HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 

Garoowe: C/raxmaan Maxamed Faroole oo markii ugu horaysay ka hadlay dhibaatadii ka dhacday Garoowe iyo arimo kale

Tuesday, February 28, 2006 at 15:04

Garoowe(AllPuntland)- C/raxamaan Maxamed Faroole oo maalintii shalay ahay dikreeto kasoo baxday xafiiska madaxwayaha Puntland xilkii looga qaaday ayaa maanta saxaafadda uga waramay sida wax u dheceen.

Faroole oo waraysi siiyay Radio Gaalkacyo wuxuu sheegay ugu horayn in dhacdadii axaddii ka dhacday magaalada Garoowe ee saddexda qof ku dhinteen inay u dhacday kadib markii dhallinyaro dhowr ah oo uusan asagu laba socon xaaladdooda ay isku gadaameen xarunta baarlamanaka Puntland, wuxuuna sheegay in laba gaari oo ay saaran yihiin ilaalada madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisu ay ka danbeeyeen dhimashada iyo dhaawaca halkaasi ka dhacay.

Faroole mar wax laga waydiiyay inuu wax ka ogyahay dhallinyarada isku gadaamay xarunta baarlamaanka ayuu sheegay in ahaayeen dhallinyaro ka xumaatay waxyaabaha ka dhacaya Garoowe oo uusan markaasi sii faah faahin dheeraad ah kasii bixin.

C/raxamaan Faroole waxaa wax laga waydiiyay waxa uu ka qabo xil ka qaadista uu ku sameeyay madaxwaynaha Puntland ee Cadde Muuse , wuxuuna ku sheegay in Internetka looga soo sheegay casilaaddiisa hase ahaatee aan waraaqdii lagu casilayay lasoo gaarsiin.

Mar wax laga waydiiyay inuu iminka dhiibayo xilka wasaaradda qorshaynta ayuu ku gaabsaday in mawduuca laga hadlayo uu arintaasi kasii xeel dheer yahay.

C/raxmaan wuxuu carabka ku dhuftay in maalmihii lasoo dhaafay oo dhan magaalada Garoowe laga maleegayay qorshe marada looga dhigayo ama lagu ceebaynayo qaar kamid ah wasiiradii ugu horeeyay Puntland ee kasoo qayb qaatay dhismihii Puntland , dadkaasi oo uu kamid yahay naf ahaantiisa iyo Axmed Cabdi Xaabsade.

Faroole wuxuu xusay in arintii lala doonayay ay ku dhacday Xaabsade hase ahaatee asagu markii uu arkay inay baarlamaanku qorshaynayaan inay fadeexeeyaan asaga uu shirka isaga baxay , uuna ku wargaliyay madaxwaynaha in arin aan loo baahnayn ay ka socoto hoolka baarlamaanka.

Arintu meesha ay kasoo bilaabatay ayuu ku sheegay Faroole inay ahayd heshiis la'aan iyo khilaaf muddo kasoo dhex oognaa dawladda Puntland golayaasheeda una baahnaa in la xalliyo , kaasoo ay xallin waayeen madaxda dawladdu.

Maalintii shalay ahayd ayaa madaxwaynaha Puntland wasaaradda qorshaynta u magacaabay wasiir cusub , xilkiina ka qaaday C/raxmaan Faroole..

CCC Farayaamo

AllPuntland

 

 
   

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com