HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

 
Illaalinta xuquuqdda bani-aadanka ayaa asaasi ka aduunyadda inteeda badan
kadib markii Jimciyadda qaramadda midoobay abuurtay golaha illaalinta iyo
La Socodka Xaaladda bani-aadaminimadda oo dowladaha intooda badani ku
Jiideen Saxiixa Dhaqan gelinta Axdigiis.
 
 
Runtii hoos u dhacay ayaa ku yimid xurmeynta iyo illaalinta xaquuqdda
Bani-aadanka ee guud ahaanba caalamka intii ka dameeysay weeraradii loo
geeystay dalka mareykanka 2001-dii iyo soo shaaci bixidda waxa lagu tilmaamo
Shuruucdda la dagaalanka argagaxsisadda aduunka oo fasiraad ama ujeedooyin
badan oo kala duwan leh,dowladda maraeykanka iyo qaarka mid ah ah dowladaha
yurub ayaa si weyn ugu gefay xuquuqdda muwadiniinta iyo dadaka soo geeleenka
ah gaar ahaam muslimiinta, waxaana la xalaaleeystay jeelka ku heynta iyo dal ka
Saaridda iyo Weliba Hababka Cadibaada iyo Jir-dilidda oo Mareykanku u geeysto
Maxaabiista oo Jeelasha ku Hayo.
 
 
Qaaradda afrika oo ah hooyga Tacadiyadda, xasuuqyadda iyo ku xadgudbidda
guud ahaanba xaquuqdda dadka ayaa dhibaatoyinku sii badanaayaan, kana jiro
wax la oran karro xal iyo hanaan wanaagsan ama is-bedelo daryeelayaa hab
Dhaqmeedka ama dhoowrista Xuquuqdda Dadyoowga afrikaanka ah, xukunka
Dulmigga iyo cadaadiska iyo tacadigga ku saleeysan ee keli-taliyaasha ku
amar taagleeyadda shucuubta qaaradda afrika ayaa ayaan daradiisa leh.
 
 
Dalka Somaaliya ayaa ah midka ku guuleeystay hanashadda horyaalnimadda
Sanadkan ee Tacadiyada, Xasuuqyada iyo ku xadgudbida uquuda asaasigga
ah ee muwaadinka somaaliyeed, hooyga dulmiga, gefka, fara-xumeeynta iyo
Bara kicinta dadka tabarta yar, dhacida degaamada, beeraha iyo guryaha ayaa
Caadi ka ah Dalka somaaliya intiisa badan, gaar ahaan koonfurta oo ah goobaha
ku caan baxay falalka foosha xun iyo talaabooyin waxshinimada leh, Gaar ahaan
Caasimadda Qaranka somaaliyeed Muqdisho oo ah fadhiga Qabqablayaasha ama
Hogamiyaasha, Xildhibaanada iyo Wasiiradda awooda ciidan iyo cududa hubeed ku
Gaashaaman ee uu hagaamiyo Gudoomiyaha Barlamaanka Somaaliyeed Shariif
Xassan Sh.Aden,Iyo Taageerayaasha C/Laahi Yuusuf oo Dulmiga iyo Awood Raadinta
ku Raacsan Mustaqbalka iyo Maslaxada Ummadda Somaaliyeed ma Wadaan Mana
Doonaayaan.
 
-Kufsigga.
-Dilka.
-Dhaca-
-Bar-Kicinta Muwaadiin Iyo Qabsasho Degaamo(Dhul Boobka).
-Goowraca.
-Takoor Iyo Quursi Joogto ah.
-Cadaalad La,aan.
-Isbaaradda.
-Af-duubka ayaa Calaamadaha u gaarka ah Caasimadda Qaranka Somaaliyeed,
Iydaoo tacadiyo badani ka jiraan Goboladda Sh/hoose,J/Dhexe, J/Hoose, Bay iyo
Bakoolba oo Dagaaladda Sokeeye iyo Fara-xumeeynta Haweenka loo geeystaa Caadi ka noqotay Degaamadaas iyo Bara-kicinta Dadka degaamadaas oo dan-yar ah, Sidoo Kalle waxaa Dhaqan Dambiyadeed weyn ah oo Calaamad Madoow ku ah Bulshadda
Somaaliyeed Hab Dhaqmeedka Quursigga, Takoorka iyo Heeyb Soocidda Gefka ah
ee Lagu Hayo Qeybo badan oo Shacabka Somaaliyeed ka mid oo Xurmadooda iyo
Milgadooda Gobeed leh Sharafta iyo Dadnimo Wanaagna ku Caan ah.
 
