Waxyaabaha Dalkii Hooyo Dumiyeey oo Burburka Sababay waxaa ugu weynaa
Nidaamkii Cadaalad daradda,Sinaan la,aanta iyo Eexd ku Dhisnaa,Ummadana
u kala
Saaran Qeybo Kala Mudan Iyadoo la ogyahay in Alle Simay,Dagaaladii iyo
Dulmigii
Weyn ee Dadka loo geeystay Xiligii Xukunkii Kacaanka ee Siyaad Barre iyo
Falalkii
Xasuuqeed ee ka dhacay-Gobolada Mudug,Nugaal,Goboladii Waqooyi,Galguduud
iyo
Hiiraan,Caasimadda Muqdisho,Gobolada Bay iyo Bakool iyo Jubooyinka
Dhammaan
Waxeey ku saleeysnaayeen Hab Khaldan iyo Hanaan Cadaalad Daro,Waana Waxa
Maanta halkaas gaarsiiyeey Dalkii Somaaliya,iyadoo Hogaamiyaashii Xiliga
Burburka
eey Raaceen Habkii Qaloocnaa iyo Wadadii Xumeeyd ee Rajiimkii Laga
Dhaxlay,
Eeyna sii Cakireen Dhibkiina sii weeyneeyeen Kumayaal Iyo Kumayaalna
Dileen.
Hadaba-Waxaa Dadoow la Yaab leh Habka eey
Qaaday Hogaanka Maamulka
Goboleedka P/Land oo Cadaalad Daro iyo Eex Cadaan ku Saleeyeey Dhismihii
Waxa
Lagu Sheegay Golaha Xukuumada Jen-Cadde Muuse oo Hab
Khaldan,Qaloocan
oo kala fogeeynaaya Midnimada iyo Wada jirka Beelahii Abuuray Maamulka
P/Land,
Waxaa Wax la Xishood ah in Golahu isku bedelo ama qaato Sawirka ah
Guurti ama
Golle Odayaal Beeleed,halkii uu ka ahaa Xukuumad hab dheeliri leh ku
dhisan oo u
Dhexeeya Dadweynaha Reer P/Land,Weli waan garan la,ahay habka
Caqliyadeed
ee Madaxweyne-Cadde Muuse iyo Kuwa La-Taliya,Waxaan Soo Dhoweeyn Mudan
Qoraalada iyo Canbaareeynta laga soo Saaran Qaab Dhismeedka Xukuumadda
sida:-
-Qoraalkii Suldaan Cabdisalaan Suldaan Max,ud Suldaan C/Salaan ee
Cinwaankiisu
ahaa Waa in Kalsoonidda lagala Noqdaa Xukuumadda Cadde Muuse.
-Qoraaladii Fara Badnaa ee Mujaahid-Liiban Cali Qaalid.
-Qoraalkii Cinwaankiisu Ahaa P/Land oo isku Bedeshay cashuur-Land iyo
Tacshiirad
Land ee uu Qoray Muwaadin-Faarax Yaasiin Mirre.
-Qoraalka Cinwaankiisu ahaa Sharcbiga Reer P/Land Iyo Madaxweyne Cade
Muuse
Yaa u Garnaqi Doonaa ee uu Qoray Muwaadin-Max,d Abdille Jaamac.
-Qoraalka Cinwaankiisu ahaa Wasiiradda Cadde Magacaabay Ma Wasiiradaa
Mise
Waa Wax Loo Ekeeyee-ee uu Qoray Muwaadin-Max,d Cabdi Saciid.
-Qoraalka Cinwaankiisu ahaa Walee Lamood Noqeynse Wayday Cade Macada
Warkiisa Cad!!!!! ee uu Qoray Muwaadin-C/Nuur Max,d Seeraar,Iyo Kuwo
Kalleba
Waxeey ka Hadlaayeey Dhaliilaha iyo Habka Khaldan oo Cadde ku Dhisay ama
ku Qeybiyeey Golaha Xukuumadeeda ee Cusub,Waana Qalimo Xaqa ku Saleeysan
oo Xurmadooda leh Jacel Wanaaga iyo Horumarka Maamul Goboleedka P/Land
iyo
In Dadku Helaan Hanaan Cadaalad,Sinaan iyo Xaq Soor ku
Dhisan,Danahoodana
u adeega oo Gaarsiiya Maqaamka eey Mudan Yihiin,Halkee ku Dameeye
Dhaqaalihii
P/Land,Maxaa Wax Looga Qaban waayeey Doonyaha Dhimashada,Xafiisyadda
Tahriibta iyo Naakhuudayaasha Gacan ku Dhiiglayaasha ah iyo Hanaanka
Xaraan ku
Naaxida ah ee Masuuliinta Qaarkood ku Dhaqmaayaan.
Waxaa La Yaabkeeda leh Kuwa Aniga Igu
Dhaliilaaya Maqaalkii Cinwaankiisu
ahaa Habka Cadaalada Cadde Muuse Iyo Saami Qeybsigii Xukuumadda,oo aan
ku
Qeexay Hanaanaka Khaldan ee La Mariyeey Golahaas iyo sida Sed-bursiga
loogu
Saleeyeey,Waana waxyaabaha Ayaan daradooda leh,Waana Sawir cad oo la mid
ah Habkii Dumiyeey Dowladii Somaaliyeed ee Rajiimkii Kacaanka,Waxaa
Difaaci
Mudan Wixii Saxan oo Xaq ah,Waxaa Difaaci mudan Cadaalad u Hiilinta iyo
Xaq
Sheegida,Maxaa Difaacid Mudan Canbaareeynta Dulmiga,Sed Bursiga iyo
Habka
Eexeed ee Madaxweyne-Cadde Muse ku Dulmiyeey Ummadda Reer P/Land,
Wuxuuna mudan yahay in Kalsoonida lagala Noqdo Xilkana laga
Xayuubiyo,Kuwo
eey Qaaday Caadifada Qabyaaladeed,Beeleed oo Sacabka u Tumaaya Dulmigga
Iyo Habka Maamul Xuma iyo Musuq-maasaqa iyo Dhicida Hantida Ummada iyo
Hanaan Qaloocsan ee la Qaadsiiyeey Maamulkii P/Land Iyaga iyo
Garashadood
iyo damiir Xumadood,Caqli Yaridood iyo Cadaalad Daradood,Ninka
Taageeraaya in
Beeli Yeelato-9- Wasiir,11-Wasiir ku Xigeen Iyo Dhammaan Madaxda Sarre
ee
Hey,adaha Maamulka oo Qof Cudar iyo Cuqdad Qaba,Alle Ka Fogaanshona
Doortay
oo Ayideey Hab Xaaraan ah iyo Dulmi Cadaan ah,Anigu Waxaan Doortay
Sheegidda Runta iyo Tilmaamida Xaqiiqadda Dhabta ah,Qalinkeeyguna Waa
Cad Yahay,Xaqna
Daboolimaayo,Belaayona u Hiilan Maayo,Hadii Alle Idmona Maqaalo iyo
Qormooyin
Nadiif ah,Danta Guud iyo Maslaxada Ummadda ka Turjumaaya Waan Qorri,Waan
Qoori,Waana Soo Bandhigi-Dulimi Iyo Xumaanina Qofkeedee
Dhishaa,Khadkeeygu
Waa Cad-yahay Waana Toosan Yahay,Waxaana Amaan Mudan Akhristayaasha
Sharafta oo Fariimaha Joogtada ah ii Soo Dirra.
-All Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-Huddersfield Town-England-06/03/2006-