HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |
 

ABUURIDDA XARUNTA NABADDA ,DARYEELKA IYO HORUMARINTA GARAAD C/QANI.

Muddo todobaad ah wax qoraal ah ma sameeysan Tacsidda GaraadkaAwgeed, waxaana Alle uga Rajeeyeey Naxariistii Jano,Ummaddana Sabir Iyo imaan Amiin, waxaa amaan mudan habkii iyo hanaankii wacnaa Xurmadda, qadarinta iyo tixgeluinta lahaa ee lo aasay Garaadka iyo sidii weyneyd ee Dadweynaha,Isimadda iyo Masuulin ka socday Labada Dhinac P/Land iyo S/Land,Waxaan oran karaa Midnimo,Kalsooni Abuurid,Niyad iyo Wanaag ayaa la muujiyeey Waxaana ku amaan Bulshadda Reer L/caanood.

      Garaad C/Qani Garaad Jaamac Maqaam weyn iyo door xurmadiisa leh ayaa kaga jiray guud ahaanba Ummadda Degaamadda SSC-da,Habka iyo Hanaanka Hogaamineed ee uu ku caan baxay  ayaa ahaa Mid ahamiyad iyo Masuuliyada weyn ku fadhiyey, garasho,dareen iyo Dadnimo Wanaag

Asali ah, Milgo Gobeed Dhab ah,La soo koobi karo Guulihii iyo wax qabadkii Garaadka, Sifooyinkiisii waxaa ka mid ahaa(tawaaduca) sida caadiga ah ee uu Dadka lula dhaqmi jirey,Waxaa ka reebanaa wax yaabaha Isla Weynida, Bakhaalnimada,Eexda, Xumaan Taageerida, Colaad Abuurida iyo Dhammaan Calaamadaha Xumaanta, Doorkii iyo kaalintii Garaadka waa la tebi doonaa  Intii Muddo ah laakiin Geerida ayaa Xaq ah,Aduunkana Cidi ku Waari-meeyso Laaliin Waxaa la kala horeeynaayaa. 

      Hadaba iyadoo la xushmeynaayo Maqamkii iyo Doorkii Garaad C/Qani

Waxaa Aniga Shashsiyan ila haboon in la abuuro Xarunta Nabada, Daryeelka iyo Horumarinta Garaad C/Qani lagana furo Magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka Sool, si wax faa,iido leh, ajar leh, xusuus wanaagsan leh,waxqabad leh lagau xuso Magaca Garaadka, Bulshadda degaankana loogu faa,iideeyo, Xarun lagu xaliyo Khilaafyada, muranada iyo guud ahaan dhibaatooyinka Jirra ama dhalan kara, xarunta Daryeelka iyo Illaalinta Xuquuqda Dadka iyo Qorsheynta Hanaanka Horumarineed ee Degaamada SSC-da, Xarun yeelata Hogaaminteeda iyo doorkeeda hormoodnimo, Xurmada, Maqaamka, Milgada iyo Sharftii Garaad C/Qani Garaad Jaamac Lagu Xusuusto Waxna Qabata.  

       -Gunaandka,Golaha Isimadda, Culimaa,udiinka, Aqoonyahanka, Ururadda Bulshada,Golaha Badbaadinta SSC iyo Jaaliyada Qurba Jooga waxaan u soo Jeedinaayaa in lagu dadaalo, loo guntado abuuridda Xarunta Garaadka oo  Sida ku haboon Waqti ahaan iyo ahamiyad ahaanba la fahmo lana qiimeeyo lagana Dhabeeyo Abuurideeda(Ishaa Alle).

 

 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England- 15/02/2006-
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com