HOME |ABOUT US| SUGAANTA| GUEST BOOK | OPINION |

                       

SHALAAD BARATAYE WAA LA SHUBI JIREY!  

DHULKII BOONTA MISE PUNT:-

Waxaa xaqiiqa ah in uusan marnaba ninka Cadi uusan ninka Madow u ogolayn taariikh,  sooyaal iyo ilbaxnimo hore. Waxaa uu Ninka Cadi qoraa buugaag, sheegaa borobagaan uu ku difaacayo kuna faaninayo Ninka Cad isagoo Ninka Madow ka dhigaya wuxuu lahaan jirey oo habaar ku dhacay, midabkiisa madowna uu marag ka yahay in waa hore la habaaray. Wuxuu  Ninka Cadi ka dhaadhiciyey Ninka madow inuu dulli yahay oo uusan dhaqan, diin iyo ilbaxnimo hore lahayn, wuxuu maanta ku faanana uu isagu u keenay.

Waxaa markhaati cad noogu filan sida maanta loo baabi’iyey ilbaxnimooyinkii hore oo dunida ka jirtay sida tii Boonta, Shiinaha, Mesopotamia, Songhay, tii Islamka iwm. Waxaanu hadh iyo habeen baranaa niman magacyo qalafsan leh oo Reer Yurub ah oo la yidhi waa badmareeno, saynisyahan, boqorro iwm. Akhristow weli ma isweydiisay aaway adiga kuwaagii ilbaxda ahaa? Kuwaagii dhakhaatiirta ahaa? Kuwaagii injineerada ahaa? Yaaba wakhti u haya wixii hore! Qof waliba wixii uu ku indhafurtay uunbuu daba hashleeyaa! Yaa wakhti u haya barashada quruuma rogmaday! Anigu koley Xornimadii baan la fil ahay wax dhaafsana shuqul kuma lihi! Anigu koley Xamar baan la fil ahay oo Bayzaani baan ahay!.

Haddaba aan taariikhdaadii kuu dul maro inkastoo nalaga qariyey! Oo Waayo? Oo waayadeed! Miyaadan fahmin in Ninka Cadi waxa dhisay Ahraamtan dunida ka yaabisay uu u yaqaano Dad Cad! Maskaxdiisa kama dhaadhicin kartid Nin Madow baa taallooyinkan dhisay amaba Adduunka isaga gooshi jirey waayo hore. Sidaa daraadeed ayaa wixii la bah ahaa ama la ganacsan jireyba loo qariyey taariikhdooda. Lama doonayo in la faadhfaadho waayo xaajadu waxay tegeysaa raad arooryo dib looma raaco!.  Markii wixii la soo faagay loo tegeyna, mise dadku sidiiba waa ka duwan yihiin. Waayo dadka ku xardhan taallooyinku waa wada casaan ama isku wada midab. Waxaa iftiinka u soo baxay ceebtii Ninkii Caddaa, wuxuuse Saancaduhu markiiba u rogay in Taallooyinka intan le’egi ay dhiseen Belaayo aan la arkeyn oo saaran Suxuun Duusha (Aliens)!. Taasaa maanta hirgashay oo meel walba lala marayaa. Waxaase ka sii daran markii ay naga dhaadhiciyeen anagiina oo ay xataa haddii ay god abeeso galaan aanu la galnay sidii Suubanahu yidhi (csw). Bal akhri qoraalkii hore ee http://www.midgaan.com/sayid.htm. Dhibse ma leh oo marba ilbaxnimadii jirta ee dunida ugu xoog weyn ayay dadku maqlaan, dhaqankeeda yeeshaan afkeeda bartaan, sideedana u lebistaan. Waagii Ilbanimada Islaamku dunida haysatay, boqortooyooyinka Yurub oo dhan sida Islaamkey u lebisan jireen, afcarabigana way ku hadli jireen, dhaqanka Islaamkana way yeelan jireen si loo aqbalo. Carruurtooda waxay iskool ugu soo dirsan jireen Fiz, Baqdad, Dimishiq, Cordova iyo Timbaktu. Marka uu Boqorka ama ninka ilbaxa ahi hadlayana waa inuu xoogaa carabi ah soo dhexgeliyaa sida aynu maanta anaguba ugu waalanay: Actually, You know, Infact, Maybe, Oh! My goodness iwm. Haatana laga dar oo waxayba arrintu maraysaa Jesus! Holy Shit, Mother F…iwm. Faraaciinta laftoodaa ayaa gidaarada ku xardhi jirey dadka Reer Soomaaliya maadaama ay aad u jeclaayeen ilbaxnimadii ka jirtay oo ay u arkayeen in awoowayaashood halkaa ka yimaadeen. Haddaba maxaa keenay in uu Ninka Cadi xaqiro oo uu ummado soo jireen ah xaqooda duudsiyo?Jawaabtu Quudhsi, Takoor, Cunsuriyad, Yareysi iyo qaadan waa lee maahoo!

