HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

Xaggee buu ku dan beyey wariye
Maxamed Cali Weji abihii radio
 
Muqdisho.

Somalia  sanadkii 1991 kii wuxuu ahaa dagaal sameeyey dhamaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed gaar ahaan bahweynta Warfaafinta iyo dhinacyada fankii dalka. Waxaa wax lays weydiiyo mudan in la xasuusto codkii weriye (maxamed cali weji), oo ay ku raaxaysan jireen bulsha weynta dhaga hooddu nasiibka u helay inaay maqlaan codkiisa. Haddaba maaha mid aan halkan ku soo bandhigi karo kaalinta uu kaga jiray bulshowaynta. Nin kastaaba wuxuu ahaa taariikhdaa qorta. Ka dibna laga soo bilaabo tan iyo waqtigii ay dagaalada sokeeye ka curteen Muqdisha,  waxaa bilawday in la kala haajiro oo qof ba meel u qaxo taas oo uu Waji ka bilabay inuu ka qaxo gurigiisa oo ku yaalay xaafadda Madiina agagaarka Nuur Adduunyo  una cararo dhinaca magaalada number 50. Balse mudo yar ka bacdi ayuu dib ugu soo noqday Xamar. Muhaajiriinta Soomaaliddu waa kuwo ku baahay adduunka oo dhan gaadhayna dacalada cidhifyada adduunka. Haddaba inta ugu badani waxaay soo gaadheen Europe iyo W\America. Iyadoo aysan ka hadhin caadadii xumayd ee hore u soo halaagtay dalkoodii. Waxaay bilabeen inaay sameystaan Websets, TV iyo Radio yaal qabiil si ay danaha qabiil kooda ugu fuliyaan kagana helaan deeq daawladdaha, taa mid lamida ayaa waxaay ka jirtaa Soomaaliya oo ay ku bateen radio yaasha qabiilada iyo TV  aan loo laheeyn wax xirfada marka loo eego qeybta wariye nimada iyo iyadoo weriye yashii hore ee Radio Maqdishu ay noqdeen kuwa anan inta badan dhex gelin inaay gacan ku yeshaan Radio qabiil. Taasina ay sii kor dhisay in anan dib danbe loo maqlin codadkii hore looga bartay inaay shegaan wararka. Aan dib ugu soo noqdo maqaalkii hore ee wariye(Weji) wuxuu ahaa macalin wax ka dhiga Dugsigii Sare ee 15may ee magaalada Muqdisho sanadadii 1980  isla markaana ka dhigi jiray  xiisada afka Ingiriiska. Wuxuu na mar ahaa madaxa sare ee Idaacada Radio Muqdisho,balse weji haddana mar danbe oo 1993 dii aheeyd na wuxuu madaxa sare ka noqday  Idaacadii UNISOM ee ay  Maraykanku xamar ka fureen.  

Mudo dabadeed waxaan maqlay inuu joogo dawladda la magac baxday Somaliland taas oo uu degan yahay. Haddaba su`aasha lays weydiinayaa waa sidey ka yeleen Maxamed Reer waqooyiga oo ah dad ku can baxay cunsuriyada qabiilka. Ma waxaay noq deen kuwo aanan ka fa`iidaysan oo ay dhinac martay cadiifadu xuni mise ku wo ka waan tooba isla markaana  eega sharciyada wariye nimo  ee Adduunka. Ka na baxsan qabiilka sida xun loo leexiyey, iyadoon qofka loo eegaynin aqoontiisa , wadaninimadiisa iyo daacadnimada uu u hayo shaqadiisa.  

Waxaad inta badan maqlaysaa dhalin yar yar oo labaxday magacyo naanaysyo ku cajib galiya oo ay isugu yedhaan markaay ka hadlayaan Idaacadaha ku waas oo ah kuwo anan hore loo maqal isla markaana anan wax khibrad ah u laheyn habka wariyenimo. Waxaan tabayaa weriya yashii (Daan Duray, Haydara, M,M,J,) iyo in kale oo anan dib danbe u maqlin. Ma waxaay noqdeen kuwo ay ka awood roonaatay kacaanka  qabiil ee ka hanaqaday  Soomaaliya, mise kuwo ananba war loo hayn meel ay ku dan beyeen?  

Waxaay illa tahay in aay ka tan badisay mashruuca qabiil ee ka jira Soomaaliya, oo anan la hubin goor uu soo af jarmi doono. Haddii la eegayo aqoon tacliin ama ay wax tarayso Maxamed Cali Waji ayaa laga dhex heli lahaa barlamaanka Daawladda ismagac caawday ee Somaliland oo beryahan danbe sii laba laabtay cunsuriyadedii ay ku haysey dhamaan waxaanan (DURIYADA) aheeyn.

   

incudur@yahoo.com

 NORWAY.          

 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com