeyn Xalkeeda, waxaa qiimo leh Qaranimadda,Midnimadda iyo Dowlad Dhab ah oo Somaaliyeed oo ku dhisan Aragti iyo Caqliyad Somaaliyeed oo Xalaal ah, Somaaliya Somaali Baa Leh.

 

****

Colaadda Maxamed Dheere Iyo C/Laahi Yuusuf.

     Gudoomiyaha Gudiga Siyaasadda Gobolka Sh/Dhexe Mudane-Max,d Dheere oo Xaqiiqadii Isu arkaayeey Murshidka Guud ee Somaaliya iyo Shakhsigii u Sameeyeey Macruufka Weyn Dowlada Igad/Soma Iyo Madaxweynaheeda C/Laahi Yusuf Axmed oo Dibad Wareeg ahaa,Meel uu Caga Dhigtona ka Waayeey Qeybt Koonfureed ama Goboladda Caasimada u Dhoow, Eedeynta Ma,xed Dheer u Jeediyey Madaxweyna ayaa ah mid Culeeyskeeda leh si weyna u dhaawaceeysa Sumacada  Iyo Maqaaka Madaxweyne-nimo oo Awalba Liidateey iyo Taariikhdiisa oo Madoobeyd Eedo Badana Loo Heysteey(Sidda Gacan ku Dhiiglinimo oo Kalle Iyo Qabyaalad ku Shaqeyn).

 
 

    Hadaba-Xaaqiiqada ayaa ah Labadii Xaraanta ku Heshiiyeey Xalaasha ayeey ku Colaabaan, Arrimihii Qorsoonaa iyo Qorshayaashii Suuqa Madoow ahaa iyo Laaluushiikii Lacageed ee Malaayiinta ahaa ee C/Laahi Siinaayeey Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ayaa Soo yaraatay kadib markii Kharasha La,aani ku dhacday Dowlada Ina Yuusuf oo Lugaha Boocaha ku Taagan,waana Arrinta keentay Caradda iyo Dhirifka Xad-dhaafka ah ee Reer Jowhar,Waana mida Keentay in Madaxweynuhu ku Fekero Sahaminta Meel Kalle ama Gobol Kalle oou Guuro,Harga Maran Sidee Howli Kama Tegin Habaarna u Dheer, waa Xaalada uu ku Sugan yahay Ini Yeey Waqtigan,Waxaa Kalle oo ayaan daradeeda leh Dadka Reer P/Land oo Dhaqaalihii laga Dhameeyeey iyagoo ka Gaajeeysan,ka Haraadan, Dhibaatooyin Badana heeystaan,Kuwii lagu Laaluushaayeyna Abaal iyo Wanaag ugu Heyn Odeygiina Jowhar ka Ceeyriyeey ,Ayaan Daro Badanaaa. 

 

    Eebow Abaal Kagama Heliin Owraran Raraye,Waa Gabaeyga oo Beryahan kuLuuqeeyo Madaxweynaha dowlad ku Sheega Igad/Soma oo Xaaladu ku Xuntahay oo La oran karo wuxuu ku Sugan yahay Ilaa Geed La Cuskadaana iyo Awood BaanJirin Xageeygoo Afkii Baa Juuqda Gabay.Xaaladan ayaa Sawir cad u ah in Fadhigii Jowhar ku Saleeysnaa Kiro Lacageed iyo Biil Bixin Qaali ah oo Dhabarka ka Gabiyeey Ini Yuusuf iyo Reer P/Landnaba markii Kharashkii Dhamaadeyna Banaanka La Dhigaay Xaaji iyo Xaalkiisiiba oo Weliba Loogu Abaal guday in La Xulufoobey Kuwii Ka soo Hor-jeedeey oo Cadowga u ahaa-Qanyare iyo Suudi iyo Shariifka oo ka Dameeya, Waxaa loo Dheelay Dheesha Ciyaarta Dheesha, Odeyga Ku Dheela Ku Dheela Dheesha,Laga Bareeyba Laga Badi,Waxaa kalle oo Dhibaato weyn ku ah Hogaanka madaxweynaha Dowlada Mareykanka oo Xiriir Hoos la leh kuwa ka Soo Hor-jeeda Una Fideyneeysaa Dhaqaale iyo Taageero Kaleba Waana Dhaawac  Weyn oo lala Beegsaday Xaajiga iyo Xaalkiisa Dayacan.

       Cashuurkii iyo Lacagtii Baada aheyn ee P/Land laga keenaayena weey Soo Dhammaatay ama inteedii kaleba Jen-Cade ayaa Cunay ama Xaday ama Beeshiisau Qeybiyeey sida Caadadoodu tahay,arrimahan waxaa cadeeynaaya Xiriirka xun ee u Dhexeeya Madaxweynaha iyo Ra,iisal Wasaaraha Xukuumada oo kala Fogaadeey Beryahan Dame kadib Markii C/Laahi Fara-gelin iyo Qas ka diin-waayeey Xilka iyoMasuuliyadda Geedi,Runtiina Geedi ayaa Xaqa ku Taagan Dalka iyo Dadkana u Roon ama Fiican,kana Fog Dhammaan Falal Dambiyeedka,Dagaal Oogida iyo Qaska kaDhacay Dalka Hooyo oo C/Laahi Yuusuf ku Milmay,Baydhabo xarun ma u Noqon Doontaa Madaxweynaha Hooyga la,a,Mise Sida Jowhar ayaa Laga Ceeyrin Doonaa? Maalmaha ayaa Inoo Sheegi Doonaa Hadii Alle Idmo.

 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 03/03/2006-
               
 

  Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

 
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com