Waxaa taa aan ka duwaneyn Ajiga maanta ku nool Soomaaliya oo waaya danbe ay awoowayaashood dhulka yimaadeen sida ay iyaguba sheegtaan. Waxaa la ogyahay meelaha ay ku duugan yihiin Ajiga awoowayaashood oo weliba ilaa maanta ay siyaartaan. Ajiga Awoowayaashii oo kala ah Daarood, Dir iyo Digil iyo Mirifba waxaa la ogyahay wakhtigii ay soo galeen, meeshay ku duugan yihiin, dhirtey fuuli jireen iyo abtirsiinyadooda. Taasi waxay na tusineysaa in Ajiga awoowayaashii ay ahaayeen Qaxooti soo galooti ah oo weliba seyra goys ah, haba soo kala horeeyeene. Dhamaantoodna waxaa nalaga dhaadhiciyey inay ahaayeen Carab Reer Qureysh ah. Haddaba waxaa aniga iga yaabisay in uu maanta Ajigu ku qarwo in dhulku uu iska banaanaa oo aysan cidi deganeyn! In dadkii meesha deganaa ee ay ugu yimaadeen aysanba taariikh hore lahayn oo ay cawaan ahaayeen! In dhulku uusan magac hore lahayn ee ay iyagu u bixiyeen magac iyo in Ajiga awoowayaashood ay ahaayeen dad af walba ku hadla oo markiiba ay guur, gar iyo wada xaajood ay la galeen dadkii dhulka kusoo dhoweeyey. Waa yaabe sideebuu Nin Carab ahi dad aan afgaraneyn ula xaajooday oo uga guursadey? Faraha lee laga wada hadley maahinoo!

 

Text Box:  
Punt(Pwanet)





Waxaa jirtay taariikh hore oo uusan dooneyn inuu Ajigu soo faago. Waa siduu u sharxay Allaha u naxariistee Macallinkii Suugaanta Soomaalida Prof. Axmednuur Yuusuf, Dhulku wuxuu ahaa Dhulkii Boonta. Afka Soomaaliga kuma jirto ereyga “P” ilaa maantana maba karno. Punt-na ma ahayn oo ma godeyn magacu ee waa koor dhaban yahay Boooooonta, waana sida ay ugu qoran tahay Ahraamta ku teedsan maanta Masar siiba tii ay lahayd Boqoradii Xitsabshuud ee Dayrul-Baxri.  

Ogow ereygu wuxuu ahaa Bon iyo Ta. Boon= magaca dadkii deganaa Ta= Dhul sida ay Kem= Madow Ta= dhul. Kemta= dhulkii dadkii madoobaa= Masar. Bonta= Dhulkii Boonta. Ogow in afka maanta ugu dhow luqadii faraaciintii hore ay tahay afka ay ku hadlaan qabiilooyinka ku nool Sinigaal iyo Nayjeeriya ee Wolof iyo Yoruba. Dhan walba marka laga eego erey ahaan, jumla ahaan iyo micna ahaanba waa isku mid. Haddaba haddii uu Ajigu leeyahay naaneys naga qarsoon oo macnaheedu yahay Boon ha na loo sheego si aynu u ogaano!.  