 
Shaki ku ma jiro in dhanka Sh/Dhexe eey ka jiraan Falal laga Xumaado oo dadka
loo geeysto iyo gefaf ka yimaada dhanka maamulka degaamadaas oo hab awood
sheegasho ah ku haya dadweynaha jeelashana loo taxaabo, goboladda Dhexe ee Dalka ayaa Dagaalo Sokeeye oo hab beeleed ahi si weyn u dhaawaceen Xurmada
Xuquuqdda Dadka iyo habkii wadda noolaanshaha iyo daaq wadaagA iyo Juboyinka
oo Xaaladaas oo kalle ka Jirto,Dadkii Degaanka ahaa oo Asaliga ahaana Awood loo
Sheegtay,Waana kuwa la Tilmaamay Beelaha Shanaad(Beelaha Nabadgelyada iyo
Muruq Maalida ku Nool oo Xalaal Cunka ah).
 
 
Dhanka P/Land waxaa ka jiro tacadiyo iyo xadgudubyo loo geeysto dadka gaar ahaan
kuwa Tahriibayaasha ee Doonyaha dhimashadda lagu daabulo, kadibna lagu daadiyo
Bad-weynta ama badda Carbeed iyo Gefaf eey jeestaan Maamulku oo dhaawacaaya
Xuquuqdda Dadka Iyo Hanaanka Illaalinta Xurmadda Basharka, Sidoo Kalle S/Land
ayaay ka jiraan Falal iyo Xadgudubyo lid ku ah Xuquuqdda Bani-aadanka Sidda habka
Dulmiga ah ee loola dhaqmo dadka ka soo jeeda Koonfurta(Somaaliya) Dhibaatadda
ka jirta Jeelasha iyo Dilal loo geeysto Dadka Aqaliyadda ah ama kuwa quursigga iyo Takoorka lagu hayo, Inkastoo Doorashooyin Dimuuqraadiyadeed ka Dhaceen S/Land
Nabad-gelyona ka jiro iyaga iyo P/Land-ba.
 
Guud ahaan Dalka Somaaliya ayaa ah mid sawir madoow, mugdi ah, fool xun ku leh
Hanaanka Illaalinta Xaquuqdda Dadka, Waa Hooyga Xasuuqyadda, Tacadiyadda iyo Far-xumeeynta Haweenka, waxaa Xalaal ka ah Dilka, dhaca iyo Bara-kicinta Dadka
Dan yarta ah, somaaliya waa hooyga gacan ku dhiiglayaasha, qaswadayaasha iyo
Dagaal oogayaasha Qaaradda Afrika, sidoo kalle Waxaa Dhaliilo mudan Dadka
Aqoonta iyo Habka Madani-nimadda sheeganaaya ee la duuban Dambiilayaasha, kuwa Dhaqaale joogtadda ah la garab taagan qaran dumiyaasha, kuwa Qalinkooda
sidda joogtadda ah ugu taageeraaya xumaanta, dhibka iyo rafaadka Dadka iyo Dalka
Somaaliyeey Heeysta iyo kuwa Shebekadaha ku Soo Bandhiga Af-lgaada iyo Ceeyd
Sii Kala Fogeeyneeysa Ummadda Somaaliyeed oo Colaaduhu Dhibeen,Marxaladan
Waxaa Loo Baahan Hogaamiye Wadani ah,Daacad ah,Dmiir Fiican leh oo Dalka iyo
Dadkba ka Samata Bixiya Xaaladdan Qalafsan Iyo Alle Tawakal Dhab ah.
 
 
   -Somaaliyeey Dulmiga Diida,Xumaanta Diida,Tacadiya Xad Dhaafka ah
Diida,Baadilka Diida,Xuquuq Duudsiga Jirra Diida ma Joojiya,Quursigga
iyo Takoorka Joojiya,Cadaalad Darada Joojiya oo Diida,Colaada iyo
Dagaalada Sokeeye Joojiya,Dayacaada Danaha Ummadeed Diida,Awooda
Iyo Is-Balaariinta Madaxdda Sarre Diida,Xaqa iyo Wanaaga Garto oo Qaata
Walayaal Qaata,Allena Tawakala.
 
 
 
-Alla Mahad Leh-
-Qorre-Xassan C/Laahi Sheekh(Xassan Carab)-
-England-UK-22/03/2006.
 

 

 
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.
 

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com