HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

 WAXAAN AHAY WAXAA DHAANTA WAXAAN QABTAY

Taariikhda adduunku  waxa ay soo martay xilliyo kala duwan  oo dal waliba iyo dad waliba  u ah taxane sil-siladeed  oo taariikhi u ah jiritaankooda, sida ay ummadda soomaaliyeedba usoomartay xilliyada kala ah:-  Gumeysi, gumeysi la dirir, xornimo doon, xornimo, dowlad rayid ah, dowlad xukun milatari ah, kacdoon shacab, jabhado iyo is xulufeysi, iyo weliba bur-bur muddo 16-sano ah  xilligan cagaha kula jira .  

Waxaa hubaal ah in dadyowga beelaha soomaaliyeed  ay iyaguna lasoo jaanqaadeen xilliyadan kor ku xusan  iyagoo higsanaya  horumarka iyo kor uqaadidda  guud ahaan magacooda iyo muuqaalkooda beel ahaaneed.

Haddaba haddii aynu gudo galno mowduuceenan  waxaa cad in beelaha ay soomaalidu ku sameysay quursiga iyo haybsooca  aysan la jaanqaadin  xilliyada kor kuxusan  ugu badnaan isbedalka bulshada  kaga shaqeynayso isku dubnidooda  sida  midda dhaqan, siyaasadeed, dhaqaale  ee uu dalku soo maray  guud ahaan iyagoo isku duuban.  Waxaana  dhibaato ragaadisay  helitaanka xuquuqda ka maqan  ku noqotay sidii ay isgu keeni lahaayeen  feker midaysan  oo lagu gaaro sidii loo tir-tiri lahaa  qudhsga iyo haybsooca lagu hayo , una heli lahaayeen deegaan ku magacaaban  oo u gaar ah amaba ay ku leeyihiin  aqlabiyad lagu tixgeliyo si ay ummadda soomaaliyeed wax kula qeybsadaan .

Waxaana markhaati cad ah in caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan midnimada beelaha laheybsooco ay tahay sheegashada darajooyinka hoggaamiye dhaqameedka  been abuurka ah  oo ay isku bahaysteen  shaqsiyaad kala gaar ah oo aan isku meel haddana  wax uwada wadin taasoo aan matel fiican lahayn oo ay caadeysteen inta badan jaaliyadaha dibadda ku nool ee beelahaa gaar ahaan ragga  iyagoo ukala gashaday shaarar kala  midab ah sidii ay ukala fogeyn lahaayeen  beelhii ay kadhasheen oo awalba dulmane yaasha ahaa taasoo daliil cad u ah isfaham la'aanta ka dhex jirta ragga qurbaha kunool oo marar badanna cudurkooda wax kala qoqobka ah soo gaarsiiyay gudaha dalka iyagoo kala sheeganaya amaba hadeer u hamuun qaba  darajooyinka kala ah:-Boqorka gabooye, garaadka gabooye, suldaanka gabooye,  guddoomiyaha gabooye( yurub iyo w/ameerika ), guddoomiyaha ururka (sima) iwm. oo dhammaantood aan umatalin beelaha darajooyinka ay sheeganayaan  waxqabad- koodana aan la arkin  waxa ayna udhaqmaan qaabkii NGO-yadii lagu lunsanayay xuquuqda dadka dulmaneyaasha ah oo ay iyaguba ka dhasheen , taasoo ay ka lee yihiin dano gaar ah oo ay dhaqaale shaqsiyadeed uga raadsanayaan caalamka iyo hay'adaha deeqaha bixiya  ee ku nool yurb iyo maraykanka.  

Waxaase ayaan darro weyn ah in aysan shaqsiyaadkaa iyo lataliyeyaashoo  duba  aysan fahmin in xilka hoggaamiye dhaqameed uu yahay  midka salka u ah aas-aaska  midnimada  iyo helitaanka xuquuqda ka maqan beelahaa waxaa kale oo aysan garan inuu xiku ubaahan yahay wax qabad muuqda oo isku xira gudaha dalka iyo dibaddaba  ee aan loo baahnayn xil baan sidaa oo keliya  soomaaliduna waxa ay tiraahdaa (cidina uma maqna ceelna uma qodna ) waayo dadkii laga filanayay in ay u istaagaan isku xirka beelahan dulman ayaa u istaagay in ay dano gaar ah iyagoo eega kala fur-fur ku haya beelahaa.

Haddaba ku mashquulidda ay jaaliyadaha dibaddu intooda badan ku mash quuleen arimaha kor k xusan ,kuwa kalena ay ka aamuseen iyagoo aan marnaba ka hadal fekerkaa gurracan oo ayba u egtahay in ay la qabaan amaba eed ka carar ka  ah ayaa arintaasi waxa ay keentay in carruurtii beesha gabeeye ee ku nooleyd dhammaan gudaha dalka  ay soo wajahday aqoon darro  ka hooseysa  beelaha kale ee soomaaliyeed  maaddaama aysan jirin dowlad dhexe ee damaanadqaadaysa xuquuqda waxbarasho ee kamaqan beealahaa siddii la arki jirayba , maadaama beelaha kale ee soo maaliyeed ay iyagu isku tashadeen in ay carrurtooda waxbartaan iyagoo kaashanaya  jaaliyadahooda dibadda ku nool oo ka kaalmeeya dhinaca fiiga ardayga. taasoo mustaqbalka keeni karta in jiilalka soo koraya xuquuqdooda qalinka lagu duudsiiyo sidii horay udhacday amaba haddaba jirta. (Aqoon la'aani waa iftiin la'aan). waxaana waajib ah in aad ogaataan in ubadkii beelaha lahaysooco 98% ay san waxba baran  dhamaan geyiga soomaaliya .

Isku soo wada duuboo waxaan ku boorinayaa shaqsiyaadka sheeganaya darajooyinka aan kor k soo xusnay  in ay wax kabadalaan  mowqifkooda ku aaddan xil sheegashada danaha gaarka ah ku salaysan  oo aan wax qabadka lahayn  taasoo lagala xisaabtami doono addun iyo aakhiroba .

                                  

wabillaahi towfiiq

 qore:-C/qaadir maxamed cali(sabeeye)
 Email:-sabeeye3@hotmail.com
 Tel:-   2525724665           
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com