Ilaa maanta waxaa yaala Masar Kitaabo waaweyn oo aan dunida la tusin si loo qariyo guud ahaan taariikhda Soomaalida, waxaase ka daran xabaala tuulooyinka iyo qasriyada Soomaaliya ka dhisan ee aanu jaahilka ka nahay. Waayo haddii aanu taalooyinkeena, godadkayaga iyo Daharka baarno waxaa laga heli lahaa taariikhda dhabta ah ee ay naga qariyeen Masaaridu, waana halka ay taariikhda dunidu iska qabsan la’dahay.  

Faraaciintii hore ayaa wax ka soo raadsan jirtay Soomaaliya, maadaama ay ka jirtay Ilbaxnimo tooda la mid ah amaba ka weyn. Waxaad ogaataa ninka wax laga soo raadsanayo ayaa mar walba ka horumarsan kan baahidu wado. Waxaa ka jirey dhulkaa Boonta boqortooyooyin da’weyn oo ay xukumi jireen boqorro rag iyo dumarba leh. Waxaa ay dadka taariikhda yaqaanaa ka hadlaan in Boqoradii Araweelo ay ka mid ahayd kuwii u latin jirey Dhulkii Boonta. Boqorkii u danbeeyey ee xukunkiisu ay Ajigu rideen markii ay xoogeysteen ee ay isugu tageen meesha ay Maanta Awoowayaashood ku duugan yihiin ee Sanaag ayaa waxaa la odhan jirey Baydari. Ajigu ilaa 3 mar buu is urursaday, markii u danbeysey waxay ka baacsadeen Soomaaliya dadka maanta ka suulay wadanka ee la yiraahdo Ajuuraan. Bal akhri wixii laga qoray waxa ku qoran Dayrul Baxri.  

“On the pictured plates at Deir-El-Baheri, the huts of the people of Punt were like the Toquls of modern Sudanese, being built on piles approach by the ladders. The birds were like a species common among Somalis. The fishes were not like those of Egypt. The wife of the King of Punt appears with a form like Bongo women with exaggerated organs of maternity”.(Wonderful Ethiopians of the ancient Cushite Empire, Houston, Drusilla Dunjee, 1926)

Bal eeg sawirka Deir El-Bahri inkastoo inta aan muuqan ay weyn tahay. Waa maxay sababta qaybtii ka hadlaysay Punt ay u burbursan tahay oo qaybta kale ee Boqoradda iyo arrimaheeda kale khuseeya ay u badbaadeen? Adiguba waad haysaa jawaabta! 

 

Magaca Dhulkii Boonta ayaa siyaaba kala duwan loo qoraa looguna dhawaaqaa. Waxaa ka mid ah qoraaladaa kala duwan ee afka qalaad ku qoran ee uu magacani leeyahay kuwan: Punt, Pont, Phunt, Poenit, Poenite, Phut iyo Put . Macnooyin kala duwan ayuu leeyahay oo ah dhulkii Ilaahyada, Uduga iyo dhulkii asal ahaan ay Faraaciintu ka yimaadeen. Waxaa dhulka Masar ka talin jirey Faraaciin boqortooyooyin ah oo asal ahaan ka yimid Sudan, laakiin waxaa inqilaabay kuwii ka yimid dhulkii Boonta. Waxaa lagu magacaabi jirey Boqortooyooyinkaas Mesnitu (Tumaalo, Midgo)oo ka yimid dhulkii  Ta Nteru (dhulkii Ilaahyada).  

