HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

Xaqdarada ay ku caanbaxdey maxkamadaha
Somaliland


13ka bishan May ayaa ku beegan maalintii gacan ku dhiigle ka tirsan ciidanka Booliska Somaliland uu si badheedh ah u toogtay (Khadar Adan Osman), Maalintaas oo dadka Gabooye u ahayd maalin madow oo qof wal oo ka tirsan beeshu aanu waligii iloobayn. Maalintaas oo xasuusisay intii dhib hore loogu gaystay, taas oo kicisay dareenkooda kuna dhaqaajisay mudaaharaad ka dhacay magaalada Hargeisa iyo maraykanka.

Anaga oo taageerayna baaqii odayaasha beesha gabooye ee magaalada Hargeisa
iyo waraysigii (Boqor Ahmed Iman Warsama) uu siiyay BBC da dhawaan kadib
markii xukun xaq darro ah oo ka fog xaqiiqada ay maxkamada Hargeisa mar
labaad iyada oo iska indha tirtaysa xaqa dilkii loo gaystay (marxuum Khadar
Adan Osman Dhabar) ayaa waxa aanu ugu baaqaynaa umaada somaliyeed siiba inta
damiirkoodu noolyahay in ay nagala qayb qaataan mudaaharaad aanu ku
cambaaraynayno maxkamadaha Somaliland taas oo u aragtay dhiiga gabooyuhu in
uu ka rakhiisan yahay dhiiga reerka uu ka dhashay gacan ku dhiiglihii dilay
‘Khadar’ iayaga oo iska indha tiray shareecada Islaamka iyo xeerka u yaala
Somaliland. Hadaba waxa aanu mar labaad ugu buaqaynaa dawlada Somaliland in
ay culays ku saarto maxkamada sidii ay u gaadhi lahayd xukun xaq ah taas oo
ay ku jirto maslaxada iyo danta umada Somaliland.

Ugu dambayn waxa aanu leenahay haddii arrintaas siday tahay wax looga qaban
waayo waxay noqon doontaa nin la tumay talo joogtaa.

  Wabillahi Tawfiq

- Mohammed Issa Abby… Guddoomiyaha Beesha Gabooye ee Qaarada Europe iyo
   W/America
- Khadar Osman Guleed… Guddomiye ku xigeen
- Mohammed Noor Mogeh… Afhayeenka
- Ali Dayib Hussein
- Mohammed Yusuf Osman
 

     halkan ka dhageyso  BBC

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com