R

  HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

REER LAASCAANOOD HADBA DUQ MAGAALO HA LA IDIIN MAGACAABO.

Waxaan ayaan daro ah, talaabo naxdiinteeda leh ah, habka iyo hanaanka ka socda Degmadda Laascaanood Magaalo madaxda Gobolka Sool oo awoodi weeydey ama Garan weeyday Xulasahdda ama soo doorashada golaheeda degaan oo ka soo dhex Baxa Dadka degaanka, hab Cadaalad, sinaan iyo madax banaani ku saleeysan loo Soo xulo, iyadoo la illaalinaayo habka xaq soor ee saami qeybsiga degaanka.  
 
     Sidda ku cad Shebekadda Radiossc-da waxaa xilkii laga xayuubiyeey Duqii Hore ee Magaaladda Dr-C/Rashiid Barkadlle oo Kooban xilkaas hayeeyna, Masuuliyad iyo Kartina muujiyeey, ku daaaleey habeeyn Magaalada, lagu tilmaami karro Masuulkii ugu wanaagsanaa ee soo mara intii mudo ah Degmada Laascaanood iyo guud ahanba Gobolka Sool, bulshaduna u arkaayeen shakhsi wax qabannaaya xilkana ku haboon Laakiin caqabado badani hor taagan yihiin oo ugu horeeyso Masuulinta Gobolka iyo Madaxweyne ku Xigeenka P/Land iyo Wasiiro Degaanka ka soo jeeda oo Garoowe Fadhiya, waana hirgalay Qorshihii lagau curyaaminaayeey Laascaanood.  
 
     Ujeedada Qoraalkana ma aha in aan Diidanahay ama ka soo horjeeda Duqa cusub  ee La Magacaabay Mudane-C/Qaadir Cali Max,ud aqoona u lahi,Waxaana Alle uga Rajeeynaayo in uu Xilkiisa u Fududeeyo,Laakiin Hadafka Qoraalka ayaa ah habka iyo Talaabooyinka khaldan oo ka socda meesha iyo sida bulshada degaanku danaheeda  u qabsan la dahay, Xuquuqdeeda u garan la,dahay, Maamulkeeda degaan ahaan u
Sameeysan la,dahay, kor ka keenida iyo hab maamulkooda hoose xataa Garoowe  alag Qorsheeynaay, halka Degmooyinka.- Garoowe,Boosaaso iyo Qardho Dadka Degaanku soo xusheen golayaashooda degaan, hadana gacanta lagu hayo Midkii G/Kacyo,maxeey tahay ayaan daradda Bulshadan heysataa.
  
      Dr-Barkhadle Masuuliyad Waa Gudatey, xurmo iyo sharafna waad mudan tahay waana la xusuusan doonaa dadaalkaagii iyo Xilkasnimadaadii, Weeyna Fiican tahay in la Casilo ama xilka laga qaado kii loo arko in uu danaha dadka ka shaqeynaayo ama u adeegaayo Bulshadda dayacan ee reer Laascaanood,Horre ayaa loo yirri:- Ninkii Seexdaa Sicii Dibi Dhalaayaa, waana mida hadda meesha taala, markaas iska Hurda Reer Laascaanood, hadba Mid Garoowe ha la idiinka soo magacaabo kadibna Meel kadibna hala Casilo, Golle Degaan ayaa xaq u leedihiin Soo Xusha oo Dantiina Garto Dadkoow,Reer Laascaanoodoow hadii kalle dib u dhaca iyo dayaca dugsadda, Mida keliya ee aad Garaneeysaana waa Sidda Loo Toogto,loo Dilo Qofkii Qiimo Iyo Midkii loo arko waxgarad, Ceeybtana Dugsada, Dayacana ku Jirra Hadii Dareenkiinii Sidaas Yahay.Hadii Kalle Toosa-Toosa -Toosa.
 
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England-07/02/2006-

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com