Taariikhda aynu ka hadlanaa maaha mid la xasuusnaan kari lahaa haddii aan gidaarada lagu daabicin. Waxaa laga hadlayaa 1950 Nebi Ciise(cs) ka hor. Taariikhda laga hadlayaa waa mid muujineysa dad deganaa Soomaaliya oo camalkoodu ahaa Bir tumid, Harag ka shaqayn, Gorayo dhaqasho, Falaaro ku dagaalan iyo Gabooye sameyn. Waa shaqo ay maanta ku amaanan yihiin inay noo hayaan Midgaha iyo Tumaaladu, laakiin nasiib xumo uu Ajigu ku caayo. Shaqada iyo Xirfadu waa dhaxal sida Geeljiranimaduba ay dhaxal u tahay. Haddaba haddii Asalka Dhulka Boonta ay yihiin Ajiga, maxaa maanta ay uga carareen shaqadoodii ay Faraaciinta la qabsan jireen. Haddiise Ajigu uusan garaneyn shaqadaas oo uu Geeljire yahay oo ay Madhibaanku u sameyn jireen qalabka ay isku layn jireen ee raqiiska ahaa, hanoo daayeen shaqadayadii hore ee aanu ku ammaaneyn, hana garowsado Ajigu in aanu weli ku ammaanan nahay isla markaasna hanoo daayo magacayagii uu lahaa dhulka maanta nalaga boobay ee taariikhiga ah. Waana dhulka ay Soomaalidu ku faanto marka ay ka hadlayaan taariikhdooda, waana dhulkii Boonta. Soomaalida waxaa u caada ah inay dhaqankooda iyo taariikhdooda ku faanaan, haddana caayaan ciddii haysata ama ku dhaqanta. Waa laba aan isqaban Karin!  

Bal sheekadan ila akhri: Wiil yar oo geeljire ahaa ayaa la keenay Minneapolis, waxaana da’diisa oo weyn darteed la fariisiyey Dugsiga Sare ee Roosevelt. Muddo markuu iska dhexfadhiyey oo ay indhuhu ku casaadeen ayuu xoogaa soo daba jiitamay carruurtii kale. Laakiin Mohamed waxaa ka yaabisay sida ay carruurtu iyo dadka waaweyniba ay ugu caayaan inuu ka yimid miyi oo uu geel jire yahay. Maalintii danbe ayaa waxaa laga codsaday inay Soomaalidu soo bandhigto dhaqankooda, mise Mohamed ayaa la yaabay sida dhaqankii uu yaqaanay ee Reer Miyiga ay Soomaalidii u soo bandhigeen iyo sidii ay isaga ugu caayi jireen. Waxaa meeshii laga soo buuxiyey koor, dhiil, haan, harag, alool, xeero, fandhaal, aleelo! Yaab badanaa! Intuu ishayn waayey ayuu yidhi: “Waar heedhaha kani waa dhaqankeygii iyo geeljiranimadeydiiye, ordoo dhaqankiina iyo Beyzaanigiina raadsada! Sow la yaab maaha akhristow marna I cay, marna igu faan!

Iskaba daa waxa ku daabacan Ahraamta ee marka aad eegto qarniyadii ina xigay ee tegey wixii laga qoray Soomaaliya waxaa soo baxaya in dadka taariikhda ku xeel dheer iyo cidii caqli lehba in dadyowga qadiimka ah ee Soomaaliya degani ay ahaayen Migaan-ka, Ajuuraan-ka, Hawaltiryat-ka iyo Galla-da. Waatan warbixin kooban oo ku saabsan arrintaas.  

In the meanwhile, let us briefly see what sort of people were the ancestors and early tribes of Somalia:

Midgan
It is likely that the Midgan, who number about 50,000 people in Somalia today, have perhaps for more than 7000 years, been a very serious and ferocious hunting and catching nomadic tribe. They have been great experts in archery, spear-throwing, and catching all kinds of animals even big animals like leopards, geopards, wild elephants, giraffe, ostrich, and snakes etc. by using traps made of ropes, nets and by making holes or pits in the earth. They have since ancient times not only been catching but killing animals, cleaning and selling their skins and drying their meat. Perhaps, their ancestors used to provide goods to the Puntite merchants of the coasts to be sold to the Egyptians of the Pharaonic period and other trading countries all through the last four thousand years.

Sir Richard Burton described Midgans 150 years ago as under:

"Many Midgans employ themselves in hunting and agriculture ... Instead of spear and shield, they carry bows and a quiver full of diminutive arrows, barbed and poisoned with Waba -- a weapon used from Faizoghill to the Cape of Good Hope... He (Midgan) is accused of maliciousness; and the twang of his string will put to flight the whole village. The poison is greatly feared, it causes, say the people, the hair and nails to drop off, and kills a man in half an hour."

