HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

WADDA TASHI GUUD.

Ku- Golaha Isimadda Laascaanood.

Ku-Gudigga Badbaadinta SSC.
Ku-Culimaa,udiinka Laascaanood.
Ku-Siyaasiyiinta Degaanka.
Ku-Ururka Haweenka Hana-qaad.
Ku-Ururadda Dhalinyaradda Degaanka.
Ku-Oday-Maxamed Buraale Ismaciil.
Ku-Oday-Jen-Max,d Cali Shire.
Ku-Sugaan Yaqaan Al-Shaacir-Jaamac Kadiye.
Ku-Oday-Sulub Cali Gaas.
Ku-Halyeey-Cabdi Bille Cabdi.
Ku-Oday-Nuur Gadhle.
Ku-Dr-Shahaado.
Ku-Dr-C/Qani Axmed Suleymaan.
Ku-Garsoore-Sheekh Maxamed Xassan(Gacma Yarre).
Og-Duqa Magaaladda Laascaanood.
Og-Gudoonka Gobolka Sool.
 
 
           UJEEDO:- WADDA TASHI GUUD.
 
 
     Iyadoo laga duulaayo Xaaladaha iyo Duruufaha Kala duwan ama Wajiyadda Kala Duwan leh ee ka Jirra Degaanka Degmadda Laascaanood Xarunta iyo Xudunta Guud ee Beelaha Daraawiishta Magaalo Madaxda Gobolka Sool Iyo dib u dhac Sameeyeey Guud ahaanba Qeybaha Arrimaha Bulshadda, Nabadgelyadda Iyo Habka Maamulka Iyo Ahamiyadda Midnimadda Bulshadda Degaanka,Waxaa Haboon in Talaabooyinkan
La Qaado:-
 
1-Qaban Qaabadda Kulan Wadda Tashi Guud.
2-Dib u Eegidda Qaab Dhismeedka Maamulka(Helida Maamul Wacan).
3-Ka Talinta Hanaanka Abuuridda Golaha Degaanka Degmadda.
4-Xalin u Raadinta Khilaafyadda Hab Beeleedka ah ee Jirra.
5-Mudnaan Siinta Danaha Guud ee Bulshada Iyo Eegida Caqabadaha Jira.
6-Ka Talinta Habka Lagu Sugi Karaayo Nabadgelyada iyo Xakameynta Hubka.
7-Dardar-gelinta Doorka Wax Qabad ee Golaha Badbaadinta SSC.
8-Ku Dadaalida Soo Nooleynta Xilkii Ahamiyadiisa lahaa ee Golaha Isimadda.
9-Doorka Ururadda Bulshadda ee Degaanka.
10-Jaaliyadda Qurba Jooga iyo Gudashadda Doorkeeda Muhiimka ah.
11-Iyo Guud ahaanba Danaha Iyo Maslaxada Bulshadda.
 
 
      Xaaladda Taagan Iyo Duruufaha Dhulka ka jira ayaa u Baahan Wadda Tashi iyo In Sidda ku Haboon looga Gudbo,loona Soo Jeesto Aayo ka Talinta iyo Mustaqbalka Bulshada Degaanka oo Jaha-Wareer iyo Qas intii Mudo ah ku jirtay, Daashey Lana Soo Gaaray Xiligii Arrimaha Wadda Toosan ku aadin lahaa, lagana bixi lahaa habka Dayaca iyo Dib u dhaca u saleeysan oo degaamadaas la digay, eeyna masuuliyadiisa Leeyihiin Siyaasiyiinta Dadkooda iyo Dhulkoodaba  Dayacay oo Qaarada Yuru iyo Waqooyiga Mareykanka ka Sheekeeynaaya Iyo Hogaanka Dhaqameedka Ka Badin
Waayeey Khilaafka iyo Muranka Dhexdooda ah Bulshadiina Kala Fogeeyeey iyo Maamuladda Magacaabid Loogu Keeno oo Shaqadoodu Tahay u Adeegida Iyo Ka Turjumidda Rabitaanka Maamulka P/Land ee Garoowe Fadhiya oo Waba Yaraatee Wax La Sheegi Karo u Qaban Degaamadda Sool, Ceyn,Sagaal iyo Heylandba.  
 
     Anigoo Kalsooni Weyn ku Qaba Garashadda iyo Dareenka Dhanta oo Xiligan  Taagan iyo in Waxgaradku Sidii ku Habooneyd u Fahmeen Ahamiyada Xaaladaha Jira iyo Sida Wax Qabad Dhab ah loogu Baahan Yahay, Danta Ummadda ayaa  ah In Mudnaanta Koowaad la Siiyo, Loona Horseedo Helidda Mustaqbal Wacan Iyo Hanaan Maamul oo Fiican, Iyadoo loo baahan yahay Qiimeynta Marxaladda.
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield-England- 29/01/20060-

 

 

  Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com