HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Wararkii Ugu Dambeeyey.


MUUSE SUUDI " Aniga yaa iga Muslinsan Yaa lala jihaadaa, cidii ila jihaadeysa ha ii timaado waxa Madaafiicda dadka ku ridaya Waa maxamed Qanyare oo Gurigiisa Difaacanaya cid kale ma aha Wasiirka Ganacsiga ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya Muuse Suudi yalaxoow ayaa Markii Ugu horeysay ka hadlay dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho isagoo Beeniyey in Isbaheysigoodu yahay Mid ladiriraya Culumaa,udiinka diidana in Maxkamadaha islaamiga ah ay dalka ka shaqeeyaan.

Muuse Suudi oo ka hadlayey Qasaaraha uu Dagaalku Geystay ayaa sheegay in Qasaare Jiro laakiin ay ka mas,uul yihiin waxa uu ugu Yeeray Argagixisada iyo cidii Dagaalka Soo Qaaday oo uu sheegay iney yihiin kuwa ka been sheegay Hawsha loo Aasaasay Isbaheysiga Soo Celinta Nabada iyo Ladagaalanka Argagixisada.

‘ Anaga waan Naqaanaa Culimada Kitaabada noo aqrisa ee Diinta Faafisa Mana la dirireyno,waxaan kaloon la dirireynin dadka Qaraabada ah ee Qabiilada ah ee Waxaan la Dirireynaa waa kuwii Dadka Aqoonyahanadeenii laayey ee Baledka qasay ee Dilay C/qaadir Yaxye ee Madaxa soo duubta’ ayuuyiri Wasiirka ganacsiga oo si kulul Uweeraray Qaar ka mid ah Culumaaudiinka Muqdisho oo Waraaqo ay Daadiyeen dadweynaha ku faray iney La jihaadaan Madaxda Isbaheysiga ladagaalanka Argagixisada.  ‘Maxaa masaajidyada dadka looga leeyahay hala jihaado oo dadka loo Marin habaabinayaa,hada jidadka xiran hala furo maxaa yeelay Jidadka waa la mari lahaa Ma jirto cid usoo socota iney Culimada layso ama waxyeeleyso,Aniga Yaa iga Muslinsan yaa lala jihaadaa Waxa madaafiicda dadka ku ridaya Waa Maxamed Qanyare oo Gurigiisa Difaacanaya’’ayuu Mar kale ku jawaabay Muuse Suudi oo la weydiiyey su,aal aheyd Maxaad dadweynaha Madaafiicda Hoobiyaha ugu rideysaan.

Muuse Suudi ayaan soo hadal qaadin Maleyshiyadiisa ku jirta dagaalka isagoo dagaalka ku sheegay inuu isku difaacayo Maxamed qanyare oo la weeraray waa sida uu hadalka udhigaye,Waxaa jirtay inuu wasiirku soo qaaday warbixin lagasii daayey Laanta afka Soomaaliga ee BBCda ku saabsanaa dagaalka iyo qeybta uu ku leeyahay Muuse Suudi Isagoo ku tilmaamay Ninka warbixintaasi diyaariyey iney Qaaday Waxa uu ugu Yeeray Qaraabanimo.

Iska Horimaad Dad Ay Ku Geeriyoodeen Oo Ka Dhacay Deegaanka Dhoobleey

Warar Bogga Mudug Online ka helay deegaanka Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya 5 qof in ay ku geeriyootay iska hor’imaad ka dhacay deegaaanka Xaar xaar ee degmada Dhoobley. Iska hor’imaadkan oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo ayaa lagu soo warramayaa in uu ka bilowday gaari caasi ah oo ay dhac u gaysteen maleeshiyooyin jidgooye dhigtay deegaanka Xaar xaar oo katirsan degmada Dhoobley.  Qaar kamid ah Waxgaradka ku dhaqan degmada Dhoobley ayaa waxa ay abaabuleen maliishiyooyin dib usoo celiya gaarigaas dhaca loo gaystay, taasoo keentay fooda in ay is daraan labada maliishiyo.  Sedex kamid ah 5ta qof ee ku geeriyootay shaqaaqadaas ayaa waxa ay ka tirsanaayeen maliishiyooyinkii isbaarada u tiilay, halka laba qof ay ka dhinteen 2 kalena ay ka dhaawacmeen kuwii weerarka soo qaaday ee laga soo abaabulay degmada Dhoobley.

Cismaan Xasan Cali

 

Afar Cesho Oo Dagaal Ah Waa Sidee Xaalada Magaalada Muqdisho

Xaalada goobihii dagaalada maalmihii lasoo dhaaafay ay kasocdeen ayaa saakay xasiloon, iyadoo maalinamadii shalay ahayd dagaalkii ugu qaraaraa uu kadhacay magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay midowga maxaakimta islaamiga iyo isbahaysiga la magac baxay ladagaalanka argagixisada.  Waxaa socota waan waan ay wadaan waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho taasoo lagu joojinayo dagaalkii khasaaraha dhaliyay ee maalmihii lasoo dhaafay kadhacayay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha midowga maxaakimta islaamiga gobolka Banaadir Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu shalay aqbalay xabad joojin dhex marta midowga maxaakimta iyo isbahasiga sharta, taasoo ay soo jeediyeen qaar kamid ah odayaal dhaqameedyo doonayay in ay qaboojiyeen xiisadaha ka dhax aloosan culimaa’uddiinka Soomaaliyeed iyo wasiirada hubaysan. Warar aynu kasoo xiganay qaar kamid ah odayaasha waxa ay sheegayaan dagaal oogayaasha in ay ogalaadeen xabad joojintaas, basle ilaa hadda majiro warar rasmi ah oo kasoo baxay wasiirada hubaysan oo ay ku cadeynayaan dagaalkii in ay joojiyeen. Maliishiyooyinka taabacsan wasiirada hubaysan ayaa xalay madaafiic iyo hoobiyayaal ku garaacay xaafado kamid ah magaalada Muqdisho, taasoo waxyeelo ay kasoo gaartay dadka rayidka ah ee kudhaqan xaafadahaas oo ku eedeeyay ragan in aynan jirin wax ay u aaba yeelayaan.

Si kastaba ha ahaatee jawiga goobihii dagaalada ugu ba’an ay ka dhaceen 4tii maalmood ee tagtay ayaa waxa ay maanta u muuqdaan kuwo xasiloon, taasoo muujinaysa wasiirada hubaysan oo maalmahanba dagaalada kusoo qaadayay midowga maxakimta ay kala kulmeen jab weyn oo aynan waligood kasoo kabsan doonin.

Cismaan Xasan Cali(fantastic)
cusmanfantastic@hotmail.com

 

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com