Hawaltiryat
They are builders of graves. (hawal: cemetery and Tiriyat: builders) These were the first Somali people who made concrete development in the land in the hoary past. They used to build small conical pyramids of stone on graves. The graves made by the Hawaltiryats thousand of years ago are still found at many places in Somalia.

Ajhuran
These ancient people were pure specimens of the Somali people. They were very intelligent and skilled in engineering works. They could build wells even in hard rocks, make caves and also draw figures in the caves in the mountains in ancient times. They were very beautiful and good people. Some of their descendents are still living in the central region of Somalia and in the Galla Sadame region of Ethiopia. They have a sense of nobility and beauty. Their ancient techniques of boring wells in the rocks is not lost; we do not know anything about them now. Whenever any archeological place is discovered, the Somali believe that the Ajhurans may have built it.

Galla
In ancient times they lived in southern Somalia and some also lived in north Somalia, but they gradually moved to western and south-western Somalia. They have been pastoralists for the last 3,000 years, and they have inhabited Somali since approximately 2,500 years ago. They have been driven away by the Somali tribes during the last ten centuries to Ethiopia and Kenya. Now they are mostly concentrated in Addis Ababa, Chima and Neghelee regions of Ethiopia and Kenya. The Gallas did not have an advanced civilization. A part of Galla population might have amalgamated with Azuran and Hawaltiryat.

Haddaba iyadoo la yiraahdo dhulkan Soomaaliya dadkii u horeeyey ee deganaa lana baayacmushtari jirey Adduunkii rogmadey waa Ajiga maanta degan Soomaaliya, waxay la mid tahay iyadoo la yiraahdo Ninka Cad ee degan America waa kii meesha loogu yimid. Magaca Dhulkii Boonta oo Soomaalida maanta joogta ay ka maqleen Qoraaladii ay sameysay Dowladii Kacaanka iyadoo u qoran Punt ayaa wuxuu la mid yahay iyadoo la yiraahdo magacyada Canada, Dakota, Iowa, Ohio, Mississippi, Hiawatha, Arizona, Cherokee, Saskatchewan iwm. waa magacyo Reer Yurub. Ogow marka uu qof Laaji ama Qaxooti ahi uu magac ku cusub ku dhawaaqayo wax badan baa iska bedela oo sidiisii hore ahaan maayo. Markaa ilaa maanta waxaa Soomaalida oo dhan ku adag xarafka “P” oo waxaanu niraahnaa: Baba -halkii laga rabay Papa, Bublic-halkii laga rabay Public iwm. Inkastoo Ajigu uu ku caayo Midgaanka afjubuqsanaan ama in Midgaanku afka gaalada oo kale leeyahay, markuu Ajigu dhaajinayo Midgaankana uu hadal nuxuus leh oo si u bah dilan ku hadlo, haddana waxaad arkeysaa in maanta nabsigii helay oo waxa laysku dhiibaa uu Midgaan yahay, Afkii biro lagu wada xidhay si ilkaha dhaadheer loo gaabiyo oo loo yeesho af jubuqsan, gabdhihii lagala faani jirey ee 100-ka halaad iyo faraska laga bixin jireyna lala dawarsanayo kuwo dhaqan, diin iyo arag aynaan wadaagin oo loo bixiyey wuu iisoo islaamay! Jareer maaha ee waa Madow. Akhri qoraalka aan mar hore ka qoray arrinkaas ee cinwaankiisu ahaa “ Wuu ii soo Islaamay”

Tixraac:  http://www.maat-ka-ra.de/
C/Rahman Eelay eediran@yahoo.com
      
 
Fiiro gaar ah:
Rayigan dhamaan inta uu ka koobanyahay waxaa iska leh qorayaasha soo qorey, "Dulmane Online" sinaba uugama masuul aha sida ama waxa uu qoraagu soo qorayo.

Copyright©Dulmane.com Email : webmaster@dulmane.com