HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

War murtiyeed uu maalintii shalay ahayd magaaladda nairobi ka soo saaray Afhayeenka Salaadiinta Beelaha Gabooye Ahmed Fowsi Hassan Aw Cali Siraad

 

Hadal qoraal ah oo maalintii shalay ahayd ay soo saareen Beelaha Gabooyaha ee ku dhaqan waddan-ka kenya, Islamarkaasna uu ku saxiixnaa Afhayeen-ka Salaadiinta Beelaha gabooyaha Ahmed Fowsi Hassan Aw-Cali Siraad ayaa waxaa baaq nabadeed loogu jeediyey kooxaha ku dagaalamaya qaybo ka mid ah dalka soomaaliya.

Hadalkan qoraalka ah oo saxaafadda loogu qaybiyey magaaladda nairobi,ayaa waxaa loogu baaqay kooxaha ku dagaalamaya magaaladda muqdisho in ay si shuruud la"aan ah ay ku joojiyaan dagaalka islamarkaasna ay khilaafkooda ku dhamaystaan wada xaajood

Afhayeenka Beelaha Gabooyaha ee magaaladda nairobi Ahmed Fowsi Hassan Aw-Cali Siraad ayaa ku tartansiiyey mas'uuliyiinta ugu saraysa xukuumadda federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliya in ay kala dhex-galaan kooxahan dagaalamayo oo uu sheeggay in ay ka tirsayihiin dawladda ku meel gaarka ah.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheeggay in ay tahay wax laga naxo in madaxwaynaha iyo ra'isul wasaarada soomaaliya aysan ilaa iyo hadda ka hadlin dagaaladda ka soo cusboonaaday qaybo ka mid ah dalka soomaaliya,Walow ay jiraan qaar ka mid ah xildhibaanadda haatan ku suggan magaaladda baydhabo in ay bayaan ka soo saareen dagaaladda ahliga ah ee u dhexeeya dadka walaalaha ah

Afhayeenka beelahan soomaaliyeed Ahmed Fowsi Hassan Aw Cali Siraad oo saxaafada kula hadlayey magaaladda nairobi ayaa sheeggay in ay tahay wax lagu farxo talaabadii ay qaadeen Odayaasha,Waxgaradka,Culumaa:udiinka iyo aqoonyahanada soomaaliyeed ee ku suggan magaaladda muqdisho kala dhex gal-kii ay ku sameeyeeyn labada kooxeed ee dagaalamaya oo uu sheeggay in ay dad faro badani ay ku dhinteen qaar kalena ay ku dhaawacmeen,

Hadalkan ayuu afhayeen-ka Salaadiinta beelaha gabooye uu ka sheeggay ka gadaal markii uu wada hadalo la yeeshay Odayaasha,Waxgaradka,Aqoonyahanada iyo xildhibaano ka soo jeeda beelahaasi oo uu kala hadlayey kulanka lagu balansanyahay in uu dhawaan ka dhaco magaaladda baydhabo qaabka ay beelahaasi u wajahayaan Sikastaba ha ahaateen bayaan-kan uu soo saaray Afhayeenka salaadiinta beelaha Gabooyaha ee magaaladda nairobi ayaa waxay ku soo beegmatay,Iyadoo baaq noocan oo kale uu maalintii shalay ahayd magaaladda nairobi ka soo saaray Wakiilka qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha soomaaliy Francois Fall oo ugu baaqay kooxaha ku dagaalamaya magaaladda muqdisho in ay si shuruud la'aan ah ku joojiyaan dagaalka islamarkaasna wada xaajood la gayaa

Waa markii ugu horraysay tan iyo markii Afhayeen-ka Salaadiinta Beelaha Gabooye ee ku dhaqan waddanka kenya loo magacaabay Afayeenimadda Beelahaasi oo bayaan noocan oo kale ah uu ka soo saaro dagaaladda ka jira meelo ka mid ah dalka soomaaliya,Waxuuna hadalkiisa ku soo gabogabeeyey Dagaal Wiil ayaa ku Dhinta ee Will kuma Dhasho ayuu yiri Ahmed Fowsi Hassan Aw Cali Siraad

 
 
Nairobi Kenya  

'Wariye: mursal Quule'  mursalquule@hotmail.com

 
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com